ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

God sireed ha qodin.....  

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 08, 2002

Posted to the Web   January 09, 2002

Waxaa Qoray

Abdalla Moallim Mahamud
moallem10@hotmail.com   

 
Waa cusub ayaa ku baryay xukuumadi lagu soo aloosay degmada Carta ee dalka jabuuti laguna marin haaabiyay Somali weyn iyo adduun weynaha oo dhan iyada oo dhismaheeda ay ka soo shaqeeyeen beesha Abduqaasim kuwooda aan ka xishoon xaaraan quudashada,dilka,dhaca iyo boobka ummadda Soomaaliyeed iyo tageerayaashooda kala dhaqana fal xumada iyo si xun u socodka,waxaana howshan loo kaashtay madaxweynaha Dowladda jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyada oo aqoolida dabinkan loo soo maray jileeca shacbiweynaha Soomaaliyeed oo ay ku dheeraatay dowlad la’aan,nabad la’aan iyo xabad ay ku seexdaan kuna soo toosaan.

DKM howsheedi u horeysay waxaay ka bilowday sidi ay ugu baryi tagi lahayd adduun weynaha inta aanan Soomaali iyo addunwenahaba kashifin ujeedooyinka guracan ee kooxda hormoodka u ah DKM oo aan marnaba ku dhaqaaqin howshi Soomaaliweyn ka sugaysay oo ay ugu horaysay dowladda oo saldhigeeda noqdo magaalada Baydhabo inta xal looga helaayo nabad la’aanta ka taagan magaalada Muqdisho.iyo dastruurki lagu heshiiyay oo lagu dhaqo dalka iyo dadka Soomaaliyeed .

Ma rabo in aan ku dheeraado faala ka bixinta dibindaabyadi ay ku kaceen Cabduqaasim iyo kooxdiisa mudadi ay jirtay DKM ilaa haddeer oo uu gabaabsi yahay iftiinkeeda, gaaska faynuustana kaga dhamaaday jidka xun afkiisa hore, waxaana dad badan oo soomaaliyeed isweydiinayaan wararka ka soo yeeerayo kooxdan oo u badan daliil hor leh in aynan marnaba mudnayn ku aaminidi hogaanga Soomaaliyeed mar danbe mustaqbalka dhow iyo mid dheerba,wararkaas oo uu ka mid yahay midki ka soo yeeray Maxamuud Afgooye oo wasiir ka ah DKM oo sheeganayo si caddaana oo qaawan in ay beeshiisa ka tirsan tahay dadka degan koofurta dalka isaga oo sabab uga dhigayo in Cabduqaasim uu ku dhashay Degmada Marka sidaa darteedna ay la macna tahay in beesha Habargidir oo idil ay ku dhalatay koofurta dalka taasoo naf ahaanteeda meel ka dhac ku ah beeshaas oo leh deegaan balaaran oo loo yaqaan in ay degan yhiin, waxaase taas ka daran Cabduqaasim oo xaaraan quudashada oday ugu ah beeshiisa kuwa ay isaga darsantay samaanta iyo xumaanta oo eed dusha kaga tuuray G.G.Banaadir,Duqa magaalada Mudisho iyo wasiirkiisi Arrimaha gudaha oo iyaga sabab u ahaayeen soo bixidi dadweynihi faraha badnaa ee DKM ku soo dhoweeyay Stadiya muqdishow isaga oo ku eedaynayo in ay dowladda kala baxsadeen lacag fara badan sidaa darteedna uu ku beddalay rag kale oo isla beelahooda ka soo jeedo isaga oo raggan cusub ka damacsan in ay fuliyaan howshi ay ku fshilmeen raggan uu ku eedeeyay in ay la baxsadeen lacag xukuunmada leedahay, haddaba waa su’aale lacagtan uu sheegay in la dhacay yaa idmay in ay ka baxdo khasnada DKM ama bangiga oo uu madax ka yahay Dr culusow oo ay xigta yihiin Cabduqaasim.jawaabta waa mid aad u sahlan oo waxaa idmay Cabduqaasim isaga oo aan cidna kala tashan waayo lacagta raggan lagu eedeeyay waxaa loo baxshay dadweynihi ay isugu keeneen istaadiyo muqdisho in xaqooda lagu duudsiiyo iyo in Soomaaliweyn lagu marin habaabiyo ee marnana looma bixin dan Soomaliyeed iyo in caasumada lagu qurxiyo toona.

Somaliweyn dhibka ku hab saday waxaa u aasaasa laba arrimood waxaana looga bixi laba gala oo mid saddexaad wehliso.

1)Waxaa u asaasa damac xumo qabiil oo ku salaysan xukun doon iyo dhul balaarsi.

2 )Waxaa kale oo u asaasa shaqsiyeed u soo taagan marin habaabinta ummadda si ay uga badbaadeen helitaanka xukuumad sinaan iyo caddaalad ku dhisan oo sabab u noqoto in maxkamad lagu soo taago dembiyadi ay waddanka horay uga galeen.

1)Tan hore waxaa looga bixi karaa odayaasha dhaqanka,aqoonyahaanka iyowaxgaradka beelaha Soomaaliyeed oo qola waliba dadkeeda ku baraarujiso in ay gobalada ay ka soo jeedaan maamul u samaystaan,kuwooda damaca xun ku jirana ugu yeeraan in ay ku soo noqdaan gobalka dowrna ka qaataan dhisida maamul loo dhiso gobalka ay ka soo jeedaan iyo iyaga oo intaa keddib ka shaqeeyo sidi loo heli lahaa gogol xalaala oo Soomaali isugu timaado waddanka gudihiisa, faragelin shisheeyana ka marantahay.

2)Tan labaadna waxaa looga bixi karaa Soomaali weyn oo talada ilaaheey ula noqoto iyo iyaga oo meel iska dhigo u kala qaybsanaanta danaha guracan ee shaqsiyaadka hortaagan in Soomaali hesho dowlad quman ee xalaala.

Haddii ay xal la,aanta umuuraha soomaalida ku sii jirto is jiid jiid iyo Aniga ayaa iri , SRRC ayaa wadada quman ku taagan iyo DKM ayaa ka saxsan ee ha la taageero, talo faraha ayey ka bixi doontaa waxaana ay ku biya shubanaysaa in isticmaar loo gacan galo(isticmaar alla ha naga badbaadiyo, wadada toosana alla ha na waafajiyo,Amen).

Waxaa saddexeeyo xal u helida ummadda Soomaaliyeed in la helo saraakiil horay uga tirsanaan jiray ciidanka xooga dalka soomaaliyeed(kana madaxbanaan isku dhici danaha damiirlaabayaashi waddankeena fadhiisiyay gogoshan xun) oo isu xilqaamo in ay dhisaan xaraka cusub oo ay ku mideysan yihiin Soomaali weyn isla markaasna ku dhaqaaqdo xoraynta dalka iyo in ay gacanta ku dhigaan awooda dalka u sareyso si ay usoo celiyaan haybaddi ummadda Soomaaliyeed ee lagu tuntay.

08/01/2002

Abdalla Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com