Opinion / Fikradaha

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.
ss

JAWAAB LOO CELINAYO Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha ee DKMG ah EE Carta MAXAMUUD CALI XASAN.

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

December 27, 2001

Posted to the Web  00:18 GMT December 28, 2001

Waxaa Qoray

Cumar Siidow 

shangamas@yahoo.com 

sss

Waxaan  waraaqdan uga jawaabayaa wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha waraaq uu ku daabacay allpuntland December 27, 2001. oo uu sheegay in habargidir ay mar hore dagtay sh/hoose waa jiraan dad yar oo habargidir ah oo daganeyd sh/hoose waana la yaqaanay dadkaasi waa dad aad u yaraa oo latiri karo oo habargidir kaliya ma ahayn oo qabiilo kale ayaa daganeyd laakiin ma aanan maqlin ayaga oo sheeganaya ama rabo in ay  maamulaan meel ay sedex cid ama afar cid ay kaga degan yihiin.

Haddii aanu nahay soomali ma aanu ka faa’idaysano qaladaadka horey u dhacay waayo waxaa jiray beelo u malaynayay in ay ayaga ugu xoog weyn yihiin oo maamuli karo wadan oo dhan oo ay xoog ku maamuli karaan ilaa iyo waqtigan aanu joogno waad aragtaan xaalada aanu ku wada jirno soomaali oo dhan. Ma jirto mana jiri doonto haba yaraatee qabiil wax ka qaadi karo qabiil kale ama dhameen karo ama bari kicin karo qofkii umalaynaayo in uu dhac iyo been iyo techniko wax ku qaadaayo waa qof jaahil ah oo meel dheer wax ka arkaynin.

Waxaa is weydiin leh oo loogu baahan yahay in uu ka jawaabo wasiir ku xigeenka Maxamuud cali hassan iyo dadka kale oo la midka ah habargidir wey degentahay gaalkacyo iyo baydhabo oo maxay u sheegan waysay waxaan maqli jiray ( MASKIIN BAA MISKO LA FUULO LEH) ee hala aado dadka technikada leh ee hala iska daayo maskiinta la dhacayo iyo xaaraanta la iska dherjinayo waqtiga aduunka la joogayo waa ay iska yartahay ee illaahaay halaga baqo marka aan dhahay arayga ah illaahay ha laga baqo anaa isla yaabay oo qof  provisionkiisa ah dil iyo dhac muxuu ilaahay ka og yahay.

Halkan ayaan uga baxay arintan.

Waxaan illaahay ka baryeenaa in illaahay dajiyo bulshada soomaaliyeed oo dhan.

In illaahay badbaadiyo hooyooyinka iyo caruurta ku dhibtoonayo qurbaha.

In allaahay naga qabto warlordka oo dhan kuli kan dawladnimada sheeganayo iyo kuwa kale oo dhan.

GOD BLESS SOOMAALIYA.

Dr: Ali Tunni (Shangamas). shangamas@yahoo.com 

Warka iyo aragtida Maqaalkaas la xiriira:

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo inay tahay ama ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 
 

Bravenet.com