Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Cali Khaliif: Sidu laba iskula Helaa?

Posted to the Web   April 30, 2002

WQ

Mohamud Duale 

myduale@hotmail.com 

 
 
Soomalidu waxay ku maah maahdaa aduunyada nin noolow maxaa argti kuu laaban.Akhristayaal waxa aan la yaabay oo isku kay qaban waayey xeeladaha iyo hab dhaqameedka ninka yidhi waxaan ahay Aqoonyahan, Siyaasi, Professor, baayacmushtar iwm. Cali Khaliif Galaydh hadaladiisa aan dux lagu ogayn ee uu qurbaha la wareegayo waxa ka mid ah in uu yidhaa ma jiraan wax Somaaliland la  yidhaa ,hadana waxa uu sheegaa in ay lacag iyo macaash farabadan ka helo kana faa,iiday Dawlada, Nidaamka iyo Nabada taala Soomaliland.

 

Soomalilaanta aan ognahay in naf iyo maal badan loo huray Calina imika dambarkeeda dhamayo isla markaana dafirsanyahay duminteedana ka shaqaynayo, Galab dhaweyd oo  uu qudbad ka jeedanayeeyey hudheel ku yaala magaalada Toronto iyo waliba waraysiyo uu siiyey Radio Golis iyo Codka Beesha  oo labada ku yaala Toronto, Canada. Waxa ka mid ahaa hadaladiisii:
(1)Somaliland wax la yidhaa ma jiraan mana dhacayso.

 

(2)Dawladii Siyaad Bare kama gar darayn markay Hargaysa madaafiicda iyo dayuuradaha   ku duqaysay, waayo dawladuhu sidaa waa yeelaan waana in ay iska celisaa.
(3)Anigu waan u dhashay Soomaaliland cid ii diidi kartaana ma jirto, shirkadahaygana Somaliland lafteeda ayaa u baahan abaalna ku qabta.

 

(4)Waxa wax lagu qosla ah in ay Bishii May ee 2001kii ay yidhaadeen waxaan u codbixinaynaa Dastuur, waxaaasi waa waqti lumis waliba la yidhi  97ayey u dhacday filimakaa horaan u galnay, kamana dhicin meelaha ay ka midyihiin Sool, Burco iyo meelo kale.
 
Waa run oo Cali Khaliif waa u dhashay Somaliland waana muwaadin xuquuqdiisa wadanimo leh laakiin waa khaayimay dalkiisa iyo dadkiisa(Traitor) waxanu gacan ku sitaa mididii lagu gowracayey Saca gacanta kalena waa ku lisayaa ee labadaasi ma is qabtaan? in uu Saca hilibkiisa iyo hadhuub caana ah ka wada doono.

 

Cali Khaliif waxa uu goob joog ka ahaa kulamo iyo shirar badanoo arimaha Somaliland, Somaliya iyo Puntland loo qabtay halkaana waxa ka muuqata in uu dhaan walba ku biirayo waxuu dheeli tiraase aanay jirin.

 

Guntii iyo gabagabadii waxay ila tahay Cali Khaliif Lacagta uu baayac mushtarka ku galay malaha waa ta meel walba lagu waydiiyo ee la lahaa Qarankii somaliya ee burburay  ayuu ka qaatay. Gombashka iyo  dheemanta Somaaliland ma gayo in uu gurto kol hadaanu gar waaqsanaynayn gobanimada iyo mudnaanta dadkiisa iyo dalkiisu leeyahay.Hadii aan arintaasi lagu war gelin waxna ka qaban heydaha sharciga iyo ruqsada baayacmushtarka ee somaaliland xaalkiisu wuxuu ahaanayaa geedka waan gownayaa, midhihiisana waan guranayaa-Cajiib-.
 
 
Maxamuud Yusuf  Ducale
Toronto,Canada

 


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.