| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  CAMBAARAYN LOO JEEDINAYO GO’AANKA UU QAATAY JAAMAC CALI 

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 24, 2001
Posted to the Web  14:55 GMT December 24, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Mohamed Sheik Ahmed 
libaaxdabre@hotmail.com 

Jaaliyadda Puntland ee Yurub

Ku: Boqor Maxamuud Boqor Muuse,

Ku: Islaan Maxamed Ismaan Muuse,

Ku: Dhamaan Isimada PL ee sharafta mudan,

Ku: Aqoonyahannda Puntland,

Ka: Dhamaan beelaha wada dega GOBOLKA BARI 

CAMBAARAYN LOO JEEDINAYO GO’AANKA UU QAATAY JAAMAC CALI 

Oslo, Norway. 

Waxaan, haddaan nahay qaar ka mida jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan Yurub, canbaaraynaynaa ficilka fool xumada badan ee uu qaatay Jaamac Cali Jaamac; ee uu kaga qayb galay shirka kasocda Nairobi, maadaama ay meel ka dhac ku tahay go’ aanadii ay ku heshiiyeen dadka reer Puntland, iyo Isimadooda.

Inta badan reer Puntland wuxuu layaabanaa dagaalka iyo damac badnida C/laahi Yuusuf ee ahaa inuu xukunka isku dhejiyo, laakiin reer Puntland marna kama cabsi qabin in ay bedelaan rag lamida ama kadaran. 

Maanta shacabkii Puntland waxaa soo wajaahay laba daran mid dooro:

1] Inuu doorto Col. C/llaahi Yuusuf, kaasoo raba inuu xukunka sinaba uga fara baxsan tan iyo intuu nool yahay, ama

2] Inuu doorto Jaamac Cali Jaamac oo qaxooti ka ahaa London, shir ku sheeggii Carta kadibna uu Ina Salaad Booy u yeeray si’uu u dumiyo shacabka Puntland. 

Sidaan kawada warqabno Jaamac Cali iyo Isimo tiro yar oo uu hor kacayo Suldaan Garaase, Kana qayb galay shi kusheeggii Carta, waxay maanta kaga jiraan baal mugdiyah taariikhda soomaaliyeed iyo tan Puntland labadaba qodobo dhowr ah darteed:

  • Waa ayaan darro in nin shacabkiisii lagu gumaaday Jubbooyinka uu weli lee yahay Ina Salaad Booy baa madax-weyne ii-ah, isagoo damiirkiisii iyo kii shacabkiisaba siistay dhowr kun oo dollar;
  • Waa ayaan darro in uu qof damiir leh uu dumiyo gurigiisii isagoo leh waxaan dhisayaa guriga nin bur cad ah oo ujeeddadiisu tahay inuu PL ka sameeyo wuxuu koonfurta ka samaynayo ee ah dilka, dhaca, kufsiga IWM ;
  • Waa ayaan darro in niman sheeganaya magacyo Isimeed ha ugu horreeyee Garaase ay qaataan lacag si ay u dumiyaan maamulkooda, iyagoo lagu khalday in loo baahan yahay Soomaali weyn ee aan loo baahnayn wax layiraahdo Puntland; weligeed taariikhda Soomaalida kama dhicin in hoggaamiye dhaqameed shacabkiisa uu u horseedo dhiig si’uu u taageero burcad xaaraan ku haysta dhul dadkiisa deggen yahay;
  • Waxaa layaab leh Suldaan Garaase inuu BBC-da kasii daayo hadal uu afkiisa kasoo bixi karo qabqable dagaal oo qudha, kaasoo ah: Haddii uu C/laahi ka bixin Garoowe dagaal baan ku qaadayaa, waxaa isweydiin mudan Garaase ninkuu u yaqaan, uguna yeero Jaalle Madax-weyne C/qaasim (waa INA SALAAD BOOY, HOGGAAMIYAHA KOOXDA CARTA), wuxuu haystaa Kismaayo, muxuu ugu dhawaaqi waayey hadalada noocaas ah ee hadda kasoo yeeray.
  • Waxaa layaableh in Isimo haybad ku leh dhulkeena la khalday, beenna laga dhaadhiciyey, iyadoo ay waxyaabo aanan jirin u akhriyeen Isimo lacag kasoo qaatay Ina Salaad Booy.

 

          Waxaan ugu baaqaynaa Isimada sharafta ku leh dhulkeena ee ay kamid yihiin BOQOR MAXAMUUD IYO ISLAAN MAXAMED, inay qaataan go’ aamo ad adag oo ay kamid yihiin in Jaamac Cali Jaamac loo diido inuu dalka dib ugusoo laabto, maadaama uu aaday shir ah shirqool ay cadawgeena samaysteen, annagoo ka baqayna hadduu Jaamac kusoo laabto BOOSAASO ay dhacaan dagaallo ka xun kuwii ka dhacay maagaalada Muqdisho, maadaama hadda laga bilaabo Jaamac uusan haysan taageerada dadka deggan GOBOLKA BARI, uuna iibsaday magacoodii, sidoo kale waxaan ka codsanaynaa Isimada lagu yaqaan haybadda iyo hufnaanta inay tallaabo aan naxariis lahayn ka qaataan Isimada Ina Salaad Booy uu ku adeeganayo, taasoo ah ceeb noosoo hoyotay, ahna mid aan taariikhda ku gelayno maadaama aysan jirin beel Isimadeeda qaar kamida uu iibsaday nin siyaasi ah,

Sidoo lake waxaan ugu baaqaynaa dadka ku nool Puntland inay kala doortaan Jaamac Cali oo aan wax qiimo ah maanta noogu fadhin, kuna socda inuu Puntland u gacan geliyo MOORIYAANTA HAYSATA KISMAAYO iyo inay damiirkooda dhawrtaan.

Waxaa xusid mudan, aynuna taageeraynaa bayaanadii talada ahaa ee ay soo saareen waxgaradka gobolkeena sida QAYLODHAAN DHABADEED, MAXAA HAYSTA SHACABKA PL IYO KUWA BADAN, waxaan ugu baaqaynaa aqoonyahanadeena inaysan meel cidla ah uga dhaqaaqin shacabkooda, waad aragtaan oo waanagu dhacday sharaf xumadii nalala damacsanaa, oo waataa wafuudda IGAD oo tagaysa Muqdisho iyo Hargeysa liiska uguma jiraan PL, iyadoo nalagu xisaabiyey inuu Ina Salaad Booy wakiil naga yahay, taasoo uu raalli ka yahay walaalkeen Jaamac!! 

Wa billaahi tawfiiq 

Mohamed Sheik Ahmed

libaaxdabre@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com