Opinion / Fikradaha

ss

 Baaq ay soo saareen Jaaliyadda Muddullood Sweden

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

Janaayo 02, 2002

Posted to the Web    Janaayo 02, 2002

Waxaa Qoray

Adan Mohamed Ibrahim ( Oor )

adanmohamad@hotmail.com 

Ujeeddo: Baaq ay soo saareen Jaaliyadda Muddullood Sweden

Shirkii todobaadlaha ahaa ay iskugu yimaaddeen Jaaliyadda Muddullood ee magaalada

Gothenburg(Sweden) maalintii sabtida 29.12..2001 ayaa waxaa looga hadlay xurgufta dhexmartay dadka walaalaha aha ee ku nool degmada Madina.

Intii shirka socoday ayaa waxaa telefoon lagula xiriiray Dubai, Muqdishu, Kanada iyo Nairobi.

Xubnaha Jaaliyadda ka qayb galay telefonkonferensaha waxay ahaayeen 1.Sh Ismacil Aw-Cali 2. Sh.Cabdiraxmaan Sh.Muxyidiin 3 Sh.Cabdullaahi Cali Maxamad 4.Cabdulkadir Xaaji 5.Ibrahim Maxamad 6. Adan M. Ibrahim iyo xubno kale oo fara badan oo magacooda halkaan lagu soo koobi karin.

Dubai waxaa lagala xiriiray Abdullahi Maxamad Nur ( Shuuci ) oo ka mid ah waxgaradka beesha Muddulood ee deggan Dubai wuxuuna noo Sheegay in la xalliyay khilaafkii soo dhex galay dadka walaalaha ah.

Kadibna Sh.Yusef Macaw oo deggan Mediina ayaa warbixin dheeraad ah naga siiyay sida loogu guulaystay in la xalliyo xurguftaasi.

- Dhammaan Jaaliyadda waxay tacsi u diraayaan eheladii dadkii ku geeriyooday ama waxyeello ka soo gaartay dagaalkaasi.

- Waxaa ammaan iyo bogaadin loo soo jeediyay dhammaan odayaasha iyo waxgaradka beesha Muddullood oo ku guulaystay in ay joojiyaan dagaalka dhex maray dad walaala ahaa oo isku degaan ah.

- Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Muddullodka wadanka gudihiisa jooga in ay khilaafaadkooda ay ku dhameeyaan wada hadal iyo walaaltinimo iyada oo aan cidna soo dhexgelin, gaar ahaan degmada Madina waxaad tihiin asaaska iyo hoyada u halgamayaasha soo dhecinta xuquuqda Muddullood.

- Ugu dambayn waxay Jaaliyaddu ammaan iyo salaan u soo diraysaa Mudane Al-xaaji Muuse Suudi Yalaxow sida xilksnimada iyo dulqaadka lahayd uu u xalliyay khailaafka soo dhex galay dadka walaalaha ah. 

Xiriiriyaha Jaaliyadda Muddullood ee Skandinavia

Adan Mohamed Ibrahim ( Oor )

Telefax 004631-154314 Xafiiska Jaaliyadda Gothenburg

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com