| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

 SHIRKII CARTA WUXUU NAGU SOO KORDHIYEY QABQABLAYAASHA DAGAALKA.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 22, 2001
Posted to the Web  23:19 GMT December 22, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Hibo Deydey 
hibo2002@canada.com  

waxaa noo muuqaneyso in aan marna aan ka baxsan doonin shirkii carta oo dowladd lugu soo dhisey hadii ey shaqeyn weydo dhibaatada aan ka dhaxli doono ayaa waxaa noqon doonto in ey sii kordhaan QABQABLAYAASHA DAGAALKA taas oo sii fogeyn doonto in xal waaro laga gaaro dhibaatada soomaali weyn ku habsatey kuwa imanka jooga ayaa loo taak la'yahay oo qaarkood damaca gaarsiiyey in ey u jaajuusaan CADOWGA AMXAARADA oo aan ukala soocneyn waxa ka dhaxeyn karo asaga iyo amxaarka oo wada shaqeyn ah loona isticmaalaayo burburinta dalkiisa.

bal maxey noqon doonaan kuwa qabqablayaasha dagaalka oo cusub la sugayo iney ku soo biiraan sagxada siyaasada hadii kooxda carta lakala diro ma waxey idinla tahay iney ka sii xumaan doonaan kuwii hore oo nasabiyada ka tegey sida XUSEEN CEYDIID oo gaarsiisey inuu aabihii ka been sheego iyo SHAARGUDUUD oo loogu ciyaaro sida dhallaan caruur ah noqdey basaas u shaqeeyo xabashida mese CUSMAAN CAATO oo asagoo ka baqaayo in la soo taago maxkamad gu'aansadey ineysan ka hirgalin soomaali dowladdii maxkamadda kula tiigsan laheyd.

bal dhinaca kale aan eegno kuwa la filayo waxaa ka mid noqon doono C/QAASIM SALAAD XASAN iyo CABDALLA DEEROW iyo DR.GALEYDH iyo XASAN ABSHIR IKLM oo ka imaan doono dhinaca CARTA, MAXAMED DHEERE IYO QALAAD IYO jumbur oo iyagana isku fasal ah JAAMAC CALI JAAMAC oo asaga ka helin qarashkii ugu baxay doorashadii iyo SULDAAN GARAASI oo la filayo inuu suldaan nimada ka tago oo siyaasi u noqdo jufada uu ka soo jeedo oo ah ABAKAR CIISE oo labaduba ka cad cad dhinaca PUNTLAND laakin marnaba ma filayo heerka ey gaareen ina ceydiid iyo shaarguduud wax gaari doono iney jiri doonaan waxaa jira xadiis saxiix ah oo ordhanaayo waxaad dhib moodaan oo kheyr idin ah baa jiro soomalidana waxey yidhaahdaan KHEYR WAX KAMA DHIBO EE SHAR U TOOG HAAY.

dhinaca waqooyiga ayaa iyagana laga sugayaa in ey soo kodhaan qabqablayaasha hadii doorashada leysku afgaran waayo natiijada ka soo bixi doonto waxaa ka mid ah kuwa la dhowrayo mid sida shaarguduud oo kala ah oo loo yaqaan FAYSAL CABDI WARAABE oo ku doodo KOONFUR IYO AMXAARO waxaa na xiga amxaaka waxaa kaloo la dhowrayaa SALEEBAAN GAAL oo shaqsiyad wanaagsan la heyn ,hadaba isku soo wada duub ummada soomaaliyeed ayaan daro ayaa heysata kuwa u taagan iney horboodaan waa kuwa noocaad aragteyn ah waxaa ka sii daran kuwa shaqsiyaadka noocaas ah taageerayo oo qaarkood isku sheegayo iney yihiin waxgarad hadaba dib u raac qabqablayaasha dagaalka sida ey ku abuurmaan ayaa ah maamul la soo dhiso dabadeed shaqeyn kari waayo hadii aan tusaale u soo qaadano aabihii qabqablayaasha dagaalka oo ahaa marxuumkii GENERAL MAXAMED FAARAX CEYDIID waxaa abuurey maamulkii CALI MAHDI lagu soo magacaabey markii jibuuti la joogey kow iyo sagaasankii oo ceydiid asaga fashaliyey ka dibna noqdey.

koley mawada xumo qaar waxaa jira oo ah hogaamiyaal dadkooda jecel oo loo haayo qadarin iyo ixtiraam hadaba bishii haweyd ayaan ka soo laabtey dalkii hooyo meelo badan ayaa socod ku soo marey oo ka mid ah magaalo madaxda xamar iyo kismaayo beydhabo garowe oo aan joogey waqtigii doorashada iyo ku soo laabashadii CABDULLAAHI YUUSUF iyo waqooyi aan ka tagey hargeysa berbera iyo boorame hadaba qiimeynteyda ayaa noqotey in aan u kala saaro QABQABLE DAGAAL IYO HOGAAMIYE KOOXEED kuwa loo yaqaan qabqablayaasha dagaalka waa kuwa haba yaraato wax horumar ah aan ku soo kordhin dadkiisa misana dhaco dagaal joogto ah ku haayo sheyga nabada ah u daran oo sababta magacaa loogu bixiyey ey tahay kuwo dadkooda laga ilaaliyo ,HOGAAMIYE KOOXEED waxaa ah kan dadkiisa nadadeeyo oo amaankooda sugo ganacsiga degaankiisa si joogta u shaqeeyo waxbarasho iyo caafimaad dadkiisa ka haqab tiro mar walba nabada ku dadaalo.

hadaba intaan joogey xamar waxaan la kulmey soo dhaweyn ey u diyaariyeen dadkiisa hogaamiye kooxeedka MUUSE SUUDI mar uu ka imaanaye dhinaca xabashida runtii waan la fajacay waana qaadan waayey khalkhiga ninkaa soo dhaweeyey laga soo bilaabo GAROONKA CISALEEY lagu geeyo fariisinka degmada KAARAAN uu ku leeyahay oo u ah TALISKII HORE EE CIIDANKA BADDA SOOMAALIYEED runtiina markaas ka hor wuxuu ii ahaa DHURWAA DADKA CUNA oo laga joogi waayey xamar waxaa ii soo baxdey inuu yahay hogaamiye, waxaa ii xigtey beydhabo nin la dhaho SHAARGUDUUD waa nin dadkiisa laga ilaaliyo oo ku dalbada ninkii amar ka diido SARKAAL AMXAAR ah oo loo yaqaan kornel TAFASE oo soo qabta ninkii ka horyimaad BASAASKA AMXAARADA waa shaarguduud waxaana meel la iigu sheegey iney tahay JEELKA BEYDHABO ey ku jiraan dad masaakiin ah oo xoolahooda la siiyey kornel tafase.

magaalada garowe ayaan ku soo arkey HOGAAMIYE DADKIISA DOONAYAAN oo u qayiley kuwo isku sheegayo iney yihiin isimo kana horyimaadeyn markuu ka joojiyey gunadii uu u qoondeeyey waxa meesha laga wadey waxey eheyd INQILAAB oo lugu majaxaabinayey HOGAAMIYE CABDULAAHI YUUSUF qarashyada ku baxayey waxey ka imaanayeen dhinaca DKMG ah dabadeedna la ogaadey inuu yahay hogaamiye dadkiisa doonayaan dib ugu soo noqdey caasimadii PUNTLAND, waxaa dabadeed aan u gudbey waqooyi galbeed taa uma baahna tafaasiil in aan ka bixiyaa MUDANE MAXAMED IBRAAHIM CIGAAL WAA HOGAAMIYE KU DAYASHO MUDAN soomaali oo dhan ayaa marqaati ka ah inuusan eheyn nin lala meel dhigi karo kuwa koonfurta.

soomaaliyeey waxaad ogataan in aanan ka bixi doonin dhibaatada inta kuwa aan soo sheegney horboodayaan siyaasada wadanka oo wili halis aan u nahay in ey na iibsadaan maalmahan waxaa la hadal haayaa in MAREYKAN imaan doono dalka ha u maleynina in wax walba uu noo hagaajinayo hadii uu naga horleexiyo kuwa caqabadda nagu ah waan sidaan dooneyney laakin waa in aan ogaanaa waxa dhibka iska saari karo inaan anaga nahay sida aan ku gaari karno ey tahay ninkeena xun aan iska fogeyno wadaniyadda naga maqan aan dib dadkeena ugu abuurno waxa aan ku gaari karnaa waa anagoo QABIIL SOO AASNO

wabilaahi towfiiq

Hibo Deydey.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com