ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

Ku: Dhammaan aqoonyahannada iyo waxgaradka Beesha Kablalax Daarood.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 16, 2002

Posted to the Web   January 16, 2002

Waxaa Qoray

Guddiga Dhexe ee ku meelgaarka ah ee Beesha Kablalax Daarood/ Denmark.

unitedkablalax@yahoo.com

Ku: Dhammaan aqoonyahannada iyo waxgaradka Beesha Kablalax Daarood.

Sida aad la wada socotaan, waxaa muddo dhawr bilood hortood ah dhidibbada loo taagey boodhkana laga hufay, isu soo dhoweynta iyo isfahansiinta bahweynta Beesha Kablalax Daarood. Beeshaas oo isku dhaqan ah dhalashona ka dhexayso, oo aan ahayn mid  isu gaashaan buursanaysa siyaasad ama arrimo kale, sida ay marar badan beelaha Soomaaliyeed qaarkood sameeyaan; iyadoo ayan isu keenin dhalasho. Isbahaysiga beesha Kablalax Daarood waa mid run ah, waayo waan dad wada dhashay  wana nimco uu Ilaahay  siiyey.

 Waxaa eebbe nala garab galay, in aannu dadkaas shakigii iyo dareenkii xumaa oo ku kala jirey kaga suulinno muddo gaaban gudeheed, ka dib markii aannu dhawr shir oo isdaba joog ah u abaabulnay, natiijadiina ay noqotay, in laysu calool fayoobaado oo gacmaha la is qabsado, meel kastaba adduunka ha ka joogeene. Waxaad arkaysaa, inay tahay arrin u baahnayd dadaal iyo abaabul aan sidaa u sii weyneyn. Waayo mar hore ayay dalkii gudihiisii oo dhan iyo  dibeddiisaba ifafaale weyn oo midnimo ka muujisay.

 Sida aad la wada socotaan, waxaa abaabulku markii ugu horreysey ka bilowday waddanka Denmark gaar ahaanna magaala madaxda labaad ee Aarhus.  Waxaana bilaabay dhoowr dhallin yaro ah oo u dhashay beesha, saaxiibtinnimana ay u dheer tahay oo aad isu aamminsan isla markaana ah rag aqoonyahan ah.

 Waxaa laysla wada qiray inaan arrimaha Soomaaliya waxba ka soo naasa caddayn oo la majare habaabiyey, dulmi badanina jiro, garoowshana aanu jirin, waxaana ah xaqiiq in la doonayo in la duudsiyo beelo Soomaaliyeed; iyadoo sababaha keenay arrintaas ay ka mid tahay kala daadsanaanta iyo tafaraaruqa muddo dheer ku dhex jirey Beesha Kablalax Daarood. Ujeeddada laga leeyahay abaabulkan cusub oo beeshuna waa in la helo midnimo Soomaaliyeed.

 Marka dhammaan aqoonyahanka iyo waxgaradka Beesha Kablalax Daarood meel kastoo ay kaga nool yihiin adduunka, waxaa looga baahan yahay waajibna ku ah, inay u guntadaan sidii ay abaabulka iyo midaynta beesha uga qayb qaadan lahaayeen ugana tiirin lahaayeen dhinacooda; iyagoo is wada kaashanaya, sideedaba iyo marba haddii ay inoo wada caddahay, inay beelo aan wadaagin dhalasho isu soo bahaysteen xumaanteenna. Waa inay wax u sheegaan oo wacyi geliyaan dhammaan dadka u dhashay beeshaan, si fiicanna uga dhaadhiciyaan sida ay tahay xaqiiqda dhabta ah oo maanta ka jirta dalka Soomaaliya; iyagoo ku boorrinaya uguna baaqaya iskaashi iyo wada shaqayn. Waxaa kale oo looga baahan yahay, inay dhammaan dalalka ay kala joogaan siiyaan warbixin ku saabsan sababaha dulmiga iyo dagaalladu ugu bateen dalkeenna, si bulsho weynta adduunku u ogaato waxna uga qabato.

 Gabayaaga Soomaaliyeed ee Qaasim, wuxuu yiiri: Dacartuba marbay malab dhashaa oo aad muudsataa dhabaqe, waxaan ahay  macaan iyo kharaar meel ku wada yaale, midigtayda iyo bidixdu waa labo mataanoode, tabantaabaday labo gacmood tamar ku yeeshaane, tiskana waxa la qaadaa markay tiirisaa bidixe, hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseene …”.

 Macnaha ninkii rag ahi wuu garan karaa, bay nala tahay doqonina waa yeelkeed.

 Walaalayaal xil weyn ayaa si gaar ah idiinka saaran dadkiinna iyo dalkiinna, waxaadna xaq iyo waajib u leedihiin inaad diiddaan dulmiga iyo gardarrooyinka badan oo laga wado deegaannadeenna iyo dhammaanba Soomaaliya. Waxaana idinla gudboon inaydaan ku bakhaylin wixii aad garasho iyo aqoon leedihiin ee waa inaad isu geysaan waana inaad yeelataan samir iyo dulqaad, si ay gacmaha isu qabsato oo aan loo dhex marin beeshiinna. Sababtoo ah waxaan shaki ku jirin, in inta kooxda carta ka jirto Soomaaliya ay fidmo, dulmi iyo argagixiso ka jirayaan.

 Gabayaagii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Xaaji Aadan Afqallooc (Allah ha u naxariistee) baa wuxuu yiri: ”Dadka kale ninkiisii wax tara waa tammadiyaaye, idinkuna caqliga taamudka ah baad ku tumataane …”.

 Waxaa walaalayaal noo muuqda ifafaale midnimo iyo dawladnimo Soomaaliyeed, waddada keliya oo loo mari karaana waa hawsha aannu hadda wadno. Waayo cid kale oo danaynaysa ama raadineysa midnimo Soomaaliyeed ma muuqato. Haddaad taas caddaynteeda u baahan tahayna  waa inaad eegtid waxa 11 kii sano ee la soo dhaafay ka socdey Soomaaliya walina ka socda.                                               

 Guddiga Dhexe ee ku meelgaarka ah ee Beesha Kablalax Daarood/ Denmark.

unitedkablalax@yahoo.com

Qoraaladii Hore ee Kablalax Denmark:

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com