ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


HAMPALYO  IYO TALLO GALIN

Posted to the Web   May 10, 2002

WQ

Mr Cabdulkadir Shire Cusmaan
Osmani33@aol.com  

 

 

KU: MDGP MUDANE CABDULAAHI YUUSUF AXMED      

KU: DHAMAAN WAXGARADKA, ODAYAASHA, CIIDA-
         MADDA, DHALINYARADDA, HAWEENKA IYO
         SHACBIGA REER PUNTLAND.

Waxaan idiin soo gudbinanaa hampalyo iyo taageeroo lixaad leh, sida  wacan oo aad u soo celiseyn  sharaftii, dadnimaddii iyo bilicdii dawladnimo ee Puntland.     

Waxaa  mahad iyo amaan wayn leh MDGP mudane Cabdulaahi Yuusuf, geesiyadda ciidamadda, iyo shacbi waynaha, sidda deg deg ah oo ay banaanka u dhigeen kooxdii purcadii, maxi-shoodayaashii in yar-garad ka ahaa  oo sida xun oo aad u liidata ula dhaqmay dadweynaha iyo shacbiga reer Puntland khaasataan reer Boosaaso.

Kooxdaai Purcada  waxey  si  qaawan  u xadeyn una  lunsadeyn  hantidii iyo maaliyadii  dalka iyo dadka reer  Puntland.     Waxeyna  a buureen  xaalada qaajo, dhaqaale darro, amaan xummo, tol iyo sukeeye iska horkeyn aan horey looga arkin  dadkeena iyo dalkeena wanaagsan.

Aryadda  shuftadda qaawan la eryey waa sharaf iyo guul  u soo hoyatey  reer Puntland oo dhan ,    Waxaana inshaa ALLAH  ku xigi doona xoreynta  dalkeena iyo dadkeena qiimaha wayn leh  ee KISMAAYO.

  TALLO 

Anaga oo ku kalsoon  hogaanka geesiga  Mudane Cabdulaahi yuusuf  iyo  hawlwadeenada kale, waxaan soo jeedinanaa in la dhowra, la ixtiraamo, si cadaalad ah loo dhaqo dadka reer Puntland oo dhan.

In laga shaqeeyo midnimadda, horomarka  dadka iyo dalka Puntland.

In shakiga iyo mugdiga laga saaro dadka walaalaha ah dhexdooda,  qofna aan xaq uusan laheyn laseen, midna aan laga qaadin xaq uu leeyahey.    Waa in aan si ka duwan dalka intiisa kale loola dhaqmin reer Qardho, sababtoo ah waa walaalaheyn iyo tolkeyn.      ILAAHEY CADAALADDA AYUU JECELYAHEY.  Taa yaan la iloowbin.

Allow khayrka nawaa-faji dhamaanteyn.

Salaamaat

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.