| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

 

  Baaq ay soo saareen USC/SSA(Muddullood)-Sweden-.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 17, 2001
Posted to the Web  09:05 GMT December 17, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Adan Mohamad Ibrahim
adanmohamad@hotmail.com
 

Ujeeddo: Baaq ay soo saareen USC/SSA(Muddullood)-Sweden-

Galabtii axadda 16.12.2001 oo ahayd maalin ciid ah ayaa waxaa shir iskugu yimid xubnaha ururka USC/SSA Muddullood ee deggan magaalada Gothenburg iyo nawaaxigeeda.

Shirkaasi waxaa looga hadlay :

  1. Shirka ka socda Nairobi ee dalka Kenya
  2. Kooxda CARTA oo gobol ay shaqo ku lahayn dad u magaacawday.

-Xubnaha ururka waxay ka munaaqashoodeen shirka ka furmay dalka Kenya ay iskugu tagayaan kooxo Somaali ah oo aanan jirin gobol iyo dad ay matalaan, hormoodna ay ka tahay kooxda CARTA

Intaasi kadib waxaa fikrado la iska dhaafsaday oo la isla gartay in Kooxda CARTA ay ku tahay caqabad hortaagan is-maamul goboleed loo sameeyo gobolka Banadir iyaga oo adeegsanaaya probogaanda iyo laaluush iyo kala qaybinta dadyow walaala ah .

-Xubanaha ururka USC/SSA-Mudullood ee ku nool dalka Sweden waxay ku waafaqeen go`aanka ay qaateen walaalahooda Muddullood ee dalka jooga oo ah in aan laga qayb gelin shirkaasi ka socda Nairobi inta Kooxda CARTA ay sheeganayso dawladnimo aan jirin, iyo inta ay weli hortaagan tahay Is-maamul goboleed madax bannaan in laga sameeyo gobollada dalka.

Waxaa kale oo loogu baaqayaa Kooxda CARTA in ay joojiso fara gelinta arimaha gobolka Banaadir. Haddii qof mas`ul ah xil loo dhiibaayo ama laga qaadayo waxaa hawshaasi iska leh dadyowga u dhashay gobolka Banaadir, iyaga ayaa xulanaaya cidda xilka gobolka u qabanaysa.

Ugu dambayn, xubnaha ururka USC/SSA- Muddulloodka Skandinavia ma diidana in ay Somaali heshiiso, waxaana xalka keliyah ee Somaliya ku heshiin kartaa uu yahay Is-maamul goboleed madax bannaan. 

Somaali ha midowdo, hana guulaysato. 

Xiriiriyaha USC/SSA-Muddullood (Skandinavia)

Adan Mohamed Ibraahim " Oor "

Tel. 004631-154314 Gothenburg-Sweden

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com