ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Warsaxaafadeed Shirkii Golaha Midnimada Muddullood

Posted to the Web  July 08, 2002

WQ.

Dr. Abdi Ulusso

drabdi2000@yahoo.com  

July 07-2002-

Sii deyn deg-deg ah:

Ka dib markii la soo gunaanaday shir sanadeedkii 1aad ee Golaha Midnimada Muddullood
kana dhacay magaalada Katrineholm (Sweden) intii u dhaxeeysay 6da -7da july, 2002 ayaa la waxaa la go`aansaday:

  1. Aqoonyahanada Muddullood meel kasta aay joogaan doorka ugu fiican aay ka qaataan horumarinta garaadka aqooneed ee bulsho weynta ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka ey degaan. Waa ineey aqoontooda ugu adeegaan bulshada oo aay ka shaqeeyaan horumarinta aqooneed ee mudulood.
  2. Ganacsatada waa ineey joojiyaan taageerida dhaqaale cidkasta oo ka soo horjeeda horumarka iyo muumulka mudulood balse ku dadaalaan in ey u naxaan shacabkooda oo sii bur-buraaya kuna dadaalaan horumarinta beesha mudulood oo aay aas-aasaan cisbitaalo dugsiyo waxbarasho, suuqyo ganacsi si aay degmooyinkaas iyo goboladaas mudulood ey u gaaraan isku filaasho.
  3. Golaha Midnimada Muddullood ma aqoonsano maaamulkii carte lagu soo dhisay oo u keenay dalka fashilaad iyo bur-bur hor leh oo loo baahan yahay in soomaaliya isugu timaada shir loo wada dhan yahay oo lagu soo dhiso dawlad loo wada dhan yahay oo ku salaaysan qaabka maamul goboleysiga.
  4. Golaha Midnimada Muddullood wuxuu cadeynayaa iney kala duwan tahay u dhalasho iyo ku dhalasho gobolka banaadir; banaadirna ay tahay gobol mudulood. Hogaamiyayaasha siyaasadeed ee Muddullood waxaan ku wargelineeynaa in Golaha Midnimada Muddullood (GMM) uusan taageeri karin, kana soo horjeedaan siyaasi kasta oo aan aminsanayn in gobolka banaadir uu yahay dhul mudulood.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow, Guddomiyaha
Golaha Midnimada Muddullood (GMM)
drabdi2000@yahoo.com


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka eeg emailkiisa bilowga qoraalka 

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:

Kor u noqo ama Ku Laabo Bogga Ra'yiga Akhristaha ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland/Go Back Home

 

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.