ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

KUD KA GUUROOW KHANJO U GUUR 

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 10, 2002

Posted to the Web   January 10, 2002

Waxaa Qoray

Elmi Abdulaahi

elmiabdu@hotmail.com

Marka hore waad salaamatihiin.Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay arrimaha dalka Somalia sida mucjisada leh ay isu rogrogaayaan.Waxaa intaasi kasii daran dabka nooga yimid Carta Jabuuti,ololkii ololaayey  ayey bansiin ku waraabiyeen.Meel ololeyso oo bansiin lagu waraabiyey maxaa laga dhowraayaa.Taasi waxay markhaati cad ay u tahay in shirkii carta uu ahaa shirqool ay ka dambeeyeen sharwadayaal oo uu horseed ka yahay ismaaciil cumar geelle iyo kuma maanka yihiin oo uu ka mid yahay cabdiqasim oo ah nin aad u jahwareersan jaahil ah oo aan wax war iyo wacaadna u heynin waayaha socodka taariikhda adduunka,waa nin ku jiifa barkin dheer ka indho xiran isbeddelka ka socda dacalada adduunka.


Inkastoo uu mas'uul kasoo ahaa dawladii militariga aheyd,(oo hibo ahaan u siisay mas'uulnimo magtii aabahiisa ahaan awgeed).Waa yaab iyo amakaak.( Waxaa mucjiso ah cudurka Madaxnimada haaya Habargidir yaa u ballan qaaday ? Maxay habargidir dadka kale dheer yihiin ? Qof Jaahil ah oo aan laheyn aqoon aad u durugsan,samir iyo dulqaad ka maqan yahay mas'uul dal dhan maka noqon karaa ? )
Sidoo kale waxaa iga su'aal ah miyeyna xaq u laheyn muwaadiniinta kale inay madax ka noqdaan Somalia sida Reer Benadir,Raxanweyn,Jariirta iwm.
Burburka Somalia waxaa u sabab ahaa:-


1)- Caddaalad Darro            

2)- Sinnaan La'aan.


jeer aan la helin 2 qodob kor ku tilmaaman wax ka hagaagaayo arrimaha Somalia haba yaraatee majiraan.Xaqa maalintii Alla Idmo ayuu dilaaci doonaa,mana jiro qof is hortaagi karo.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Elmi Abdu
elmiabdu@hotmail.com
 

NIN HULAABASHO BADAN INUU WAX QARSANHAYO LA MOODAA

Ereyada kor ku qoran sow ma ah tabta uu ku socdo laguna tilmaami karo
Cabdisaqaasim iyo kooxda jahwareersan oo carta nooga yimid.Ereyadaasi waxay kasoo maaxeen Marxuum Yuusuf Sheekh Cali Samatar oo Raadiyo Muqdisho ka bixin wargelin joogto ah barnaamijkii lagu magacaabi jiray Murtada Maanta.Run sheeg waa ceeb sheeg.

Ma ahan waxa aan anigu soo alifay ama mala'awaal aan soo alifay,waxaa laga heli karaa keydka cajaladaha Raadiyo Muqdisho ama BBC-da Laanta Af-Somaliga qofkii doonaayo inuu hubsasho soo hubsado way u furan tahay.

Sidaasi iyo nabadgalyo.
Elmiabdu
Elmiabdu@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com