ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Al-ISLAAX: MA URUR DIINEED MISE URUR DANEED?

Posted to the Web  June 12, 2002

WQ.

Axmed Cabdi ( Jaabir)

jaabir26@yahoo.co.uk 

Ka dib burburkii dowladii Soomaliya dhamaadkii sideetamaadkii waxaa dhacday in qof walba oo Soomaali ah uu helay fursad uu ku gudbiyo ama kusameeyo waxa uu aaminsanyahay isagoo og inaysan jirin sharci ama kaladanbayn.

Sidaa daraadeed ayay Islaaxu ka mid noqdeen dadkii fursadaas helay kagana faa’idaystay xag diineed oo ay ogaayeen inay tahay meesha kaliya ee Soomalida laga gali karo. Islaax iyagoo og xaalada Soomaaliya ayay marwalba waxay badalayeen magacooda oo ugu danbayn markii ay ka qayb galeen shirkii Carta ay la baxeen XIGA, iyadoo aan arkayno sida ay kooxaha isku haya Soomaliya ay maalin walba isaga badalaan magacooda laakiin Soomaalidu ay taqaano koox walba ama dagaal-ooge walba sifadiisa iyo dhaqankiisa. Hadaba waxaan Islaax u kala dhigi karna a laba qayb, qaybta ugu horaysa waa xubnaha qaybta kalana waa hogaanka.

Haddaanu milicsano xubnaha, kooxdaan inta badan waa dhalinyaro wanaag jecel lana galiyay xamaasad iyagoo loosheegay in la dhalinayo dowlad Islaami ah, waayo dhalintu waa lafdhabarka mabda’ walba oo raba inuu meelmaro sidaa daraadeed ayay dhalin fara badan ugu jiraan Islaaxda in la helayo khalaafo Islaami ah waa sida loogu sheekeeyay! Waxaa kaloo kooxdaan lagu taba baraa inay ilaaliyaan sirta iyadoo la dhufaano fikirkooda mana laha cod ay ku doortaan cida matasha Islaax, sidoo kale kama hadli karaan mawaaqifta siyaasadeed ee lagu fulinayo iyo dhaqaalaha magacooda lagu soo qaado waayo waxaa lagu carbiyay inay yihiin JUNUUD (askar) aan cod lahayn in amar la siiyo mooyaane. Inta badan waxaa laga hor istaagaa aqoonta waxbarasha lama ogola inay heer ka gaaraan tacliin iyo dhaqaale oo aan ognahay qofku marka uu labadaas mid helo inuu isku filnaan karo, xeer hoosaadka Islaaxa ayaa dhigaya in qofka layska hubiyo fikirkiisa in taan lasoo galin gudaha iyadoo la soo diyaarinayo inuu ka mid noqon doono askartii khalaafada, iyo weliba iney aad isaga ilaaliyaan inuu xarakada ama ururka soo galo qof aqoon leh ha ahaato mid diineed ama mid kaleba marka laga reebo xubno aad tacbaan u ah xagga niyadda iyo fikirkaba oo iyaga uun ku dabo tukuba ama ay is leeyihiin wuxuu danihiina ka dhammeyn karaa qabaa'ilka qaarkood ama ay xagga amniga uga baqaan inuu iyaka wax yeelo.

Qaybta maamulka waxa ay sheegtaan inay yihiin aasaasayaashii ururka oo sharci hoosaadku uruku siinayo inaan la taaban karin waayo waa xeer dajiyayaasha ama golaha sare ee Islaax.balse waxaysan dafiraan in la og yahay asaasayaashii dhabta ahaa ee ururka sida Sheekh Mohammed Moalim iyo Sheekh Abdi ghani oo kale. Kooxdaan waxay leeyihiin gole kulan waxayna aaminsanyihiin in qofka hogaanka Islaaxa ka noqonaya la doorto labo mar kaliya midiiba uu haynayo afar sano, iyaga ayaana marwalba noqda hogaanka Islaaxa waxayna matalaan arimaha siyaasada, waxbarashada iy o bulshaba. Waxay sameeyeen ururo samafal sida Al-Najax, Al-Islaax, Haches, Majlis Musaalaxa iyo Jaamacadda Mogadisho oo intuba ah magacyo wax kuma yaal ah oo lagu dawarsado dalalka islaamka iyo carabtaba iyadoo dhaqaalo farabadana lagu helo iyo iyadoo wax lagu soo qaado magaca bulsha waynta Soomaaliyeed ee dhibaataysan, mana jirto xisaabtan ama cid og meesha ay wax maraan sababtoo ah waxaanu ognahay hay’adaha samafal ee dunida ka jira inay leeyihiin shuruuc iyo hantidhowr ayay kooxdaan waxay kaga faa’idaysteen danahooda gaar ahaaneed. Sidoo kale waxay dhex ordaan arimaha siyaasda ee Soomaaliya marwalbana waxay ishu qabataa iyagoo isku dayaya iney dhex boodaaan shirarka Soomaaliyeed oo ay ku kala gadayaan kooxaha soo kala horjeeda tusaale waxaa noogu filan iney isku dayeen iney ka qayb galaan shirarkii dib u heshiisiinta Soomaliyeed umana suuro gelin inay ka qayb galaan shirarkaas marka laga reebo kii Carta sababtana waa iyakoo aysan jirin cid taqaan Soomalidana ma jirin wax aqoon ah oo ay u lahaay een ururkan dibadda laga soo dhoofshey balse kaddib markii ay uruuriyeen lacago fara badan lana shaqeeyeen qaar ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed ayey u suurta gashay iney ka helaan dhowr xubnood oo baarlamaan ah shirkii Carta. Waxay caan ku yihiin inta badan iney galaan ballamo kaddibna ay ka baxaan waxaa jirtey shirkii Carta markii hore iney taageereen hantina geliyeen ina la ololeeyaan Abdiqassim Salaad iyakoo shaaciyey inuu ka tirsan yahay xubnaha Al-islaax si ay lacag uga helaan urur goboleedka carbeed balse markii la gaarey waqtigii barlamaanku dooran lahaa madaxweynaha waxay codkoodii u wareejiyeen Mr Caddow iyakoo is mood siiyey inuu isagu heli doono doorashada, sababtoo ah maslaxadooda ayaa kalawayn wanaaga iyo dib udhiska dalkii hooyo waxaana lagu yaqaan inay leeyihiin dan maguurto ah. Dhacdadaa kaddib waxa keliya ay heleen waxay noqotey dhowr xubnood oo barlimaana ah iyaguna sida ay Islaaxdu cadaysay waxay matalayeen qabaa’ilkooda balse ay mar walba yihiin koox ka mid ah kooxaha isku haya Soomaaliya oo ku raad gadanaya diinteena suuban. Kooxdaan waxay kale oo ay sheegtaan inay yihiin culimo balse lama hayo wax ka aflaxay casharadooda ama fidin diineed waayo marka aad maqasho culumo waxaa maskaxdaada kusoo dhacaya Sh. Mohamed Macalin Xassan, Sh. Mohamed H. Yusuf, Shariif Abdi Noor, Sh. Ali Suufi, Sh. Ibraahim Suuleey Iyo Sh. Noor Ali Colow iyo weliba culimada dariiqooyinka ee kala duwan. Balse aad ayay u yartahay in la tilmaamo culimo Islaax ah oo laga aflaxay waxaase laga yaabaa inay inta badan wax ka sheegaan culimadaas barkaysan, sidoo kale waxaaba la arkaa iyagoo intaas isku mashquuliya arimaha wax ka sheegga shareecada sida sinaanta dumarka iyo raga, xijaabka iyo ururada kale ee kula jira safka iyakoo mar walba khilaafaya fikirka akhwaanka oo qaba in laga fogaado masaailka khilaafiga ah ayey haddana dhex boodaan. Kooxdaan waxay kaloo ku qaraabtaan inay yihiin aqoonyahanno matala bulsha waynta Soomaaliyeed balse waxaa hubaal ah ineysan jirin cid gooni ah oo metesha aqoonyahanada Soom aaliyeed, waxay caan ku yihiin iney hadba sheegtaan waxa markaa ka socda saaxada Soomaalida ururkan sida lagu qorey saxaafadda carbeed bartamihii sagaashanaadkii waxay sheegan jireen iney yihiin Majlis Musalaxa waddaniya iyakoo ku ugaarsadey magacii ururkii Sodara, waxaadna fahmi kartaa markaad akhrido jaraa’idka shisheeye gaar ahaan kan Carbeed ee kuwajahan  arimaha Soomaaliya ayaad ka dhandhansan kartaa waxay qabaan iyo iney haystaaan macluumaad qaldan. Haddaad heli karto isku day inaad akhriso cadadyadii soo baxay bartamihii sagaashameeyadii ee majaladaha Al-Mujtamac, Al-islaax, Al-mislimuun, Al-liwwa'Alislaami, Qadhaya-Dowliyah iyo Adacwah oo kasoo kala bixi jirey Kuweit, UAE, Pakistan iyo Sacuudiga waxaan kaloo nagu filan markii ay Muqdisho ka soo saareen majalo la yiraahdo Al-Ummah majalladani waxay kasoo bixi jirtey wasaaradda awqaafta ee dalka Qatar xataa ma garanayaan iney xushmeeyaan xuuquuqda daabacaadda iyo malkiyada fikirka oo ah dembi in lagu xad gudb o adigoon fasax heysan. Inta badan casharada ay aqriyaan ama waxayaabaha ay qoraan waa wax laga soo minguuriyey culimada islaamka ma laha hal abuur iyo iney iyaku dhalaaliyaan fikirkooda xorta waxay ku andacoodaan iney matalaan qabaa’ilka Soomaaliyeed muhiimaduna ay tahay inay taageeraan kooxda ay u arkaan inay ku fushan karaan danahooda sida Carta oo ay la leeyihiin heshiis hoosaad iyagoo waliba ugu deeqay hanti iyo raadiyihii kal hore ay siiyeen kooxdaas oo dib looga bililiqaystay. Kooxdani waxay caan ku tahay iney wax walba ku uruuriyaan magaalada Muqdisho iyakoo ku andacoonaya xaaladda amaniga dalka ilaa wax walba laga bililiqeysto iyadoo jaamacadda Muqdisho la bililiqeystey 1994 fadhigeedii hore ee ahaa ka soo hor jeedka Hospital Madena ayeysan ogoleyn iney wax ka qabtaan gobolada ammaanka ah dhinaca kale waxay xubin ka yihiin Akhwaanka caalamiga ah halkaas oo ay danahooda hoose kaga dhamaystaan kuna caburiyaan ururada kale ee la qaba fikirka Ikhwaanka iyagoo ku andacooda inay iyaga uun xanbaarsany ihiin fikirkaas, waxaay kaloo warbixin ku  siiyeen inay ka dhaliyeen dowlad Islaami ah Soomaaliya oo lagu soo dhisay Carta halkaas oo ay ku mutaysteen dhaqaalo fara badan oo kasoo galay muxsiniinta carbeed ee lamaan dooriyay. Hay’adaha ugu badan ee ay wax ka heleen wax barasho ama hantiba waxaa ka mid ah Salsabiil oo dalka masar ah Al-muwafak iyo Teiybah Kheyriyah oo Suudaan ah, Bank Islamic Kuweit, Islamic Development Bank oo Sacuudi ah, hayadda sare ee kaalmada Soomaaliya iyo Bosna wa Hersak oo Sacuudi ah, Dacwa Caalamiya iyo haya'adda gargaarka islaamiga oo Sacuudiga ah iyo UAE lil Ighatha waxaa kaloo ay la shaqeysteen shirkaddii dhowaan la mamnuucay ee Al-Taqwa ee dawada ku sameyn jirtey Dalka Suudaan ee Mareykankuna kal hore duqeeyey ka dib markii uu Bin Laden ku xiriiriyey. Hantida ay meelahaas ka heleen waxay ku soo qaadaan magacyada sida Jaamacaadda Mogadishu, Al islaax, Haches iyo musaalaxada Somaliyeed oo ay mar walba ka been sheegaan waxa keliya ee gacanta Soomaalida ka soo gaarey waa abaabul kii shirkii carta oo ay wufuuddii ka timid Muqdisho ay soo siiyen mid walba konton Dollar si ay mowqif mideysan shirka ula tagaan oo daaqo badani kaga baxdey. Isku soo duuduuboo kooxdaan sheegata hogaanka ama aasaasayaashii Islaaxda waxay la tahay iney matalaan afarta garab ee kala ah Culimo, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, iyo Hogaamiyayaal qabiil, balse bulsho weynta Soomaaliyeed waxay ka taqaan ayaa yar ururkan dahsoon oo aanay caddeyn ujeeddooyinkiisa iyo cidda ka dambeysa.
 

Gabogabo iyo gunaanad Islaax waxay ku fashilantay dhowr arimood oo ay ugu danbaysay taageeridii dagaaladii dhowaan dhexmaray DKM iyo hogaamiye kooxeedyada Muqdisho, sidoo kale dagaaladii kal hore ka dhacay Jubaland oo ay ugu deeqeen dhaqaale kooxaha halkaas isku haya, waxaanu oran karnaa Islaax waa koox gaartay danteedii kadib markii ay ku beerlaxawsatay dhalin diin jecel inay yihiin culimo balse ay noqdeen jirjiroole. Su’aasha jawaabta u baahani waa, Al-Islaax ma urur dineed mise urur daneed?.


Diyaariye

Ahmed Abdi

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.