Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Aqoonsiga Somaliland aad ayuu Udag yahay!

Posted to the Web  June 11, 2002

WQ.

Said Cade

siduale@yahoo.com 

 

Akhristow somaliland sida dadka qaarkood ay rumaysan yihiin in somaliland ay afka sheeg kula iman karto aqoonsi caalam sida ka muuqata maqaalada ay qoraan dadka jibaysan , tusaale ahaan waxaad ka akhirin karataa web pages ka qaarkood dad qoraya oo aan ku fadhin wax macna ah sida maqaalo lamagc baxay somalilanad lama hor istaagi karo, soomaliland aqoonsi waxba ugama dhina , somaliland waadal hora umaray oo la aqoonsanyahay iyo etc. 

 

Hadal iyo dhamaantii somaliland dal la oqoonsado waa kafog yahay, waxaa calamku ka warqabaa in dad isku xiran oo goosashoraba inaanay jirin , sababtoo ah resolutions united nations ka dajiyay waxaa asal u ahaa in laga fiirsado aqoonsiga iyadoo latex galinayo rabitaanka dadka kunool musatacmaridii Britain, sidoo kale in la afti looga qaado dowlada koonfureed ee dhalata marka ugu horaysa , hadaba shaqaala faraban oo u dhashay degaanadaas oo UN ka shaqeeynayay ayaa ku cadaadiayay Butrusqaali oo ahaa UN secretary general wakhtiyadii ay bilaabatay gooni isutaaga, in uu ukuuragalo arinta kadibna go’aamo soo hordhigo security council, waxaa caalamku ku heshiiyay inay soomaliya aan marnaba lakala qaybinkarin iyadoo lagu salaynayo sida ay udiidan yihiin rag iyag wakiilo ka ahaa dadka kasoo horjeeda in dibloogu noqdo.

 

Somaliland wixii la isku oran jiray , tusaale ahaan beelaha daarood iyo kuwa dir ee kunool waqooyiga soomaliya , daarood waxaa uu arkayaa gooni isutaaga somaliland inay tahay hab lagukala jarjarayo awoodooda , waxayna ka midaysan yihiin inaan soomaaliland marnaba aqoonsi kahelin caalamka iyagoo u tusaaleeyay inay yihiin beesha ugu dhulka balaaran waqooyiga soomaaliaya , hadaba maamulka Puntland ayaa isaguna kulaba qabsaday katalinta dhulkii musatacmarada taasoo sii fogaysay aqoonsi laga yaabilahaa inuu kasuuroobo wadama qaarkood Sida Ethiopia iyo Britain , hadaba hadalakayga waxaan ku soo gabagabeenayaa in aqoonsi marnaba aanuu suuragalaynin. 

 

Yours 

Bro. Said ibraahim


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.