ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

 AllPuntland News


    

Posted to the Web  13:51 GMT May 06 , 2002

 

WAAMO INFORMATION CENTRE

H/Q: KISMAAYO-SOOMAALIYA

 

 

DHIBAATOOYINKA ROOBABKA EL-NINO 1997kii

ay u geysteen dadka iyo degaannada Soomaalida

 W/Q: Xuseen Cali Cilmi

May 2002

 

CIDANA LOOMA OGOLA DAABACAAD GANACSI

OO AAN KA AHEYN Waamo Information Centre.

 

HORDHAC

 

 

Ururinta macluumaadka EL-NINO ee 1997kii, waxaan sameeyey oo aan isku dubariday masiibadii dhacday 1997 – 98, dabadeed waan ka mashquulay inaan dadweynaha Soomaaliyeed u soo bandhigo.

 

Haddaba sanadkii tagay ayaa khubarrada saadaasha hawada sheegeen in sanadka 2002 la filayo EL-NINO, taa ayaa igu dhiirri gelisay inaan soo saaro xilligan si dadweynaha Soomaaliyeed - meelkastoo ay joogaan ay uga faa’iideystaan macluumaadka la xiriira masiibadii dhacday ee ay sababtay EL-NINO - iyo in Hey’adaha caalamiga iyo kuwa dalkaba oo ay muujiyaan taxadar si looga hortago masiibo noocaan oo kale ah intii la karo, waayo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa " Kheyr wax kaama dhibo ee shar u tooghaay".

 

W/Q: Xuseen Cali Cilmi 5/5/2002

ROOBABKII DEYRTA "EL NINO" 1997kii

 

Waxaa ka da’ay dalka Soomaaliya & waddamada deriska la ah roobab mahiiggaan ah, kuwaasoo geystay khasaaro fara badan oo keenay geeri & burbur dhaqaale.

Roobabkan oo kale waxay Soomaaliya ka da’een muddo haatan laga joogo 40 sano oo aheyd 1962kii, waxaa lagu magacaabaa "Deyrtii biyo badan"(1)

Roobabkii El Nino ee Deyrtii 1997kii wuxuu geystay dhibaatooyin badan, degaannada Soomaalida ee gobolka geeska Afrika sidii ay dhibaatada u gaartay ayaan halkaan kaga hadleynaa annagoo ka billaabeyna Soomaaliya:( Somaliland State, Puntland State, Central State, Southwest State), Waqooyi Bari Kiinya, Killinka 5aad ee Itoobiya & Jabuuti

 

SOMALILAND STATE:

 

Xeebta Galbeed:

175 beerood ayaa ku baaba’ay roobabka El Nino aawadood.

 

Zeylac:

Biyo ayaa hareereeyey, 8 matoor oo halkaasi tiillay biyaha ayaa qaaday, 800 qoys ayaa barakacay, 300 guri ayaa dumay, guud ahaan 25 qof ayaa halkaasi ku geeroyootay. Dowladda Jabuuti ayaa gaarsiisay Zeylac gargaaar dhan 120 tan oo raashiin ah oo qiimihiisa dhamaa 15,000,000 faranka Jabuuti, wuxuuna isugu jirey 900 juuni oo bariis ah, 1,015 juuni oo sonkor ah, 250 kartoon oo caano ah, 150 kartoon oo saliid ah, waxaa kaloo gargaarkaasi ka mid ahaa cagaf –cagaf iyo baabuur iska roge ah.

 

Awdal:

60 qof ayaa waxaa ku dhacay cudurka duumada, 25 qof oo kuwaasi ka mid ah ayaa cudurkaasi u geeriyootay. (2)

 

Allaybaday:

3 qof ayaa shuban u geeriyootay.

 

Ceynabo:

3qof ayaa iyana shuban u geeriyootay. (3)

 

Garadag:

Dhowr boqol oo geel ayaa u le’day cudur halkaasi ka dillaacay.

 

Hargeysa:

9 qof ayaa ku geeriyootay, 6 guri ayaa dumay, 1000 qof ayaa halkaasi ka qaxay.

 

Ceel Afweyn:

10qof ayaa duumo u geeriyootay, geel fara badan ayaa u le’day cudurka dabahaawin. (4)

 

 

PUNTLAND STATE

 

XEEBAHA BADDA CAS EE WAQOOYI BARI:

 

Waxay wakaaladaha wararku sheegeen in 120 guri ay ku dumeen gobollada Waqooyi Bari, 25 neefna halkaasi ayeye ku le’atay.

 

Meelaha ay roobabka waxyeellada u geesteen waxaa ka mid ah: Caluula, Xaabo, Rago, Eyl, Gudub & kuwo kale, 17 qof ayaa degaannadaasi ku geeriyootay, 20,577 neef oo ari ayaa ku le’atay, 862 neef oo geel ayaa ku le’atay, 56 doon ayaa burburay, 854 guri ayaa dumay, 70% geed miroodkii & khudraddii ayaa baaba’ay.

Dawo, cunno la’aan, shuban & duumo ayaa deegaanna daasi ka jiray xilligii El Nino. Xallin oo Taleex ka tirsan xoolo fara badan ayaa ku le’day, guryo badanna wey dumeen.(5)

 

CENTRAL STATE:

 

XARARDHEER

 

Xarardheer: Daadadka khasaaro xoog leh ayey u geysteen, gaar ahaan tuullo ka mid ah tuullooyinka degaannadaasi oo ay ka qaxeen 800 qoys, 19 qof ayaa u geeriyootay cudurka duumada, xoolo fara badan ayaa ku le’day degaankaasi, waxay kaloo daadadku qaadeen 1500 kiish oo isugu jirey: bariis, sonkor, & bur.

 

Gobolka Gaalgaduud:

 

Dhuuso Mareeb & Guurocayl:

50 guri & 40 baraakadood ayey roobabku dumiyeen. (6).

 

Gobolka Hiiraan:

 

Beledweyn:

100km oo 4gees ayey biyuhu fariisteen (7), 10,000 qof ayaa ka qaxay Beledweyn & tuullooyinka ku hareereysan, 8000 lo’, 4500 ari ah, 1300 geel ah & 19 qof ayey biyuhu laayeen, digaagga degaankaasi dhammaan way le’deen markey is qabsadeen fataha wabiga & roobabka, 569 qoys ayaa la garanwaayey meeley u qaxeen, dhuldhan 51,000 hektar ayey biyuhu qariyeen. (8).

 

Buulo- Buurde:

4ta xaafadood ee ay degmadaasi ka kooban tahay 3 ka mid ah ayaa daadadka aawadood looga qaxay, 10 qof ayaa ku geeriyootay, 100 neef oo isugu jirey geel & ari & 240 neef oo dameero ah ayaa halkaasi ku le’day. (9).

 

GOBOLKA SHABEELLADA DHEXE:

 

Dhammaan 3da degmo ee uu wabi Shabeelle maro oo ka mid ah 7da degmo ee gobolku ka kooban yahay waxaa saameeyey fatahaadda wabiga, waxeyna kala yihiin: Jowhar, Mahaddaay & Balcad, waxaa barakacay ama ay biyuhu hareereeyeen 174 tuullo oo dadka ku nool tiradooda aheyd 30,450 qof, intii carari kartay waxey u carareen meelaha taagagga ah ee u dhowaa. Fatahaadda waxey saameysay dhuldhan 40 km, dhulbeereedka ay biyuhu fariisteen waa 127,000 oo hektar.

 

Mahadaay:

Tuulooyinka ku hareereysan cabsi xoog leh ayaa ka jirtay, taasoo kalliftay iney ka qaxaan 20,000 qof. (10)

 

Muqdisho

Magaalada Muqdisho maalmihii khamiis 27/11/97 & Jimco 28/11/97 waxaa ka da’ay roobab is daba joog ah oo ciriiri geliyey khudraddii, caanihii, dhuxushii & waliba badeecadihii kale ee la keeni jirey magaalada.(11)

 

Cudurka shubanka oo ka dillaacay Muqdisho 721 qof ayuu ku dhacay, 41 qof oo ay dhamaantood caruur ahaayeen ayaa u geeriyootay, 13 qof oo tijaabooyinka xagga shubanka laga qaaday si loogu soo baaro dalka Kiinya waxaa caddaatay 6 qof oo ka mid ahaa 13kaasi ay noqdeen kuwo daacuun qaba. (12)

 

SOUTHWEST STATE

 

GOBOLKA SHABEELLADA HOOSE:

 

Afgooye:

Cudurka daacuunka waxaa maalinkasta u geeriyoon jirey 7 ilaa 17 qof. (13)

 

Baraawe:

Dhuldhan 160 km ayey biyuhu ku faafeen, 28 qof ayaa ku geeriyootay, 10,000 qof ayaa barakacay intii u dhaxeysay 27 ilaa 29kii Novembar 1997kii, 6 qof ayuu yaxaas ku cunay Baraawe. (14)

 

Mudul Baraawe:

24 qof oo ka soo barakacay Kurtunwaarrey ayaa gaajo u geeriyootay.(15)

 

Qoryooley:

8 qof ayaa ku geeriyootay tuullada Kurkurey. (16). Wabi Shabeelle oo labo meel kasoo jabsaday ayaa geystay khasaaraha kala ah: 15 qof oo geeriyootay, 43neef oo le’day, 300 guri oo dumay & 400 qoys oo barakacday. Tuullooyinka Kirey & Daafow daad ayaa qaaday. (17)

 

 

Kurtunwaarrey:

Tuullada Arbowdheerow waxey daadadku qaadeen 20,000 kintaal oo galley ah, 150 guri wey dumiyeen, 15,000 hektarna wey baabi’iyeen, waxaa dadka dhibaatooyin ba’an ku haayey yaxaasyada, masaska & abeesooyinka, waxaa kaloo dhulka qallalan ku tartamayey dadka & duur joogta. (18). Kurtunwaarrey 6 qof ayaa ku geeriyootay. (19)

 

Kuunyobarrow:

4 qof ayaa yaxaas uu halkaasi ku cunay, 2 kalena libaax, dhibaatooyinkani waxaa dhaliyey xayawaanka & dadka oo ku loolamayey dhulka qallalan.(20)200 qof ayaa halkaasi ka qaxay.(21).

Kuunyabarrow & Mudul Baraawe inta u dhaxeysa 2 qof ayey daadadku ku dileen (22)

 

Buur- Colow.

Oo u dhaxeyso Mudul Baraawe & Jilib ayaa waxaa halkaasi ka go’ay waddada isku xirta Kismaayo & Muqdisho 19 mitir ballac ah & 20 mitir oo dhanka hoose ah, dabadeed dhanka koonfureed oo xeebta ayey biyuhu aadeen.

 

Sablaale:

2qof ayaa yaxaas ku cunay. (23)

 

 

 

 

GOBOLLADA BAY & BAKOOL:

 

Beydhabo:

Beydhabo & Muqdisho waddadii u dhaxeysay ayaa dhuldhan 7km ka go’day dhanka buundada Bannooda ee u dhaxeysa Leego & Buurhakabo.(24). Bartamaha Beydhabo ilo badan ayaa ka dillaacay oo ayan roobabku shuqul ku laheyn (25) waxaa kaloo wiiqmay isu socodka magaalooyin ay ka mid yihiin: - Buur, Sablaale, Qoryoole & Diinsoor, 1kg ee sonkor ah wuxuu la qiimo noqday half neef oo ari ah, dadka ay fataha daadadku barakiciyeen ee gobolladatan waxey gaareen 500,000 qof, 1,050 qofna wey geeriyoodeen, 63,000 mitirigtan oo raashiin keyd ahaa ayey biyuhu qaadeen, 97,000 mitirigtan oo ahaa dalagyada beeraha ku yaalay biyaha ayaa baabi’iyey, 2,500 neef ayaa halkaa ku le’tay.(26)

 

Bardaale:

Tuullada Beledxaawo 2 qof ayaa ku geeriyootay , Wargasle iyadana 2 qof ayaa ku geeriyootay, 4 tuullo oo kale oo Berdaale katirsan 13 qof ayaa ku geeriyootay, biyaha roobabku waxey qaadeen 360 neef oo ari ah, 18 neef oo lo’ ah, 180 gurina wey dumiyeen.(27)

 

Diinsoor

1723 neef ayey daadadku laayeen, 300qoysna way barakiciyeen.(28)

 

Durbaan:

Oo ah meel Diinsoor hoos timaadda waxay daadadka roobku qaadeen 12,350 kiintaal oo haruur ah, 200 neef wey le’deen, 342 guri wey dumeen,12 qof oo 8 caruur tahay ayaa ku geeriyootay.(29)

 

Ceel Dhagax:

8 qof ayaa ku geeriyootay, 8 gurina wey dumeen. (30)

 

Qansaxdheere:

15 qof ayaa ku geeriyootay maalmihii u dhaxeeyey 17 –22/11/97

 

Tiyeeglow:

Go’doon ayey noqotay, dadku waxey cuni jireen oo ay ku noolayeen caleenta dhirta. (31). 32 tuullo ayaa barakaceey, 16 qof wey geeriyootay. (32)

 

CeelBerde:

12qof ayaa ku geeriyootay miinooyin ay daadadku soo saareen, tuullooyinka ku yaal agagaarka ceelberde 20 qof ayey daadadku dileen.(33)

 

GOBOLKA GEDO.

 

Degmada Luuq:

35 qof ayaa ku geeriyootay, 3000 hektar ayey biyuhu fariisteen, 1,200 guri ayaa dumay (34). Labo tuullo oo ka tirsan gobolka Gedo ayey biyuhu go’doomiyeen dadkii deganaa. (35)

 

Buurdhuubo:

26-27/11/97 waxaa ku geeriyooday 33 qof & 600 neefna wey le’deen. (36). 28/11/97kii ilaa iyo 2/12/97 waxaa gaajo u geeriyooday 11qof, cudurrada duumada & shubanka ayaa halkaasi ku faafay, xoolahana waxey u le’deen cudurka sambabka & cuduro aan la garaneyn. (37).

 

Baardheere:

Ilaa iyo 2 mitir ayey biyuhu kor u kaceen markuu fataha wabiga uu magaalada dhan kasta u dhaafay, 3daloolow hal dalool oo magaalada ka mid ah biyo ayaa fariistay. (38)

 

Garbahaarrey:

Go’doon ayey noqotay, muddo ka dib waxaa furmay waddada aadda Qansaxdheere ilaa iyo Luuq, beerihii magaalada biyo ayaa qaaday, gaajo & cudurro ayaa halkaasi ka dillaacay, kareetooyin 10 ilaa 15 casho maqnaada ayaa Luuq & Qansaxdheere raashiin ka dooni jirey, qiimaha raashiinka ay kareerooyinka keenaan aad buu qaalli u ahaa, 98% dadku aad bey u dhibatoodeen. (39)

 

Beledxaawo:

Dad badan ayaa gaajo u le’day, kuwo faro badan oo kasoo qaxay tuullooyinka ayaa soo gaaray Beledxaawo ayagoo cunno doon ah. Dooloow, Beledxaawo iyo Diiqweyne waxaa ku geeriyooday 4 qof, daadadka aawadood inta gaajo u le’atay ayaa ka tirobadan inta ay daadadku laayeen. (40). Beledxaawo oo qura 7 qof ayaa gaajo u le’atay muddo labo toddobaad gudahood, xoolaha sidoo kale waxey u le’deen cudurrada: qufaca, dukhsi IWM, beeraha baaba’ay waa 6,300 hektar, baaba’ooduna wuxuu saameeyey 1760 qoys, 50 matoor ayey daadadku qaadeen, guryaha dumay ee Beledxaawo waa 2000 guri, iyo1,050 musqulood taasoo keentay dhibaatooyin aad u fara badan. (41)

 

 

GOBOLKA JUBBADA DHEXE:

 

Bu’aale

Bu’aale & Diinsoor 1000 qoys ayaa ka barakacay. (42). Qoys ka kooban 9 qof & labo qof oo deris la ahaa oo 13 casho geed saarnaa ayaa waxaa hareereeyey yaxaasyo, jeer, masas & daad.

 

Wiil yar oo ka mid ahaa qoyska ayaa 10 casho ka dib kasoo degay markey ka dhamaatay sahaydii ay wateen, si sabuul uu uga soo gooyo geedgalley halkaa ku yiil si ay u quutaan, ugu dambeyn caleenta geedka ayey quudan jireen, nafaqo darro aawadeed waxaa dhacday iney sifiican wax u arki waayaan, una maqli waayaan, gabar yar oo qoyska ka tirsaneyd oo geeriyootay ayaa muddo 10 casho lagu hayey geedka dushiisa ilaa uu gurmad uga yimi. (43)

Hey’adda WFP ayaa 7 tuullo oo Bu’aale ka tirsan gargaar ku gaarsiisay doonyo. (44)

 

Saakoow:

 

Go’doon ayey noqotay 12 qof ayaa gaajo & shuban u geeriyooday. (45) Biyo hor leh oo degaanka saakow ku soo kordhay ayaa waxaa ku geeriyooday 5 qof, 150 guri ayaa ku dumay, 500 qoys ayaa wax la’aan ku noqday. (46)

Fataha wabiga Jubba wuxuu degmadani u geystay khasaarooyinka kala ah: iney daadadku qaadeen 20,000 kiintaal oo galley, 400 guri & 240 neef, tuullooyin fara badan ayuu wabiga kasaro maray, ilaa iyo 100,000 qof ayey noloshooda halis gelisay arintan, celceliska guud dadka ku geeriyooday waa 800 qof . Dadka intii ka badbaaday musiibad- an waxay ku noolaayeen caleenta geedaha & kalluun (47).

 

Salagle:

Oo ah tuullo u dhaxeysa Bu’aale & Baardheere waxaa ku geeriyooday daadadka 47 qof, 33 kalena duumo ayey u geeriyoodeen, 1000 neef ayaa le’day, 40 tuullo oo Jubbada dhexe ka tirsan ayey biyuhu go’doomiyeen (48). Roobabkii ugu dambeeyey ee ka da’ay Saakoow & Salagle guryo badan ayey dumiyeen (49) Roobabkani oo ahaa mahiiggaan.

36 saacadood oo xiriir ah ayey ka da’ayeen Salagle & dhulka u dhow, waxaa ku geeriyooday 36 qof, 40 guri ayaa dumay ayadoo ay roobabkaasi & ilaha soo burqaday ku kallifeen dadkii halkaasi degenaa iney guryahooda ka caraan waxeyna tageen meel Salagle u jirta 7 km, in badan oo dadkaasi ka mid ahaa waxay fuuleen geedaha dushooda waxaa intaa dheer ilo waaweyn oo ay biyo kasoo burqanayeen oo ka dillacay Salagle, biyaha ilahaasi ay ka badanyeen kuwa cirka ka imanayey, cudurrada shubanka iyo duumada ayaa halkaasi ka dillaacay (50). 2500 qoys oo go, doon no noqday ayaa markii ugu horreysay lootagay, 800 qoys oo ka mid ahaa dadkaasi ayaa diyaarado u daadiyeen cunno (51).

 

Jilib: -

10 tuullo ayey biyuhu fariisteen (52). 10,000 qof ayaa ka soo barakacay 16 tuullo oo ku yaal galbeedka Jilib, 30 qof ayaa ku geeriyooday fataha wabiga Jubba, dadku waxey fuuleen taagagga & dhirta (53). Magaalada Jilib gudaheeda 7 caruur ayaa ku geeriyootay, 10,000-digaagna wey ku le’deen. (54) Isku darka labada wabi ee Jubba & Shabelle oo isu jira 150 km ayaa wuxuu sababay geeri dhan 175 qof, 80 tuullo oo agagaarka Jilib ku yaal ayey dhibaatooyinka ugu ba’n soo gaareen, dad badan oo deganaa inta u dhaxeysa Jilib & Kamasuuma ayaa u cararay taagga mashruuca faanoole oo 7 km u jira Jilib, dhul dhan 100 km oo u dhaxeeya Jilib & Jamaame dadkii deganaa ayaa u cararay taagagga & minaaradaha masaajidyada. (55)

35 qof ayaa daacuun calooleed ugu geeriyooday tuulooyinka ku yaal hareeraha Jilib. (56)

 

Tuullada Faragurow:

Oo 2 km dhanka galbeed Jilib ka xigta waxaa ku geeriyooday haweeney iyo 2 caruur ay dhashay, 2500 qof oo juudaan qabay oo ku xareysnaa xero ku taal tuulladaasi ayaa u soo qaxay degmada Jilib oo laga baqay iney cudurka halkaasi ku faafiyaan. (57)

 

WABIYADA JUBBA & SHABEELE OO ISKU DARSAMAY

 

Wabi Jubba ayaa ku fatahay biyo xireenka faanoole dabadeed wuxuu ku darsamay wabi Shabeelle oo isna dhanka Dhaaytubaako ka soo fatahay, waddada u dhaxeysa Kismaayo & Muqdisho ayaa waxey ka go’day meel u dhow tuullada Buurcolow 19m oo ballac ah iyo 20m oo hoos ah, dabadeed waxaa soo celiyey buuro, dhanka galbeed ayey ugu dambeyn u soo laabteen iyagoo dusha kaga yimi Kamasuuma & Jamaame. (58)

 

Mareerey:

27,000 qof ayaa ka qaxay, waxayna tageen moosaska wabiyada (59)

 

GOBOLKA JUBBADA HOOSE

 

Kismaayo:

15 xero oo laga dhisay magaalada Kismaayo ayaa lagu xareeyey 7000 qof oo ka mid ah beeraleyda gobolka Jubbada Hoose markey soo qaxeen (60) Hey’ad samofal oo Soomaali ah ayaa xeryaha Qaxootiga ee magaalada waxay ku qeybiyeen 8-9 Disembar 1997 kii 60 tan oo cunno ah oo isugu jirey Bariis, Bur & Sonkor. Hey’ad kale oo samofal oo waddani ah ayaa waxey u qeybisay qaxootiga magaalada joogay cunto dhan 15 tan oo isugu jiray Galley, Sonkor, Saliid, Buskut & Caanoboore cuntadana waxaa iska aruuriyey dadweynaha gobolka. Ugu dambeyn waxey tirada qaxootiga gaartay 23,000 qof oo 15,000 oo ka mid ah ay degenaayeen 2 xero oo duleedka magaalada ku yiillay kuwaa soo ay soo barokiciyeen daadadka & roobabka. (61) Roobab da’ay ayaa gooyey waddada u dhaxeysa Kismaayo & Buulogaduud oo ah halka keliya ay ka furneed waddada isku xirta Kismaayo & Muqdisho. (62).

 

Goobweyn:

Daadadka ka dhashay roobabka El Nino ayaa ku kallifay 101 qoys oo reer Goobweyn ah iney barakacaan, 40 guri ayaa dumay, 3 qof oo dooni saarnaa ayaa geeriyootay markey gadoontay doontii ay saarnaayeen.

 

Yoontoy:

Go’doon bey noqotey. ( 63 )

 

Jamaame:

Intii ay socdeen roobabka El Nino waxaa magaalada Jamaame ka qixi jirey 100 qof iyagoo ku sii jeeda Kismaayo, waxeyna ka cararayeen gaajo & sicir barar, Xagar & Jamaame 20 qof ayaa duumo ugu geeriyootay. (64)

Fataha biyaha oo ku soo kordhayey degmooyinka:- Jamaame, Jilib,Xagar & Afmadow waxay sababeen tuullooyinka u dhow dhulka xeebta iney ku geeriyoodeen 19 qof ,7 ka mid ah masas qaniinay aawadeed ayey u geeriyoodeen, kirada doonyaha looga baxsanayey Fataha biyaha waxey gaartay 800,000 sh. So.

Guud ahaan gobolka Jubbada hoose waxaa saameeyey 80% fataha biyaha, waxey dadku ka cabanayeen xilligaasi: kaneeco, shuban & cudurrada sambabada, Jamaame go’doon ayey noqotay, waxaa lagu tagi karayey oo qura diyaaradaha yaryar,600 qof oo go’doomay ayaa doonyo lagu badbaadiyey (65). Cunto la’aan xun ayaa degmada ka jirtay, dad dhan 2000qof ayaa meel yar isugu yimi si ay uga badbaadaan biyaha hareereeyey, ciriiri & buuq ayaa halkaasi ka jirey, 10,000 qof oo aan intooda badan meel heysan ayaa iyana halkaa ku sugnaa.

WHO ayaa caddeysay in dhowr qof oo deganaa Jubba hoose uu ku dhacay daacuun (66). Hey’adda " African Muslim Agency" ayaa ka furtay xarun caafimaad oo qalabeysan degmada Jamaame, waxey kaloo halkaasi geysay dhakhaatiir.(67)

 

Mugaanbow:

Waxaa ku go’doomay 5000 qof (68)

 

Afmadow:

Daadad kusoo rogmaday magaalada Afmadow Talaado 18/11/97 ayaa sababay dhammaan dadkii deganaa oo gaarayey 30,000 qof iney u qaxeen meel 10 km dhanka galbeed ka xigta magaalada, hanti & raashiin keyd ah ayey biyuhu baabi, iyeen, 12 qofna wey ku geeriyootay (69) markey biyuhu qariyeen magaalada oo ay 3m kor u kaceen, dad fuulay dhirta ayaa ka soo dhacay, dabadeed biyaha ayaa qaaday (70)

 

Dadka ay u suurtoobi weyday iney magaalada ka baxaan ayaa waxay fuuleen 3 dhismo oo kala ahaa: - Masjidka, guriga guddoomiyaha degmada & xarun hay’ad samofal, sahaydii ayaa ka go’day in muddo ah wax raashin meeyan helin, sidaa aawadeed Jimco 28 Nofembar 1997kii qof dadkaasi ka mid ah ayaa gaajo u geeriyooday, markey waayeen meel ay ku aasaan biyaha ayey ku tureen, dabadeed daadka ayaa qaaday (71).

 

Afmadow tuulloyin la xiriira roobab xoog leh oo kada’ay Talaado 2dii Disembar 1997kii ayaa waxey geysteen khasaaro xoog leh, cudurro halkaasi ka dillaacay aawadood 10 qof ayaa u geeriyootay (72).

 

Afmadow & Qooqaani:

19 qof ayaa roobabka ku geeriyootay, 9000 qof ayaa u qaxay xudduuda u dhaxeysa Soomaaliya & Keenya. (73)

 

Xagar & Afmadow:

98 qof ay u geeriyooday duumo & shuban halkaasi ka dillaacay, maalin kasta 2 ilaa & 3 qof ayaa ku geeriyoonjirey Afmadow, 150 bac oo roobabka leysaga celiyo ayaa gaaray dadka Afmadow ka qaxay oo dhammaa 30,000 qof (74).

 

Xagar:

Waxey degmadani biyuhu ku laayeen 10,000 neef oo isugu jirey, ari, geel, lo’ & dameero, 11 qofna mallaariyo ayey u geeriyoodeen (75).

Hoosungo:

4000 qof ayaa ka barakacay oo la garan waayey meeley aadeen, ayadoo ay 4 caruur halkaasi ku geeriyootay (76).

Badhaadhe:

100 neef oo ari ah ayey biyuhu qaadeen, 17 kii & 18kii Nofembar 97kii 103 neef oo ari cad & ido isugu jira ayey biyuhu dileen, 3000 qofna wey barakaceen, ugu dambeyn heerka biyuhu hoos ayey u dhaceen (77).

 

Bilisqooqaani: Go’doon ayey noqotay, waxaana soo weeraray libaaxyo.

 

Dhoobley: Roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay ayaa dilay 14 qof, xoolo badna wey ku le’deen

 

Kulbiyow:

4000 neef oo xoola ah ayaa ku le’day Kulbiyow, kudhaa & Raaskiyaanbooni, 17 qof ayaa ku geeriyootay, dadka barakacay oo aan wax cunno ah heysan ayaa caleenta geedaha ku noolaa in muddo ah, ilaa 25 guri ayaa ka dumay deegaankaasi oo ay daadadka roobabku aafeeyeen (78).

 

 

WAQOOYI BARI KEENYA:

 

Dhibaatooyin ayey roobabku u geysteen Gaarisa, Wajeer & Mandheera 17kii ilaa 18 kii Nofembar 1997kii, waxaa deegaanka Gaarisa ku geeriyooday 3 qof, wabiga (Tana River) oo jabsaday aawadeed waxaa baaba’ay beeraha degaanka degmada Gaarisa, dadka u le’day gaajo ama ay daadadku ay qaadeen boqollaal ayey gaareen (79).

 

Wajeer:

120,000 qof ayey saameysay gaajada & mac’luusha ay roobabku sababeen, daadad ayaa kusoo rogmaday degmadani, ayadoo aan xilligaa wax war ah aan laga heyn dadkii deganaa hareraha degmada, 5000 tan oo galley ah oo halkaasi tiillay waxey dowladda Kiinya amartay in dadweynaha loo qeybiyo, guriyo fara badan ayaa dumay ayadoo xoolo & dad badan ay halkaasi ku la’deen, waxaa ka mid ahaa 1500 qof oo u geeriyooday cudurka duumada & 6 qof oo ay daadadku ka qaadeen deegaanka Hoosaale, kadib markey soo cusboonaadeen roobab mahiigaan ah, waxaa isla goobtaasi go’doon ku noqday 500 qof & 20 gaari oo ay wateen dad doorashada u socday ayadoo xaaladdooda nololeed ay aad u liidatay dhibaatada haysatay aawadeed.

 

Mandheera:

5 qof ayaa gaajo le’an jiray maalin kasta intey socdeen roobabka AL-NINO

XeryahaQaxootiga: 50,000 qoxooti ah oo ka mid ahaa 120,000 ka qaxootiga ku ahaa waqooyi bari Keenya ayey roobabku baro bixiyeen, dadka bukaanka ah ee cusbitaallada booqda ee ka tirsanaa xeryaha qaxootiga: Ifo, Dhagaxley & Xagar-dheer 40% ayey kor u kaceen xilligii EL-NINO. . Xerada Ifo 75% dhulka ay ku fadhido biyo ayaa daboolay, culeyska dhakhaatiirta fuulay 70% ayuu kordhay intii u dhaxeysay 15kii Novembar ilaa 4tii Disembar 1997kii (80).

Ifo & dhagaxley biyuhu hal mitir ayey kor u kaceen, hal qof ayaana daacuun u geeriyooday (81)

 

 

KILLINKA 5AAD EE ITOOBIYA.

 

Roobabkii mahiiggaanka ahaa ee socday muddo 2 bilood waxay istageen 10kii casho ee u dhaxeyey 29/11/97 – 8/12/97kii, intii ka dambeysay roob yar ayaa halkaa ka jirey oo aan wax khasaaro ah geysan, dabadeed jidadkii ay roobabku gooyeen ayaa dib ugu furmay gaadiidkii .5/12/97 dowladda Talyaaniga ayaa halkaasi geysay shixnad isugu jirtay: daawooyin, bacda guryaha laga sameysto & 3 doonyood. (82)

 

Dhibaatada roobabka ay u geysteen xagga nolosha & caafimaadka

 

Xoolaha gobolka killinka 5aad waxaa ku dhacay cudurrada raafdillaaca , qulunbaha & kuwo kale, si gaar ah waxey u sameeyeen geela & ariga , waxayna arrintani dhalisay iney xoolaha caano yareeyaan, waxeyna sababtay iney halkaasi ka dhalato cunto yari saameysay dadka reer miiyga.

 

Hey’adda ICRC ayaa ugu deeqday daawooyin dibadda laga keenay oo qiimaheedu ahaa 70,000 doollarka Mareykanka si loogu daaweeyo cudurrada ku dhacay xoolaha reer miiyga, lacag la’aan ayaa dadweynaha loogu qeybiyey. Quuto (rashiinka) daruuriga ee magaalooyinka sida: - Bariiska, sonkorta & baastada 25% ayey kor u kaceen, ayadoo ay ugu wacneed jidadka isku xira magaalooyinka waaweeyn sida: Godey & Qabridaharre oo xirnaa muddo bil & dheeraad. (83)

 

 

Qallaafe & Afdheer:

Dadka ay fatahaaddan waxyeellada ay u geysatay ee ku noolaa Qallaafe & Afdheer waxaa la gaarsiiyey gargaar isugu jirey: - Buskut, galley & waxyaabo kale. Diyaaradaha wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Itoobiya & labo diyaaradood oo uu Faransiiska leeyahay ayaa si wadajir ah uga qeybqaatay, 5 duullimaad oo gargaar u sidey 17 tuullo oo bil & dheeraad ku go’doonsanaa inta u dhaxeysa Qallafe & Mustaxiil ayaa halkaasi gaaray, roobabkii mahiiggaanka ee halkaasi ka da, ay waxaa ka dhashay: shuban, mallaariyo & oofwareen (84).

Guud ahaan waxaa ku geeriyooday 279 qof fataha 4ta wabi & roobabka El-Nino, 4 guri ayaa ku dumay, 12000 oo neef ayaa ku dhintay.

 

Gobolka Liibaan:

183 qof ayaa u geeriyootay cudurka duumada.(85)

 

Godey:

Abaaqorow 70 qof ayaa ku geeriyootay, 20,000 neef ayaa ku le’day, dadka degaankaasi nafaqo darro ayey la Il-darraayeen xilligii El Nino, 40% dadka degaankaasi waxaa ku dhacay cudurka shubanka. (86) Goobo kale oo ka tirsan killinka 5aad waxaa fatahaadda ku geeriyooday 300 qof. (87)

 

 

JABUUTI:

 

Daacuun calooleed ayaa ka dillaacay dalka Jabuuti markey robabka El Nino da’een, cudurkani wuxuu ku dhacay 355qof, 2 ka mid ahna wey geeriyoodeen. (88)

 

 

QIYAASTA GUUD EE KHASAARAHA ROOBABKA IYO FATAHA

WABIYADA:

 

Guud ahaan fataha wabiyada & daadadka roobka AL-NINO waxay geysteen dhibaatooyinkan.

 

1) Dadka geeriyooday guud ahaan waa 3,695 waxaa ka mid ah 1,500 oo duumo u geeriyootay degmada Wajeer.

 

2) Dadka bukooday guud ahaan waa1136.

 

3) Dadka barakacay guud ahaan waa 1,411,101 qof iyo 32 tuullo.

 

4) Xoolaha le’day guud ahaan waa 59,863 neef iyo 10,000 oo digaag = 69,863.

 

5) Raashiinka ay daadadku qaadeen waxa weeye12, 350 kiintaal oo haruur ah, 20,000 kiintaal oo galley ah, 1500 kiish oo isugu jira bariis, sokor, & bur. 63,000 mitirigtan oo raashiin keyd ahaa iyo 97,000 mitirigtan oo ahaa dalagyada beeraha ku yiil.

 

6) Dhismayaasha, guryaha & qalabka burburay waxay kala yahiin: 14,322 guri, 4,050 musqul, 40 barkadood, iyo 58 matoor. Guud ahaan waa 18,570.

 

7) Dhul beereedka go’ay ama ay biyuhu fariisteen waxay kala yahiin 429,300 hektar, 175 beer iyo 16 km.

 

Meelaha laga soo xigtay (REFERENCE)

 

  • Sunday Nation, Sunday, 9/11/97, No. 2251

Daily " Tuesday, 11/11/97 , No. 11491

" " Wednesday, 12/11/97, No. 11492

" " Thursday, 13/11/97, No.11493

" " Friday, 14/11/97, No. 11494

" " Saturday, 15/11/97, No. 11495

Sunday Nation, Sunday, 16/11/97, No.2252

Daily Nation, Tuesday, 18/11/97, No. 11496

" " Wednesday, 19/11/97, No. 11497

" " Thursday, 20/11/97, No. 11498

" " Friday, 21/11/97, No. 11499

" " Saturday, 22/11/97,No. 11500

Sunday Nation, Sunday, 23/11/97,No. 2253

Daily Nation, Monday, 24/11/97, No. 11501

" " Tuesday, 25/11/97, No. 11502

" " Wednesday, 3/12/97, No. 11510

" " Thursday, 11/12/97, No. 11516

" " Friday, 12/12/97,No.11517

" " Tuesday, 16/12/97,No.11521

" " Saturday, 19/12/97,No.11524

" " Tuesday, 22/12/97,No.11526

" " Saturday, 28/12/97,No.11530

" " Tuesday, 30/12/97,No.11533

" " Wednesday,31/12/97,No.11534

" " Friday , 1/1/98, No.11535

" " Wednesday,7/1/98,No.11540

" " Saturday ,10/1/98,No.11542

" " Wednesday,14/1/98,No.11545

" " Monday,19/1/98,No.11549

" " Friday,23/1/98,No.11553

" " Sunday,25/1/98,No.2264

" " Wednesday,28/1/98,No.11557

" " Thursday,29/1/98,No.11558

" " Friday,30/1/98,No.11559

" " Thursday,5/2/98,No.11564

 

" " Thursday,12/2/98,No:11570

" " Friday,13/2/98,No.11571

" " Monday,16/2/98,No.11573

" " Tuesday,17/2/98,No.11574

 

" " Thursday,20/2/98,No.11577

     

  • The East Africa Standard,Wednesday,26/11/97,No.25979

     

" " " " Thursday,18/12/97,No.25998

" " " " Monday,1/12/97, No.25983

  • BBC Tuesday, 4/11/97

     

" Monday, 10/11/97

" Wednesday, 12/11/97

" Sunday, 16/11/97

" Monday, 17/11/97

" Wednesday, 19/11/97

" Thursday, 20/11/97

" Friday, 21/11/97

" Saturday, 22/11/97

" Sunday, 23/11/97

" Monday, 24/11/97

" Tuesday, 25/11/97

" Wednesday, 26/11/97

" Thursday, 27/11/97

" Friday, 28/11/97

" Saturday, 29/11/97

" Tuesday, 2/12/97

" Wednesday, 3/12/97

" Thursday, 4/11/97

" Monday, 8/12/97

" Monday, 15/12/97

" Thursday 18/2/98

" Friday, 26/2/98

 

     

  • waxaa intaa weheliya wareysiyo kala duwan oo aan la yeeshay dad Soomaaliyeed oo ka badbaaday waxyeellada El-Nino1997kii,oo iiga warramay dhacdooyin ay goob joog ka ahaayeen


Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.