| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

Dhamaan jaaliyadaha & Waxgaradka Beesha Kablalax Daarood ee dibadda dalka.

December 19, 2001
Posted to the AllPuntland.com  December 19, 2001
Denmark

 

Ciid wanaagsan!

Dhambaal deg-deg ah oo aanu ka helnay qaar ka mid ah waxgaradka beesha kablalax Daarood ayaa noo sheegay in kaalmo iyo waxqabad deg-deg ah lala soo gaaro deegaannada Beesha ee hoos ku qora:

  1. Degmada Jilib/ Tuulada Guduudley,Beledul Kariim & Nawaaxigooda

  2. Degmada Afmadow

  3. Degmada Qooqaani

  4. Degmada Xagar

  5. Degmada Badhaadhe,Buulo Xaaji,Kudhaa & Tuulada Kulbiyow

  6.  Magaala madaxda Gobolka J/Dhexe ee Buáale

  7. Tuulada diif & Dhoobley

Deegaannadaasi oo ay wax uga soo degi jireen dekedda Kismaayo oo ay haatan si xaqdarro ah ku haysato kooxda argagixisada Carta iyo xulafadeedu,waxaa si xoog leh ugu soo qaxay qaxooti badan oo ka yimid meelaha ay haatan ka socdaan dagaallada loogu jiro in lagu xoreeyo goobaha weli ku harsan gacanta argagixisada Carta iyo xulafadeeda.

Dhamaan Jaaliyaddii/ururkii/qofkii heegan u ah in ay gacan ka geystaan waxqabadkaasi waxaanu ka codsanaynaa in ay sida ugu dhaqsaha badan noola soo xiriiraan si aynu barnaamij waxqabad midaysan u yeelanno. 

Waxaanu sidoo kale idinku wargelinaynaa in aanu sida ugu dhaqsaha badan idiinla soo socodsiin doonno taariikhda cusub ee qabashada shirweynihii Beesha Kablalax Daarood ee qaaradda Yurub oo ka dhici doona magaalada Odensa ee dalka Denmark (Insha-Allah).

Waxaana la filayaa in ay sidoo kale shirweynahaasi ka soo qayb geli doonaan ergooyin iyo xubno ka tirsan jaaliyadaha Beesha ee Woqooyiga Maraykanka iyo dalal kaleba. 

Guddiga ku meel gaarka ah ee Beesha Kablalax Daarood ee Denmark

unitedkablalax@yahoo.com


 Go Back  

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


Old News|Oktober| Sebtember|August | July | Jun 01 | May 01 | Apr 01 | Mar 01 | Feb 01 | Jan 01 | Dec 00 |

Contact/Nagala soo xiriir:

|Webmaster@allpuntland.com| |admin@allpuntland.com| |info@allpuntland.com| |support@allpuntland.com| |Sales@allpuntland.com | |sysadmin@allpuntland.com

Fadlan Email-kasta oo ay la socdaan File lifaaq ah  noogu soo dir emailka hoose / All Email with Attachments Please send only this Email address puntlandhome@Hotmail.com

Attachments are automatically scanned for viruses using MCAFEE.com

TOP / KOR

 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com