ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Gabay


Dabuub Maalin Weyn.

Posted to the Web   May 13, 2002

WQ

Abdinur Farah

dhidaryare@hotmail.com

DABUUB MAALIN WEYN

Waxay murtidani qeexaysaa Caasimaddii hore iyo haddii meelcusub hadda laga dhigi karo xarunta dalkeenna hooyo. Waxaa gabaygan curiyey nin dhallinyaro ah oo reer Puntland   ah, magaciisana layiraahdo Shaafici Xasan. Shaafici waa halabuure xigmad badan, wuxuuna intaas ku darsaday masrixiyad iyo riwaayado layaableh oo uu keligiis jilayo, qosolna ilkuhu kaa daadadanayaan markaad sheekadiisa dhegeysato. Shaafici Wuxuu wax ka bartaa Jaamacad ku taal magaalada Gothenburg.

Gabaygan Dabuub maalin weyn wuxuu kaga hadlayaa dhibaatooyinkii lasoo maray iyo siduu dadaal dheeraad ah uga muujiyey in aysan fitnadu ku sii fogaan dalkeenna. Dulucda gabaygu waxay ku wajahan tahay sidii aan dib dambe Xamar Caasimad Soomaaliyi uga dhigateen. Anigoo soo koobaya qeybta Muqdisho khuseysa oo isagu Caasimad ahaan la doonayo meel aanan weligey gobolka Nugaal ka oo  magaceeda la yiraa  Godobjiraan. Tixdaan oo soo baxday 3 san o ka hor ayuu abwaanku leeyahay:

Ma daandaamo xaajada markaan daw u leeyahaye
Waxaa maanta daahira inaan runi daboolleyne
Dacwad baan ka oran Xamar inaan dawlad loo dhigine

Dambas lama yaxoobsado adoo helaya daar weyne
Duggana lagama maro meel raq iyo dixiri yaalliine
Xabaalihiyo waa laga durkaa mayd la daayacaye

Barlammaan qabuur laga dulmuday waa damiinnimo e
Lafo daadsan iyo madaxyo waa laga diqoodaaye
Docfariisi uun aakhiraad waa damiir xumo e

Dalxiis ma laha meel uu ku baxay dhiig darroorihiye
Derbiyada xinjiraha leh nafluhu waa ka didayaane
Dalsan ma aha beled carun ku yaal deyrarkoo idile

Diqsi ururay iyo mayti waa laga dareeraaye
Dulalaati iyo aasas bay noqotay doorkaane
Inaan cidina doonaynin baan naga dahsoonayne
Dambi haddii laggalo toobad baa lagaga doogaaye
Derrigii Talyaanigu ku furay daahir noqon waaye
Durdurkii jeceer geeya iyo degelki Xaafuune

Dooxada Dharoor iyo la taga timirti do ocaane
Duud hooyo dhiga qaranki baad dalow ka tuurteene
Dixda garacad ii kaalay iyo deexda nabadeede

Ceelaayo loogama durkeen col iyo duufaane
Daarandoolle loogama baqeen daaduf iyo tuuge
Taleex dega anaa caanageel idin dabaalsiine


Haddii Godobjiraan lagu dayibo cidi ma diiddeene
Ayadaan dareen iyo lahayn dil iyo mooryaane
Ayadaan dekeno iyo colaad laysu dudahayne

Ayadaan dariiqyadu shuftiyo dooxato lahayne
Ayadaan duqowdiyo habraha daallim dhibahayne
Ayadaan ninkii dabaq dhistaa dumid ka yaabayne

Ayadaan la daandaansanayn deris xigaalaahe
Ayadaan dambaaburo madfaca lagu daqiiqeyne
Ayadaan dubaaqiyo lahayn doobab dhaawacane

Ayadaan daguugnayn sidii daafihii Xamare
Ayadaan dagaagnimo faqriya loo dibjirahayne
Ayadaa dacaan iyo martida darib la siiyaaye

Ayadaan dastuurkiyo ra’yiga lays dafirahayne
Ayadaan damuuqsiga indhaha laysu dabahayne
Ayadaan haddaad diiqsan tahay laysku diganayne

Ayadaan dam aaciga hunguri loo dawakhahayne
Ayadaan dalqada laga fekerin sida dameerkiiye
Ayadaan dukaammaa la dhacay loo dabbaaldegine

Ayadaa duftiyo lagaga bixi diifta waallida e
Dalandoolka Soomaaliyeey reerka soo duma e
Haddii kale daleel iyo u kaca boholo daanyeere

Kuwa Xamar ku dabandeebayow waa habeen dumaye
Waa meelaan digaag quuqle iyo dago ku noolayne
War doolaalo yey idin ku darin duulal aakhiro e

Dayaafado ilwaad male la dhigay daashka baalida e
Dac inaad ku nuuxnuuxsatiyo dacari waa hooge
Daamurkay kuwada dhaashataa loogu dawgalaye

Ceel dawray doon oommanaa looma daabulo e
Dubijaamo eberaa ku haray daakhilkii Xamare
Ka dardaarmay meeshaa inaan dawlad loo rarane

Dirqi maaha waanada run baa laga dabqaataaye
Inaan diirka ka caddeeyey waw dhega dalooshaane
Digtoonaada goor kale inaad dib u shallaydaane

D H A M M A A D

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.