| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

Gabay: Miglada Dawladnimo .

[ AllPuntland Suugaanta
December 10, 2001
Posted to the Web  00: 47 GMT December 10, 2001
Boosaaso

Waxaa Tiriyay

Xasan Nuur

SRG14@jubiimail.dk 

 

Gabaygani wuxuu tahniyad iyo bogaadin u yahay Md. Cali Khaliif Galaydh.

Gabaygan waxaan tiriyey mar ay ka soo yeesdhay Magaaladii Muqdisho qayladhaan ba’an oo lagu baadi goobayey lacago la lunsaday waa sida loo qoraye.

Gabaygan waxaan dib u habayn ku sameeyey kadib markuu Cali Khaliif xilka iska wareejiyey, aniga oo ku boorinaya in wax qabadka uu muujiyey mar kasta ummadda Soomaaliyeed u baahantahay inuu sii wado.

Waxaan iri:

 

Milgada dawladnimo Calaw nimaan oqoon looma maamula’e

Muunsoodka meeshaad ku timi adoo marada taagaaya

Maandeeq meeshay fadhido baad lahayd ka kici muunso xumadeede

Miigaha adigoo sitoo muruq la doonaaya, miskahay hayeen malaha waayeele

Mudka iyo malacsiga calaal bay moodayeen mar isku dhaafsiise

Muluq wixii hore hadana mawjadaha badday doonayeen inay mar fuuqaane

 

Mudanti loo fadhiyo oo hadana magac-doonis kugu mashaysiisa

Muhanidan ay kuu mardaadabi, maqaawiir iyagaw ahaa magan la’aantaase

Maamuus ha joogee, meeshaad ka liishaamaysay muran u qaateene

Ma xishoodayaal amankaagyey uumiyuhu, markii lagugu maansheeyey

Mici daraalayn iyo meel ay dunshaan magac ka doonkooda

Murti ma leh maandhow illeen mooryaan madaxa loo duubay

 

Magaydada ninkii midigta gooynaayey ee malamalay mashaqadaa maanta

Oo mashxaradaay lahaa markuu maxasta laynaayey magac kudoonkiisa

Maantana mudaahano qabiil mala awaalaaya oo maskab uu qabtiyo mudanti eegaaya

Ma macnaa ku jira haday madax salaax gaadhay ama magacyo uu sheegto?

 

Mooryaan milyan iyo martabad meel walba u fuushay muran ma deeqaanka

Millenniumka nimkaa marin habaw keenay, oo waxay malafsadaan mooraha u qaatay

Muslin-nimo iyo cilmigu meerto ma ahayne masaruurka ay wadaan mahadho weeyaane

Muqdishada maw leh oo mayl u bixi waayey iyo miidaankan ay mudhuxsadeen

Maskax baan ka sugayaa ma’aha waayeele waxay miiqayaana madhan-go’ weeyaane

 

Muraad soomaalinimo Caliyow meeshaa maalintaad ugu masaafowday

Magan allee anigana meelbaa qalbiga mooshin soo go’aye

Misana madal-huf abaa kugu dhocoo ma thid Malag Ilaah meel usoo diraye

Madashaa maamuus ka roon mar-kalaad nagu mashaysiine

Maantaba waxay kugu magansanahayeen hadaad muran la’aan siisay

Mudka barafka buuraha mutuxan ee Yurub badhkeed meeran (Alpo Mountains)

Magalootin baan ku mari muran la’aan iyo muhasho dheeraada

 

 

Macnaha Erayada:

 

  1. Amankaagyey:                      Wax aad loola yaabo

  2. Calaal:                                Wax la calaaliyo

  3. Duub:                                  Koofiyada ama Cumaamad

  4. Fuuqis:                               Sida marka wax kulul la cabayo ama wax tuubo lagu cabayo

  5. Liishaan:                            Shiishka ama wax aad ku fekerayso inaad gaadho

  6. Maandhow:                        Abahaa awowgii ama halqabsi wuxuun loola jeedo

  7. Maanshayn:                       Harqis, Hafin sida biyo lagu hafiyey

  8. Madal-huf:                          Ismoodsiin, Ambasho

  9. Magalootin:                       Orod u eg ka lagaga soo degto meelaaha barafka leh

  10. Magan:                               Nabadgelyo, Xasilooni ku hoyasho

  11. Magaydo:                           Qofka laga xishoodo in wax la yeelo, Miskiin

  12. Mala-awaal:                       Qiyaasid, Malayn wax aan la garayn waxa uu yahay ama u eg yahay

  13. Malacsi:                             Uuska ama qashinka

  14. Malafsi:                              Si xun u lef-leefid

  15. Maqaawiir:                         Hogaan adag iyo xoog

  16. Mar isku dhaafsiise            Deg-deg u liqid ma aan la calaalin

  17. Mardaadebin:                     Sir, Khiyaamo (mardadabo), wax isdhaafin

  18. Maro taagis:                       Gacan haadin ama u yeedhis

  19. Martabad:                           Derajo

  20. Masaruurka:                       Wax aad loola yaabo ama laga xishoodo

  21. Mashaqo:                           Dhibaato aad u ballaadhan, udaran

  22. Mashaysiin:                        Madadaalin

  23. Maskab:                             Derajo

  24. Maxas:                               Masaakiin

  25. Miige:                                Waa ul sigaara loo xanaaneeyo oo dhumuc leh

  26. Milgo:                                Madal ama goob wareeg ah shida shirka

  27. Mooraha:                           Hadhuubka geela lagu liso (Hadhuubgaal)

  28. Moorar:                              Meerisyo, sadaro

  29. Moorayaan:                       Qof daacadnimada ka dheer

  30. Mudaahano:                       Ladqabo, Maslaxaad

  31. Mudanti:                             Ixtiraam, Sharfid

  32. Mudanti:                             Sharaf leh, Akhyaar ama wax garad

  33. Mudka:                               Cadka hilibka geela ugu macaan

  34. Muhani                               Qofka deeqsiga ah

  35. Muhasho:                           Farxad, u hilow

  36. Muluq:                                Wax fara baxsaday ama deg-deg kuu dhaafay (midhiq)

  37. Muunso xumo:                      Aan faraxsanayn (cunyuyuub)

  38. Muunsood:                         Qasol aan waynayn sida dhoola cadaynta

  39. Uumiyuhu:                          Dadka, Guud ahaan dadkoo dhan


Wixii Su'aal Gabaygaan aad ka qabto u dir Gabyaga Tiriyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta Gabayga kore  waa mid ugaar ah Gabyaaga tiriyay, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)

 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com