ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


BAAQ NABADEED

Posted to the Web   May 03, 2002

WQ

 Ismaaciil Del 

dheelgr@hotmail.com  

BAAQ NABADEED              

 

 

May 2, 2002 

 

Ku Socoto: Isimada Puntland

Ku Socoto: Mudane Cabdullaahi Yusuf Ahmed

Ku Socoto: Mudane Jaamac Cali Jaamac

Ku Socoto: Shacabka Reer Puntland, Soomaalia

 

DAGAAL MAXALBAA? MAYA, MAYA, MAYA…

 

Anigoo ka faa’iidaysanaya shabakadaha Internetka waxaan jeclaan lahaa in aan ka siiyo wax yar oo feejignaan ah dhibaatada ku soo socota shacabka reer Puntland. Anigoo ka ah dhexdhexaad arimaha Puntland.

Waxaa ayaamahaan ka welwelsanahay daruuraha dagaaleed ee ka soo curmaya dacalada Puntland. Waxaan aad iyo aad uga xumahay in ay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya oo ay Puntland ka badbaadey kow iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ay maanta u xeydxeydanayso.  Waxaan aad uga xumahay in maanta oo soomaali oo idil ay isu xirxirayso nabad iyo hishiis iyo inay ka gudbaan waxay kala kulmeen kow iyo tobankii sano ee halaaga ahaa ay maanta Puntland gadaal ugu noqotay oo ay doonayso in ay nolosheeda ka soo bilawdo kow iyo sagaashankii.

 

Waxaan uga digayaa labada kooxood ee arimaha siyaasada isku haya in ay ka foojignaadaan waxyaabaha uga imankara, anigoo ka soo qaadanaya taariikhdii ka dhacday Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen.

 

  1. Dad ehel ah in ay isku laayaan: waxaan umalaynaynaa in la hilmaamay oo aan u baahanahay in aan isasoo xusuusino waxyaabihii ka dhacday dagaaladii Muqdisho. In ay isku laayeen labo walaalo ah oo labada dhinac kasoo kala jeestay waxaa taa ka sii daran nimankii isku hojuumshay oo ay isku laayeen walaalaha Soomaaliyeed ay horay ka hishiiyeen iyadoo dib loo soo eegin dadkii ku dhaawacmay, dadkii ku geeriyooday, ama xoolihii ku baaba’ay. (Dib u eeg Taariikhda Muqdisho)

  2. Waxaa baaba’aya dhaqaalihii: Bal aan dib isu soo xusuusino wixii ka dhacay Muqdisho. Waxaa abuurmay in loo sameeyo waxay ugu yeereen qadkii cagaarnaa “green line” oo waxay kala xireen dhaqaalihii iyagoo dan gaar ah ka leh. Oo maxay kaga duwanaanaysaa Puntland? Waa waxba. Dhaqaalihii yaraa ee u abuurmay ee shacabkii isku xirnaa ee Puntland baa xirmaaya oo ay ku xirnayd qutuliyooka shacabka xoogsatada ah. (Dib u eeg Taariikhda Muqdisho)

  3. Waxaa bilaabanaya Qax: Waxaan u malaynayey in shacabka reer Puntland ay ka dheregsanyihiin dhibaatada dagaaleed. Bal wax yar aan idinka soo xusuusiyo. Dagaal walba waxaa lasocda Qaxooti, Cudur, dhimasho iyo dhaawac, oo shacab ku habsada. “Dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta.” (Dib u eeg Taariikhda Muqdisho)

  4. Ujeedada dagaalka: Wax walba oo aduunkaan jira waxay leeyihiin xal si nabad lagu gaari karo waa hadii daacad laga wada yahay danta guud ee shacabka. Waa in la isku miisaamaa dhibaatada ka imankarta dagaalka iyo danta gaar ahaaneed ee laga fursan waayey ee kaliftay in dagaal wax lagu xaliyo.  Aad bay u fududahay sida uu ku bilawdo dagaalka laakiin aad bay u adkaanaysaa daqarada uu ka tago sida lagu hilmaamo. (Dib u eeg Taariikhda Muqdisho)

  5. Kooxo cusub oo abuurma: Sidaad lasocotaan Muqdisho waxay lahayd 1991 labo hogaamiyo oo ay kala ahaayeen Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Caydiid. Markii ay diideen in ay xaliyaan dhibaatada siyaasadeed ee dhaxtaalay oo ay ku qamaareen shacabkii Muqdisho korkooda, maxaa abuurmay? In ay Muqdisho oo kaliya yeelato dhawr hogaamiyo oo midba xaafad xukuma. (Dib u eeg Taariikhda Muqdisho).

Dadka qaarkii baa waxay yiraahdaan dagaalkaan waa qadiyad siyaasadeed ee qabiil ma’aha. Anagoo og taariikhda siyaasadeed ee soomaalia soo martay kow iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ama wixii ka horeeyeyba. Waxaan u sheegaynaa dadka waxaas aaminsan waxbadan baa idinku haray taariikhda Soomaaliya’e dib u jaleecda. Waxaa xaqiiqo ah in qabyaalad ay isku badalayso iyadoo xataa aan ahayn ajendaha labada kooxood. Qabiilkuna waa sidii basashii oo kale, oo waxay isu siibaysaa ilaa heer ay gaarto digsiga xeeradiisa. (Dib u eeg Taariikhda Muqdisho)

 

Talo Wadaag:

·        Waxaan u soo jeedinayaa isimada Puntland in ay si degdeg ah isugu yimaadaan oo ay xaliyaan tafaraaruqa la kala dhexdhigay, oo ay ku noqdaan xeerkoodii dhaqan iskana ilaaliyaan jahawareerka siyaasadeed.

·        Shacabka Puntland waa in ay ka foojignaadaan dibandaabyada lala doonayo ee loo adeegsanayo sidii lagu burburin lahaa jiritaankooda. 

·        Waxaan kula talinayaa isimada iyo shacabka reer Puntland in ay la shaqeeyaan gudiga nabadoonka ah ee isu xilqaamay ee ka dhiidhiyey in ay dhibaato ka dhacdo Puntland waa “Puntland Peace Mission- PPM.”

·        Waa in si degdeg ah loo abaabulaa banaanbaxyo soconaya maalin walba ilaa laxaliyo dhibaatada loo maleegayo shacabka.

  

DAGAAL MAXALBAA? MAYA, MAYA, MAYA…

 

Ismaaciil Dheel

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.