| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Warsaxafeed ay soo saareen Beelaha Harti Abgaal iyo Wacbuudhan ee ka wada tirsan Beesha Muddulood.

1
AllPuntland(NEWS) Kala xiriir editor@allpuntland.com 
November  25, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November  25, 2001
Baydhabo

 

Beelaha Harti-Abgaal iyo Wacbuudhan-Abgaal ee Waqooyiga Ameerika  ayaa shir ku yeeshay magaalada Toronto ugana hadlay dhibaatada ka jirta guud ahaan Soomaaliya oo aan dhammaat lahayn oo soo jiitameysay muddo badan iyo tan gaarka ah ee ku wajahan Beesha Muddullood oo ka soo dareyso, maalin walbo. 

Ayadoo horay loo ogsoonaay raggi ku shiray Carte oo u badna haraagi Maxamed Siyaad Barre ‘Af-weyne’ iyo rag kale ee si gaar ah lagu soo xulay, ayaa maanta lagusoo gunnanaday in Xasan Abshir Faarax majaraha loogu dhiibo Soomaaliya, taaso la micna ah “ADOO XUMAAY XUUN HAKU CUNO”, ayaa ka mid ha erayadi labada Beelood. 

“Waxaa marag ma doonta ah in Siyaasada Cabdiqaasim Salaad Xasan oo mid gurracan ah, waxay ku saleeysantahay dib usoo nooleynta haraagi ‘Afweyne’, soo celinta nidaamki fashilmay ee kala qeybinta iyo isku dirka Beelaha Soomaaliyeed, micnuhuna uu yahay oo ah qeybiyo xukun”, ayeey yiraahdeen labada Beelood. 

“Waxaa hubaal ah in kooxda Carte usoo tafaxeyteen marin habaanbinta ummadda Soomaaliyeed, taasna waxaa caddeynaaya magacaabida Xasan Abshir Faarax “Waraabe” inuu noqdo Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed oo ah ruux aan ku sifeen karno shaqsiyad xumo, iimaandarro, danesti-nimo, qabiil ku adeegasho ahna shaqsi horay dembi uga galay dad badan oo raiyad ah”, ayeey yiraahdeen labada Beelood. 

Waxaa ka mid ahay erayadi labada Beelood, “Waxaan la socona in Xasan Abshir Faarax oo uu dhibaatooyin badan oo dil, xarig, dhac iyo boob ah ka geystay Gobollada Banaadir iyo Shabeellada Dhexe waqtigi uu madaxda ka aha uuna ka warqabo Cabdiqaasim Salaad Xasan oo labadooda ay ka mid ahayeen xukunki xaaraanta aha Maxamed Siyaad Barre  ‘Afweyne’ ee ummadda Soomaaliyeed iska tuurtay, marki ay u adkeysan waayeen caddaadiskiisa”. 

“Waxaa marna la aqbali karin qof ama koox ku sifoowday ku xad-gudubka iyo ku tumashada Xuquuqda Bani’aadamka ha ahaato mid qaraneed, mid gobolleed iyo mid qabiilleed sida Sharciga Caalaamka uu qoraayo in mas’uuliyad dambe uu qabto iska dhaafe, waa in Maxkamad la soo hor-istaajiyo si looga jiseeyo dembiga uu galay, si tusaale ugu noqto jiilka dambe oo loo baahan yahay ineey ka digtoonaadaan, wixi xad-gudub ah”, ayeey yiraahdeen labada Beelood.  

Waxay kaloo labada Beelood sheegeen, “Xasan Abshir  dawarsiga uu kula dhex meereysanaayo qaar ka mid ah siyaasiinta Muddullood, in ay hubaal tahay ineeysan marne ka badbaadin karin la kulankooda dembiyadi waxashnimada aha ama tacdiga uu geystay. Waxaa kale oo aan leenahay in ay u noqon doonin maqaalin ama shabag uu ku jilaabato Muddullood mana uu suurtoobi doonto ineey u gacan qabtaan shacab uu horay u dhibaateey. Haddii dad qaar, sida Cabdiqaasim Salaad Xasan oo waxma garad ah, ay ku riyoonayaan in qof dembiila ah uu mus’uuliyad u noqdo ummad uu dhib u geystay, waa mid la arkay dadkaas ayaga ah”, ayeey yiraahdeen labada Beelood. 

“Dhibaatooyinka Xasan Abshir ma ahin mid la yareeysan karo, mana ahin mid indha laga daboolan doono, wixi dhibaata ah ee soo gaara waxaa ka mas’uul ah. ka Cabdiqaasim Salaad Xasan oo Muddullood looma raacan doono. Inta ka horeysa waxaan diyaar u nahay in aan u doodno dhibanayaashi ilaa heerka ugu sareeyo ee Sharciga  Caalamka qabo, qeybta Xuquudka Bani’aadaamka oo aan u gudbin doono dacwadiisa dhib uu u geystay dadka ku nool Gobollada Banaadir iyo Shabeellada Dhexe”, ayaa ka mid aha erayadi labada Beelood.  

Labada Beelood waxay hadalkoodi ku soo gunanadeen, “Waxaan caddeeyneyna ineey arrintan ku kooban tahay diidmo Xasan Abshir Faarax ‘Waraabe’oo dhibaato u geystay shacabka ku nool Gobollada Banaadir iyo Shabeellada Dhexe asagoo magac dawlad xambaarsan, mas’uuliyadi saarneedna six un ugu tagri falay oo ayna lug ku lahayn caadifo qabiil ama diidmo Majeerteen oo dad Soomaali ah oo walaalnimo iyo xiriir is-ixtiraam ah naga dhexeeyo, ayadoo qolo walbo eeganeyso danaheeda u gaarka ah”. 

Magacyada labada Beelood ee Harti-Abgaal iyo Wacbuudhan-Abgaal oo soo saaray Warsaxafadeedkan ayaa kala ah: 

1. Islaw Abuukar Islaw Maxamuud ‘Ubo’                 11.MaxamedXasanCumar

2.Ugaas Xuseen Xanan Uureey                             12. Abuukar Sh. Cabdullahi

3.Dr. Libaan Cali Mahdi                                        13. Cusman Maxamed Nuur

4. Dr. Cusmaan Cumar Calasow ‘Shoombe’           14. Muuse Cabdulle ‘Jareer’

5. Xaaji Maxamuud Muxidiin Moalim ‘Katimba’         15. Maxamed Abuukar Mahdi

6. Abuukar Moxamed Cusmaan ‘Abuukar Boocow’   16.Dr. Ahmed Maxamed Mahdi

7. Axmed Nuur Basey                                            17. Xuseen Cabdi Samad

8. Maxamed Nuur Cali “General Caano’                   18. Dr. Aadan Xasan Shibis

9. Cabdirizaaq Cumar Maxamed ‘Jiite’                      19. Maxamed Nuur Cali ‘Ditte’

10. Cabdullahi Maxamed Cusmaan ‘Cukaash’           20.  Nuur Rooble

Qoraalkaan waxaa allpuntland soo gaarsiiyay oo lagala xiriirayaa: Aden Mohamed" adenmohamed60@msn.com 

 

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).