ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

Gabaygii   " dabargo’ sowmaaha"

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 10, 2002

Posted to the Web   January 10, 2002

Waxaa Qoray

Faysal Siciid Muuse

abuxamsa@hotmail.com

Gabaygani wuxuu ka hadlaayaa qaybo kalda duwan. waxaana runtii gabaygan tiriyey 1997 dii markaas oo ethopia ku soo duushey dhul soomaaliyeed. maadaama uu cadowgii ethopiaanka ahaa dib ugu soo laabtay dalkii hooyo waxaan u arkay inay laga maarmaan tahay inaan casriyeeyo umada soomaaliyeed oo dulmi diidka ahna usoo gudbiyo gabygaan. dulmi diid waxaan ula jeedaa cid ala iyo cidii ka soo horjeeda dulmiga ha ahaado mid ajnebi iyo mid maxaliyaba. gabyga  muhiimadiisu waa waxyaalaha ka hor imaanaya danta iyo qaranimada umada soomaaliyeed una baahan in lasaxo siday inaga ilatahay. waxaana rabaa inaan xusuusiyo raga xulufada la’ah Ethopia in cadaawad soo jireen ahi inaga dhexeyso waxaana leeyahay ”shabeel marabi manoqdo”. kooxda cartana waxaan oran lahaa waxaygiyo waxaagaba an cuno waali sow ma’aha. faysal siciid muuse


waakan gabaygii

indhoweydba waa taanan tirin deelaydii gabaye
waa taan daleeshaa kamaray gu'iyo dayrtiise
hadba aniga oo daayeybaa lay dirqinayaaye

 

hadii aan amxaar ciidan dirin maba daneeyeene

balaan didiyo caawoo kaloo diirid leeyaheye
dadow maqal dabuubtana lasoco deeley waa timiye

duryankeeda soomalibaan cidina doonayne
daarahooda niminkii dunshoo qaranki daaneeyey
daacad iney kadheeryiin aadanuu waa daninayaaye

danigaa xumaantoo dadyohow dunida noo gaarey
nin damiirleh mar uun buu damcaa inuu ka doodaaye
damiirkeynu wada dayrinana dabargo sowmaaha

nimankaa diriisyada watoo dunida aafeeyey

intey soo dareershaan kufriga nama dilaaleene
iney daadufiin falan yihiin balan ku deeqsiiyo

damacoodu nimankuu ahaa xeebta degisteeda
oo doolaaligoodii marhore doolow ku dekeeyey
dadqureynu nahay wayagii dunida gaarsiiyey

maduugowdo taariikhduyoo waa diwaan qorane
goormaa amxaar dadkeenii noqdoo nalakusoo duubay

ama daawa aan dhiganayoo qalinka loo daabay

nimankii dalkeenii dhacoo shalay ku doodaayey
madaafiicda nimankii doraad nagu dul gawriirshey
iney dayrtan noosoo debceen waa i degiweydey.

qabaalkii daloolaba biyaa lala dul joogaaye
doc markuu kadaadshaa kukale laga dulgeeyaaye
aadmigaa kadaran maalintuu wada dugaagoobo

neef dacar durduurtey sidiis wada dayoobaane
hadaan diinta lagu doojinayan looma daw helo'e
iney waanadiid wadayihiin bal'aan ku deeqsiiyo

dariiqii rasuulkiyo diintibey docuga bayreeno
gaal dooraweyn bey intaa daba ordaayaane
dardaarankii darwiishkana kadide mana daneeyaane

 

tigreegaa dabaabadaa watoo qolana deyneynin
oo diinta nagu maagayoo nagu duqaynaaya
nin damiirle awdaahirow maba duraanteene

jamhadaha dariiqyada u furi dabargo’ sowmaaha

 

nimankii caruuraha dubtoo dumarka daanduushey
oo meydka daba qaawiyoo kaadi ku dareershey
inay aniga ii diirnaxaan waa idmaqaysaaye

qaarkeenoo durbaanada u tumi dabargo’ sowmaaha

ardisababa nimankaa degoo debinka maageeri
qabiilooyinkey nagu dageen waw dareenqabaye
hoogiyo ba'ay damacsanyiin dabargo’ sowmaaha

debcigeeda soomaalibaan gaalo damacdeene
kaladaadsanaantaa kufrigu ugu dawgalaye

inaynaan dareenkaasba qabin dabargo’ sowmaaha

tigree kuma digteen soomaalidii damaca waalayde
nabad kuma dekeeyeen taniyo hawdka dacalkiisa
duligaan kuwada doogsanana dabargo’ sowmaaha.

dubka waxaan wadaagnaa ninkii iidaqnanayoo dhan
duulqura hadaan nahay kolnaba nama dagaagsheeno
warmaa nama dareen hadey diir u naxayaane

warmaata dooxeen hadey deris yaqaanaane
dacal uma fiyoobaan dhulkey xalay kuduulkeene
dicaayadha ay faafiyeen dabargo’ sowmaaha

gidigeedba gaaladu markey nagu dul reemeysey
dubaaqooyin baynalaheleen shalay dagaalkiiye
maantana dulmiga ay wadaan dabargo’ sowmaaha

dildilaaca waxa noogu wacan dirirta weeyaane
dagaalkaa sokeeyoo waxbadan dhiiga naga daadshey
oo weli lasiidoonayana dabargo sowmaaha

diirdiirtuba markay dalaga iyo dooga xaganeyso
iyaduba marbay dacalka kore doc’ uun kareebtaaye
maleyshiyadu diihaalkey qabaan yaabtay dunidiiye

 

qaasin inuu midnima diidayoo daba maryeynaayo

ninkii aan dareenkeeda qabin yaan u duurxuliye

daahaan kaqaadiye dadow daalacda oo dhuuxa

 

inkastuu daliishoo quraan deeban marinaayo

haduu daacad yahay saacad qura la’isma diideene

waxa qaar dalkii uga qaxeen waa dabkuu shidaye

 

ducadiyo quraankuu akhriyey waa kii daaf marayo

dacalada kismaayiyo jubada waysagii degeye  

waamaduu ku dulaa dabkiyo kicisay deebaanka

 

dalkiisiyo ninkii jecel inuu xumaha daaweeyo

dulmiguu faluu maalin qura dib u jaleecaaye

waxa uu dastuurkiisu yahay waa i degi weydey

 

dusha kagama dego aarlibaax duunya idilkeede
koodii gooni daaquu sifudud ugula duulaaye

magacyadaa kufrigu nagu dagoo nagu kala daadshey
midnimaa kadooroon ninkii ehelu diinowe
wadaadadu dariiqooyinkey daa'imeen dabargo sowmaaha

odayaasha wada daacayoo macasha diistaa leh
oo maantana dalkeenii ka dhigay degel abaaroobey
soomalidey kaladileen dabargo’ sowmaaha

dabagaabka naagaha watoo dirica jiidaaya
oo qaadkiyo sigaarkana daldali sida dilaaliinta
iyaguna xijaabkey dacniyi dabargo’ sowmaaha

dhalinyarada wada dhoohanoo dhinacyada xiiran
dhedigood sidiisii hadana dhegaha dheeraystay
dhaqanrogadka ay doonayaan dabargo’ sow maaha.

dawersiga shiyeeyaha markaan dibad usoo dhoofnay
derejooyin buu leeyehoo eygu waa dahabe
dumadiyo digaagaan martabad kula dagaalnaaye
ducfi inaan kuwada noolnahana dabargo’ sowmaaha

ninkii mowdku siidaayo'oo dunida sii jooga
nasaaradu dagaalkey wadaan waaba daalacane
damiinimada ay nagu heleen dabargo’ sowmaaha

dabuubteeda maansadu ragbey kaba daboolnayne
ninragey dardaaran u tehee doqon hamoogaade
waa horaa darwiishkii tirshood hadal ka diideene
ninkii aniga igu diimayow dan iyo xeeshaa dheh.

 

waa taa isdiidoo, isana daba jaraysoo, diintii ka orodoo, dilaal iyo malaaliyo damaaci uu horkacayee daayinow alhayow soomaali daba qabo!!!!!!! "Faisal Siciid Muuse"

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com