Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland News

ss
Cabdullaahi Yusuf oo Magacaabay Gudiyo.

 

 
gg[ AllPuntland News

Janaury 24, 2002

Posted to the Web   Janaury 24, 2002

hhh

Warkaan oo maqal ah ka dhagayso halkan ama  ka dhagayso mahaan... ama akhriso

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa 21-kii bishaan wareegto ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Garoowe ayuu ku mugacaabay gudiyo ka hawlgali doona gobolada iyo degmooyinka Puntland.

Wuxuu wareegtada ku magacaabay madaxweynuhu gudi loo bixiyay gudiga abaabulka iyo wacyi galinta kaasi oo ka hawlgali doona gobolada Sool, Nugaal, Mudug iyo Degmada Buuhoodle, ujeedada ugu weyn ee gudigaan loo magacaabay waxa ay tahay in ay dadweynaha ku dhaqan gobolada iyo dagmooyinka ay tagayaan ay wacyi galiyaan, isla markaana uga waramaan xaalada siyaasadeed ee Puntland maanta ay marayso, sidda ku cad wareegtada waxaa wufuudaas lagu amray inay u amba baxaan 21-ka bishaan goboladaasi, iyagoo dib ugu soo noqondoona magaalada Garoowe 26 bishaan ka dibna waxyaabaha ay la soo noqdaan lagu falan qayndoono go'aana lagu qaadan doono.

Magacaabida gudigaan ayaa ka dhalatay shir ay 15 ilaa 20 kii bishaan ay qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo xildhibaanada Puntland ku yeesheen Garowe.

Dhinaca kale gudiga abaabulka iyo wacyi galinta ee gobolka Mudug oo isagu durba hawliihiisa ka bilaabay magaalada Galkacyo ayaa talaadadii aan soo dhaafnay waxa ay kulan balaaran la yeesheen, madaxda maamulka gobolka, maamulka degmada iyo wasaaradaha kala duwan ee saldhigoodu yahay magaaladan Gaalkacyo, shalayna waxay la kulmeen nabadoonada iyo wax garadka kala duwan ee gobolka Mudug guud ahaan, Xildhibaan Maxamed Cali Yusuf oo isagu ah gudoomiyaha gudigaan, iyo xildhibaan Maxamed Jibriil Muuse, iyo la taliyaha Madaxweynaha Warsame Cabdi Shirwac ayaa faahfaahin balaaran ka bixiyay, ujeedadii gudigaan loo aas aasay iyo waxyaabaha ay qaban doonaan, waxayna sheegeen inay gobolada Puntland ka jirto ismaandhaaf dhinaca siyaasada ah, kuwaas oo ay sheegeen inay keeneen kooxda Carta, ururka Al-Itixaad iyo shaqsiyaad u dhashay goboladaan Puntland oo iyagu wada jira, waxay kaloo carabka ku dhufteen inuu jiro dhaqaalo farabad oo loo soo diro Puntland si loogu bur buriyo isla markaana amaankeeda logu kala daadiyo, xubno ka tirsan mamulka iyo wax garadka oo iyaguna ka hadlay kulamadaas ayaa sheegay inay taageraayaan mamulka ayna ka hortagayaan cid alaale cidii carqalad galinaysa hanaan u socodka mamulka nabad galyada Puntland.

Dagaalkii Labada Beelood ku dhexmaray Koonfurta Gobolka Mudug.

Dhinaca kalana laba beelood oo iyagu wada dega Koonfurta gobolka Mudug oo bariyahaanba dagaal u dhexeeyay ayaa dagaalkii ugu dambeeyay oo ka dhex dhacay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 15 qof iyadoo in ka badan 25na ku dhaawacmeen, ilaa iyo hadana ma jirto cid isu xilsaartay inay wax ka qabato, iyadoo labada beeloodna midood ay hadda u sii durkeen dhinaca degmada Jariiban.

Beel sheegtay inay Isinkooda kalsoonida kala Noqonayaan.

Wararka ka imaanaya magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in qaar ka mid ah beelaha halkaasi dagan ay sheegeen inay kalsoonida kala noqonayaan Isinkooda, inkastoo aysan si rasmiya u cadaynin xiliga ay kalsoonida kala noqonayaan, haddana waxay sheegeen in Isinkoodu uu ku sifoobay, waxyabo la xiriira dhinaca amaan darada isla markaana uu hadda u muuqdo mid ka soo horjeeda amaanka iyo kala dambaynta magaaladaa Garoowe.

Jamaal Farax Aaden

AllPuntland Galkacyo.

Barnaamijkaan waxaa xagga isku xirka ka taageeray Cabdi-Barre oo ku nool Minnisota, USA

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Search News
 
Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage  

 


 

Copyright 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com