ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ssThe opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

 

Warsaxaafadeed

Warsaxaafadeed afhayeenka SRRC ee waqooyiga Maraykanka .

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 23, 2002

Posted to the Web   January 23, 2002

Waxaa Soosaaray Afhayeenka SRRC ee Waqooyiga Maraykanka

Abdibarre Ahmed

jabriil62@hotmail.com

Abdiqaasin oo is fasiray!!

Waxaa wax lala yaabo ah hadalkii ka soo yeeray hogaamiyaha kooxda carta,01-12-02,in uu ahaa hadal macno daro ah oo uu sagu is fasiray,maxaa yeelay,ummadda soomaaliyeed,iyo beesha caalamkuba waa og yihiin,cidda argagixiisada ah,iyo qofka sameeyey, xadgudubka,naxariisdaradda ah.

  1. Marka uu hogaamiyaha kooxda carta uu ku tilmaamay,SRRC waa argagixiiso, muxuu ula jeedaa, maxaase ku kalifay arrintaas?Hadaba wuxuu raadinayaa,in uu ku cimri dheraysta,dhibaatada uu ku hayo,dadka uu dulmiyey,oo uu dhulkoodii,iyo iyo beerohoodii kabarakiciyey,rabana in uu ku abuura, qabaa'ilkiisa oo uu ka soorarayo, dhusamareeb, matabaan, gurceel, dhulka baadiyaha, ah ee omanaha ah, isgao raba in u xoog ku dajiyo dhulkaas, maxaysatada, kooxda carta xooga ku haysato,yaan lala hadlin dulmiga iyo dhibaatada ay ku hayaan dadka,weye,wuxuu larafanayaa,hogaamiyuhu.

  2. Ma wuxuu iska ina saabayaa,falalka argagixiiso ee u kawada,SH/HOOSE/J/HOOSE,iyo inta u dhaxaysa labada wabi.

  3. Ma wuxuu ilaa way,falakii foosha xumaa ee u kasameyey, magaalooyinka, baraawe, buulo-mareer, shalanbood, qoryooley, iyo dhul-beereedka, deganadaas.

  4. Ma wuxuu ilaa wey,diilkii foosha xumaa,ee ay gaysteen, maxaysatada ilaalisa, hogaamiyaha carta dilkii ay ku sameeyeen, Bishii,AUGUST, 2001, laba wiil oya ku dileen xamr, kadaibna Hooyadii dhashay labadaas wiil la xarig ugu dareen..

  5. Ma wuxuu iska indhasaabayaa, dilkaa, dhaca, kufsiga,aan loo kala aabe,yeelin, hooyo, waayel ah iyo ilmo yar toona,oo uu kasamaynayo,magaalada kismaayo, hareereheeda,

Bareer iyo dadbanba waa laguugu sheegay C/Qasimoow, ha is hafrin umadda Soomaaliyeedna ha ku gabood falin. Kuma dooran madaxwaynana umaad tihide. Madaxwayne ay umaddu dooratay oo lagu heshiiyay waxa aad ku dhaqmayso kuma dhaqmeen, mana aad boobteen xoolahooda kuma tagri fasheen sidii guraaga oo kale, uma kala eexateen, qaar kuma doosheen adoo qaar kale adeegsanaya. Mindhaa Umadda Soomaaliyeed iyo jagada Madaxwaynanimadaba macna kale bay C/Qasimoow kuu samaynayaan, ayn u samaynaynin umadda.

Fanaka cawdi billaahiye, ma madaxwayne Soomaaliyeed oo la doortay baa dhaqankaada oo kale la imaan lahaa? Ma sidaada oo kale buu hoos carari lahaa Tuugta lacagaha soo daabacda oo umadda cuna qabateeyay? Ma sidaada oo kale buu ku sheegi lahaa Soomaalida qaar Amxaaro? Miyuusan shacabka soomaalida ka dhigteen aabe, hooyo, walaal, wiil iyo Gabar oo dhalay oo kale?

Madaxwayne soomaaliyeed oo la doortay miyaa himilada Gobolada qaar si bareer ah u hor istaagi lahaa? Madaxwayne Soomaaliyeed oo la doortay miyuusan u daayeen Xamar shacabka daggan iyagu inay doortaan maamulkooda dagmo iyo Gobol? Madaxwayne Soomaaliyeed oo la doortay miyaa qaraabadiisa ku wareejin lahaa ilaha dhaqaalaha wadanka Sida Bangiga dhexe, qaybinta deeqaha?

Isma ogide waxaad ka liidataa kuwa aad ku sheegto warlords, haddiiba ay jiraan. Waxaad hilmaansatahay inaad adigu tahay waxa ku haray warlordnimo, oo mar hore laga gudbay xadkaas.

Hadaba halkaas waxaa kacad dhibaatada u kasamaynayo hogaamiyaha,carta,asago raba in labar-kiciyo,dadkii deegaankaas, daganaa halkaas waxaa ka muuqata in ay kooxda carta,isku bahaysteen, falalka argagixiiso, iyado,ay,gacan ka helayaan uruurka xag jireenka ah ee al-itixaad.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com