| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

SAWIRO TAARIKHI AH +FAALO EE PUNTLAND.

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir Aragti@allpuntland.com 
Nov 10, 2001
Posted to the AllPuntland.com  Nov 10, 2001
.k

 

Waxaa Qoray

Abdulrazak Osman dirie

bakool55@hotmail.com 

Ka dib shirkii Barliin ee 1884, ayaa Suldaan Ali Yusuf wuxuu
Talyaanigu weydiistay 1888 inuu maxmiyad u noqdo si awooddiisa ay

Riix Sawirka Dushiisa si uu Kuugu Weynaado.

Riix Halkan Si uu u Weynaado Sawirka 1aad

Riix Halkan Si Sawirka 2aad kuugu weynaado.

Riix Halkan Si Sawirka 2aad 

kuugu weynaado

Riix Halkan Si Sawirka 3aad 

kuugu weynaado

Riix Halkan Si Sawirka 4aad 

kuugu weynaado


u kororto isaga oo fiirinahaya loolanka u dhaxeeyey isaga  iyo
Boqor Cisman kuna saabsanaa sheegashada labadoodaba ay sheegtaan dooxada NUGAAL.
Labo sano ka dibna, Boqor Cisman isaguna wuxuu maxmiyad u noqday Talyaaniga.


1923, Talyaaniga uu waagaas u madax ahaa Mussolini ayaa damcay in uu ka dhigto Saldanadii Hobyo iyo Boqortooyadii Majeertiniyaba
COLONY. Lakiin Boqor Cisman Iyo Keenadiidba arrintaas waxay uga hortageen dagaal. Dagaalkaasna wuxuu socday saddex sanadood.
Isticmaarka Talyaaniguna wuxuu ugu dambeystii isticmaalay
siyaasadda ah  'divide and rule' oo keentay in labaduba ay
isticmaar u noqdaan gumeysiga Talyaaniga muddo dhan 25 sano
ilaa 1950.

SAWIRADA WAXAAN KA SOO QAATAY :-

MINISTERO DEGLI AFFARI ESTERI lítalia in Africa
OCEANO INDIANO  -  TOMO III
DOCUMENTI RELATIVI ALL SOMALIA
SETTENTRIONALE ( 1884-1891 )
A cura di CARLO GIGLIO

SAWIRADA WAXAY KALA YIHIIN :-

1. Tayaaniga oo ciidamo ka soo qaadaya Xamar si ay u qabsadaan Boqortooyadii Majeertiiniya iyo Saldanadii Hobyaba ( 1925 ).


2. Bam lala dhacahayo Baargaal ka dib markii ciidamada Boqorku ay  weerareen  Talyaanigu ( 29 Oktoobar 11925 ).


3. Talyaaniga oo ciidamo xoojin ah ka dejinaya Baargaal ( 29 OKT. )


4. Talyaaniga oo salaan sharaf siinaya ciidamadii badda iyo askartii looga laayey Baargaal (30 OKTOOBAR ).


5. A. Kaartadii lagu qabsaday Saldanadii Hobyo.
B. Kaartadii lagu qabsaday Boqortooyadii Majeertiiniya.


6. A. Wiil uu dhalay Suldaankii Hobyo oo booqanaya xaruntii ciidamada cirka ee Talyaaniga ee Somaliya ugu horeysay ka dib
qabsashadii Saldanadii Hobyo.
B. Wiil uu dhalay Boqor Cisman oo isaguna isla xaruntaas
booqanaya ka dib markuu Talyanigu Boqortooyadiisii
uu qabsaday.

F A A L O :-   "  ALLOW  GUN  HANAGA  DHIGIN  "

Waxaan sawiradaan u soo qaatay in aan dadku xasuusiyo waayahaha la
soo maray si aanu uga digtoonaanu go'aanadayada ku aadan mustaqbalka.
Tan kalena  waxay ahayd mar uu A/qasim  Xamar ugu dabaaldegayey
guusha reerkiisa ee qabsashada Kismayo ayuu wuxuu booqday Xarumaha
militeri isagoo waa yaabe uu la socdo Mr. King Kong oo awowgii uu
ahaa Boqor Cismankii diiday in dhulkiisa la gumeysto lana dagaalamay
Talyaaniga muddo dhan saddex sanadood.


Arrintaas iyada ah waxaad ka garaneysaa in reer Carte gebi ahaanba
ayan wax jiraba ayan aheyn ha noqdo kan la ceyriyey iyo kuwa isku
haysta buuskiisa. In kastoo cadaaladdu ay daahdo hadana xaqu wuu
dillaacaa bal fiiri ka qayb galayaashii qabsashada Kismayo ee
AL-BARAKAAT waxa heysta!


Hadal iyo dhamaantii, PL ma diidi doontaa in tiro yar inay iibsadaan.
Waxaa kaloo  la ogyahay in Issimadii intoodii badneyd ay taageereen
go'aankii dawladda , Boqor Mohamudna uu ku duceeyey.

Intuu shirka xirmay ee canjeel talo waa uu ka socday Garoowe bal isweeydii
imisa qofoodbaa lagu dilay PL, imisaa lagu dhaawacay, dhaca iyo
magac xumada iyadu warkeedaba daa!
Marka arrinta taagan waxaa laga yaabaa in ay keento dhibaato laakiin
waxaa ka mas'uul ah Issimada diktatoriyada wada ee tirada yar sida
ay horeyba ugu sheegeen baaqoodii 12ka Issim ee reer Bari!!!!!!

Waxaa qoray :- A.O.Dirie

Bakool55@hotmail.com


Xususin: Aragtida  qoraalkani waxaa leh ah qoraaga qoray , ma ahan mid ka turjumaysa argtida AllPuntland iyo qorayaasha AllPuntland. Mahadsanid


| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Bogga Maqaalada Maanta | Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).