| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

Digniin Ka Timid Beesha kablalax Daarood ee Denmark.

[Puntland News
December 18, 2001
Posted to the AllPuntland.com  December 18, 2001
Denmark

DIGNIIN!!!

Warar naga soo gaarey ilo aannu ku kalsoonahay ayaa sheegaya in kooxda carta ay si joogto ah uga waddo fidno iyo isku dir deegaanno kala duwan oo Beesha Kablalax.

Waxaa la sheegayaa in dhammaanba meelaha ay ka midka yihiin Sanguuni, Calanley, Jilib, Guduudey iyo Faanoole ay dad ka socda kooxda carta ka wadaan dil, dhac, kufsi iyadoo dadkii halkaas degganaa lagu khasbayo inay si khasab ah u saxiixaan una wareejiyaan mulkiyaddii guryahooda iyo beerahooda, haddii kalena la dilayo, taasina ay kooxda carta iyo xulufadeeda ku caddaynayso dembiyadii burcadnimada iyo argagixisannimada ee hore loogu eedeeyey. Ilaa 8 qof ayaa ilaa hadda la sheegayaa in lagu diley deegaannadaas. Dhowaanna waxaan soo tebin doonnaa haddii eebbe idmo khasaaraha meelahaas ka dhacay oo tafatiran.

Kooxdu waxay si joogto ah ugu hawllan tahay inay fidno iyo dagaal ka dhex oogto deegaannadayada, taasoo ay caddaatay inay dhowaan lacag badan soo siiyeen nin u dhashay Beesha Kablalax Daarood kaasoo ku diley hal nin oo isla beesha ah Libooya, ka dibna u baxsaday meeshii laga soo diray.

Waxaan ugu baaqaynnaa bulsho weynta adduunka in fiiro gaar ah iyo indho dheer loo yeesho dalalka iyo ururrada dhaqaalaha siiya kooxdaas ka hurinaysa dagaalada cusub dalka Soomaaliya. Dhammaan aqoon yahannada iyo indheer garadka u dhashay beesha Kablalax Daaroodna waxaan u soo jeedinaynnaa in ay dalalka ay joogaan la socodsiiyaan waxa ay dhab ahaan tahay kooxda carta iyo inayan haba yaraatee wakiil ka ahayn waxna loogu dhiibi karin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Dadka Reer Kablalax Daarood oo ku sugan dalkiina waxaan leenahay "xoolo ma ahidin ee dad ayaad tihiin ee yaan kooxda carta oo wali laga haysto madaxtooyadii, dekeddii, iyo garoonkii magaalo madaxdii dalka ee Muqdisho isla markaana ciidammada u soo dirtay kana dagaal gashay Kismaayo isaga kiin dhigin dawlad oo isku kiin dirin". Nin kasta oo idinka dhashay oo wali maanta kooxdaas u shaqaynayaana waa dillaal aan idiin hayn wax dan ah.

Xulufada weerarka ahna waxaan leenahay, dhalanteed ayaa iskiin tusay. Marnana kuma guuleysan doontaan gardarrada, weerarrada qaawan iyo kibirka aad waddaan. Dhul cusub saas laguma helo, idinkoo qabyaalad ku maamulanayana shaar qaran nooma soo gashan kartaan. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, "nin aan kuu furi doonini yuusan kuu rarin". Waxaa kale oo lagu maahmaahaa, "war ninkii hadhoow hoosayn doonoow haddeer joog".

Beesha Kablalax Daarood waxay diyaar u tahay wax kasta oo lagu gaari karo heshiis iyo nabad ku wada noolaansho, iyadoo ayan deegaannadeedu ku jirin wax gorgortan ah. Waxaa kale oo ka go’an inay beel kasta oo Soomaaliyeed kaga abaal mariso samaan iyo xumaan hadba kii ay geysato.

Kooxda Carta oo aan wakiil ka ahayn cidna waa inay deg deg ugu noqdaan deegaannadii ay ka yimaadeen, intii ay maqaar saar ahaan u joogi lahaayeen magaalada Xamar. Haddii ay iskood uga bixi waayaanna in dadka deegaanku khasab ku oggolaysiiyo ayaa ku habboon. Waayo waa koox danaysato ah oo gacan saar la leh argagixisooyin iyo shuftooyin, taasna waxaa u ah marag inay qirteen inay ku soo duuleen Kismaayo walina maanta ka wadaan xasuuq iyo dulmi gobolkaas iyo meelo kale oo badan.

MAHADSANIDIN

GUDDIGA KU MEEL GAARKA AH EE BEESHA KABLALAX DAAROOD EE DENMARK

unitedkablalax@yahoo.com  


Kablalax Daarood: Waa in Deg deg Loo Xasiliyo Puntland... Posted to the AllPuntland November 26, 2001

Kablalax Daarood Warsaxaafadeed... Posted to the AllPuntland Nov. 19, 2001

Denmark: Shirweynihii 3aad ee Beesha Kablalax Daarood oo Lagu Qabtay Magalo Madaxda Denmark ee Copenhagen...  Posted to the AllPuntland November 06, 2001

Warbixintii shirwaynihii 2aad ka eeg halkaan.

Ogaysiis Iyo Videoclip:Shirweynaha Saddexaad ee Beesha Kablalax oo ka dhici doona Copenhagen- Denmark... Posted to the AllPuntland October 17, 2001

 

 Go Back  

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


Old News|Oktober| Sebtember|August | July | Jun 01 | May 01 | Apr 01 | Mar 01 | Feb 01 | Jan 01 | Dec 00 |

Contact/Nagala soo xiriir:

|Webmaster@allpuntland.com| |admin@allpuntland.com| |info@allpuntland.com| |support@allpuntland.com| |Sales@allpuntland.com | |sysadmin@allpuntland.com

Fadlan Email-kasta oo ay la socdaan File lifaaq ah  noogu soo dir emailka hoose / All Email with Attachments Please send only this Email address puntlandhome@Hotmail.com

Attachments are automatically scanned for viruses using MCAFEE.com

TOP / KOR

 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com