| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

        U kaal wadankaaga!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  14, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 14, 2001
.k

Waxaa Qoray

Mahamud Moalin Hassan (Haji)

Horyaal.com@www.horyaal.com 

                                              

Marka hore waxaan idinku salaamay salaanta qiimaha badan ee islaamka.

Intaa ka dib waxaa ku soo koray war is gaarsiinta internetka warar kala duwan oo aad iyo aad isu burburinaya ama sidoodaba lagu kalsoonaan Karin.Ha ahaado kuwa ka yimi dad isku sheega in ay yihiin hogaamiyaal, anigase garanayn wax ay hogaamiyaan, iyo kuwa kale dhex carar ah oo marnaba ka fiirsan waxa ay ku hadlaan.
Marka kowaad waxaad ogaataan waxa aad ku hadashaan ama aad qortaan labadaba in aad ka mas’uul ka tahay waxii natiijo ka soo baxa ha ahaato natiijo fiican ama mid xun.Sidaa waxaan u leeyahay in aan u digo nafteeda iyo kuwa kaleba.

Adduunka laba bil ka hor waxaa ku soo kordhay dhibaatooyin saamayn ku yeelatay dad farabadan, hase yeeshee haddaan nahay Somali si gaar ah noo taaban karta ama aan dhadhaminay dhibaataadaas ka dib U.S uu ku eedayay hay’adda Al-Barakaat in aan garab la wadaag tahay

Al-Qaida kuwaas lagu eedeeyo dhibkii ka dhacay U.S. Anigoo ku difaacayn Al-Barakaat halkan isla markaasna aan eed dusha ka saarayn waayo aqoon badan uma lihi oo aan ahayn in ay ii xawisho lacagta reerkayga xamar ku nool. Waayo uguma baahni servicekaas ka badan.

Haddaba su’aasha waxay tahay maxaa ka soo bixi kara ka badbadinta iyo eedaynya joogtada ah.? Maxaa keenay in soomaalida, gaar ahaan kuwa sida ba’an ugu soo horjeeda DKMG,ugu tartamaan in dhib loo gaysto soomalida markeeda hore is baabi’isay in mar kale loo horseedo missiles ama weerar uu hogaaminayo maraykanka isaga oo  dabcan isticmaalaya ciidamada itoobiya. Inaga oo og cadawtinamada ay xabashida inoo qabaan gaar ahaan soomaalida iyo diinteena dahabka ah.

Marna waa siyaasad ku salaysan dano gaar ah, marna waa dan guud kugu waajib ah oo aadan marnaba ku guulaysanin haddii aad aduunyo ku bedelid taana waa diintaada iyo dadkaaga.

Sida ay sheegeen mas’uuliyeen ka tirsan DKMG ma jiraan wax la yiraah Al-Qaida ka howlgasha soomaaliya, horayna uma jirin.Waayo loo rumaysan la’ yahay ma jiraa ruux cadayn karaa arintaas?sida aan la wada socono waxaa jiray soomaaliya ururo diimeed kala lahaa magacyo kala duwan sida Akhwaan muslimiin, AL-itixaad, Al-islaax, suufi IWM, marnaba ma aanan arag wadaad qori u soo qaatay dad soomaaliyeed ama dad ka baxsan.Ururadaasna waa ururo ku jira faafinta diinta islaamka. Goorma ayaan iloobnay diinteena ? Ma gaalada media ayaa maskaxda inaga dhaqday ? Ma lacagta cayrta ayaan ku iibsanaa diinteena ? Ma waxaad moodeen in U.S oo weerarta Somalia in aan nabad ku ladayno wadamadan aan ku noolanahay ?
Mucaarad iyo muxaafidba waa jiraan haddana ma burburiyaan danaha guud ee wadanka lagumana hoos gambado cadawgeena.Wadankeena waxuu u baahanyahay gacan naxariis leh ee uma baahna ruux laba wajiile ah midna inaga noogu sheekeeya midka kalena kule sheekayso cadawgeena. 

Ugu dambayntii waxaa ka codsan lahaa dhamaan soomaalida meel kasta oo ay joogaan sidii looga hortigi lahaa dhibaatadan cusub waayo kuma ekaan doonto dacaayad ama Al-Barakaat ee dabcan cadaw inala dhashay ayaa u taagan in nolosha ku jirno ama aan galno nolol tan ka xun iyo dagaalo cusub.Sidaa awgeed waxaa ku baraarujin lahaa in aan dhamaan u istaagno sidii ugu guulaysan lahayn tiradaas yar inaga oo adeegsanayna wax waxii tasiilaad ah aan ku badbaadi karno umadeena.


Mahamud Moalin Hassan(Haji)
Soddonka@Hotmail.com

 

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).