ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Wargeyska Ayaamaha oo lagu wado in Dacwo Lid ku ah lagu qaado.

Posted to the Web   March 30, 2002

WQ

Ahmed Abaaji

abaaji1@hotmail.com



Abaaji: Maarso 29, 2002


Warar aanu aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in la qorshaynayo in dacwo lagu soo oogo Wargeyska Ayaamaha kadib markii uu soo saaray Maqaal hore uu u qoray Dr. Cabdi Maxamed Culusow, iyadoo ujeeddadu tahay in wax loogu dhimo sharafta Dr.Culusow. Waxaa la sheegayaa in Maamulka Wargeyska Ayaamaha u isticmaalay siyaasad soo saaridda Maqaal waqtigan oo Dr.Culusow loo magacaabay af-ahyeenka Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.


Waxaa la sheegayaa inay dhammaatay la tashiyadii lala lahaa (lawyers), isla markaasna laysku duway qodobbada ku saabsan qawaaniinta saxaafadda ee ay jebiyeen, loona diyaargaroobayo dagaal xagga sharciga ah oo lagu wajaho Ayaamaha. Haddii ay taasi dhacdana waxay noqon doontaa dharbaaxadii ku dhacda mid ka mid saxaafadda Soomaalida oo aanay jirin meel laga xakameeyo.


Sida la caddeeyey AYAAMUHU waxay u adeegsadeen hawshooda suxufinimo mid loogu adeegay dawladda Carta, sidaas waxaa yiri mid ka mid ah taageerayaasha Dr. Culusow kadib markii ay la tashi la soo yeesheen sharci-yaqaannadooda.
Maamulka Abaaji

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.