Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland News

ss
Ciidamo Daacad u ah Jamac Cali Jamac oo Laga Celiyay Giririble 15 KM Boosaaso u jirta iyo qodobo kale.

 

 
gg[ AllPuntland News

Janaury 24, 2002

Posted to the Web   Janaury 24, 2002

hhh

Warkaan oo maqal ah ka dhagayso halkan  ama ka dhagayso Kobtan.  ama akhriso

Shalay duhurnimadii ayaa laga soo celiyay meel 15 KM u jirta Boosaaso oo lagu magacaabo Giririble ciidamo daacad u ahaa Col. Jamac Cali Jaamac, goobtaas oo ay isaga darsamaan labada tog ee biyo kulule iyo Baalale oo ay ku dhextaal magaalada Boosaaso, ahna deegaan leh dhirta waaweyn ee Dhamasta loo yaqaan, isla markaana hoy ama gabaad u noqon karta ciidamada, lagana difaaci karo magaalada Boosaso.

Maleeshiyo beeleed u dhalatay deegaankaas ayaa u diiday ciidanka Jamac oo ka koobanaa ilaa 200 oo askari inay halkaas fariisan ka samaystaan, ciidamada halkaas u diiday ayaa ka amarqaata gudoomiye xigaha labaad ee gobolka Bari Rooble Cumar Gudcur oo isaga iyo Gudoomiyaha gobolka Bari Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) ay ka soo horjeedaan Col. Jamac Cali Jamac.

Dhanka kale waxaa magaalada Boosaaso soo garey wareegtooyin uu Col. Cabdullaahi Yusuf Axmed ugu magacaabay rag saraakiil ah inay hantaan amniga iyo kala dambaynta magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale magaalada Boosaso waxaa ka socda ganacsi xoogbadan oo xoololoogu dhoofinayo wadamada Carabta sidda Yaman, Cumaan iyo Imraadka Carabta, maadaama lagu jiro xiligii Xajka.

Cabdishakuur Mire Aaden

Boosaaso.

Safiirka cusub ee dawlada  Talyaanigu u magacowday Somaliya  oo Maanta tagay Boosaaso.

Maanta 13:15 wakhtiga Boosaaso waxaa garoonka diyaaradaha Boosaaso ka soo dagay Sinor Carlo Ungarno oo ah safiirka cusub ee dawlada  Talyaanigu u magacowday Somaliya, waxaana ku soo dhaweeyay halkaas Faarax Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje oo  uu Jamac Cali Jamac u magacaabay ah wasiirkiisa Hawlaha Guud.

Sinoro Carlo Oncaro waxaa la dajiyay hotelka loo yaqaan  Panorama iyadoo si aad ah loo waardiyaynayay, galabta afartii galabnimo ayuu la kulmay Col. Jamac Cali Jamac, kadibna waxa uu booqday dakada magaalada Boosaaso isagoo afartii iyo barkiina u kicitimay agagaarka Mareera sidda la sheegay, ilaa hadda lagama war hayo halka uu booqday Karlo Unkarno, laakiin warar kale ayaa sheegaya in Karlo la rabo in la tusiyo halka uu Col. Cabdullaahi Yusuf hadda ka hor ku tilmaamay inay saldhig u tahay ururka AL-Itixaad iyo Al-Qaacido, hase ahaatee qoraxda oo sii dhacaysay awgeed ayaa loo malayn karaa inuusan Karlo Unkaro uusanba gaarin Shimbiro.

Korlo Ungaro ayaa loo diyaariyay xubno lagu magacaabay aqoon yahano iyo Ismo haldhinac ah si loo daboolo farqiga weyn ee u dhexeeya reer Puntland.

Guud ahaan magaalada Boosaaso ayaa degan, dadkuna waxay ka war dhawrayaan waxa uu soo kordhindoono safiirka Talyaanigu.

Cabdishakuur Mire Aaden

Boosaaso.

Garoowe oo Xasiloon iyo  Islaan Maxamed oo dib isugu yeeray 100 kii oday ee horay loogu saaray inay ka soo taliyaan xaalada Garoowe:

Magaalada Garoowe ayaa iminka ah magaalo xasiloon, sidda uu mar dame noo sheegay wariye Cabdishakuur Mire Aaden war goor dhaw ka soo gaaray Garoowe ayaa u sheegay in Islaan Maxamed Islaan Muuse uu dib ugu yeeray 100 oday oo uu horay ugu saaray inay ka tala bixiyaan xaalada Garoowe, warka oo hadda na soo gaaray wali faahfaahin lagama hayo sababta Islaanku uu isugu yeeray ragaasi

Cabdishakuur Mire Aaden

Boosaaso.

Barnaamijkaan waxaa xagga isku xirka ka taageeray Cabdi-Barre oo ku nool Minnisota, USA

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Search News
 
Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage  

 


 

Copyright 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com