| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

WAJIGA QARSOON EE AL-BARAKAAT!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  13, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 13, 2001
.k

Waxaa Qoray

Abdulrazak Osman Dirie

bakool55@hotmail.com

Akhri sidoo kale qoraalada la xiriira Qormadaan.

Dad Somalli ah oo kala duwan ayaan waxaan weeydiiyey goortii ugu
horeeysay ee ay maqlaan AL-BARAKAAT ?
Dhamaantood waxay isku raaceen in ay maqleen dagaalkii sokeeye ka
dib. Marka shirkadatan magaca weyn ee barakada badan waxaan  oo dhan
xaggee bay ka keentay?????????


Nin la yiraahdo Mr. Ahmed  Cali oo ka mid ahaa shaqaalaha hoose
ee Bankiga Islaamka ayaa aasaasay A.B ka dib bilawgii dagaalkii
sokeeye . Ninkaas wuxuu ka tegay shaqadii Bankiga bilawgii
sideetamaadkii wuxuuna xawaaladda Sucuudiga u qaban jiray niman
shirko ahaa oo la kala dhihi jiray Xashi Weheliye iyo Kamaaludiin.
Bilawgii shagaashanaadkii  shirkad kale ayaa kaga horeeysay xagga
xawaaladda sida Dhiigshiil, lakiin mudddo yar gudahood A.B waxay
si xowli ah uga hor martay shirkadihii kale.Arrintaasna waxay ku
timid shirkadda oo maamulkeedu uu wanaagsanaa iyo iyadoo heshay
maalgelin khaasatan intii ka dambeysay dagaalkii Caydiid iyo
Mareykanka ee uu Usaama uu cadeeyey in uu ka qeybgalay.
!995, waxay jariidadda la yiraahdo Economist ay qortay A.B
warbixintii Washington oo kaale. Intaan maqaalkaan  aan soo
qorinna waxaan isku dayey in aan warbixintaas aan raadiyo lakiin
waa ay ii suurtoobiweeysay.


Isla sanadkaasna , Mr. ahmed oo ah ninka dhanka somalida ugu hantida
badan ee AL-BARAKAAT ayaa damcay in uu  tir tiro raad raaca
maalgelinta A.B meesha ay ka timid iyo lugta uu ku leeyahay
Usaama. Sidaas darteed, wuxuu shirkadda ka dhigay mid saamileey ah
isagoo inta ugu  badan heysanaya iyo maamulkeeda oo aan looga daba
hadli karin. Arrintaas fulinteedana waxaa caawiyey nin ay isku reer
yihiin oo Holland wax ka bartay oo u keenay A.B firkadda Telefoonada
oo awoodeeda si aad ah Somaliya oo dhan ay ku faaftay.


Wakhtigaas iyada ah, qof aan saaxiib nahay ayaa rabay in uu saamiyo
uu ka iibsado A.B, aniguse waxaan soo xasuusiyey warbixintii The
Economist laakin saaxiibkey fikradeyda wuu diiday.11ka Seb.2001 ka
ayaa saxiibkey mar kale wuxuu ii sheegay in sheerarkii uu ka gatay
A.B uu aad uga faaíidey. Nasiib darro, qaraxii Mareykanka ka dib
ayuu telefon ii soo soo diray ee uu iigu sheegayo in uu ku qaldana
taladeyda uu diiday iyo in ay qalad aheyd in A.B uu wax ku darsado.
Haatanna, Somalida uu qeylineysa A.B marka laga reebo reerka iska
leh iyo Usama waa kuwa la mid ah saxiibkeyga xisaabtu ka qaldantay.
Guud ahaan Somalidu waxay iska dhigaan dad wadani , waxaanse
xasuusinayaa in qofka wadaniga ah uusan reerkiisa ku taageerin
qaladka  iyo heysashada dhulka reero kale ay leeyihiin sida
AL-BARAKAAT. A.B waxay iska dhigaan dad muslimiin dhab ah inay
yihiin isla markiina waa casabiyiin, casabiyana ma aha muslin-nimo!
Nin lagu tilmmao in uu ahaa aabaha taariikhda aduunka oo la oran
jiray Inb Khaldun ayaa wuxuu yiri in xukunka muslinka ah aa ee aan
caadilka aheyn uu dhaamo xukunka gaalada ee caadilka ah!
Sidoo kale, nin Somali ahna wuxuu yiri  :-
" MUSLIN-NIMO NINKAAN KUGULA SOCON
  MUUMIN-NIMO KHAAS AH ,
  GAAL MAXASTA KUU DHOWRA EE AAD MAGANSATAA DHAAMA".

Qoraalkaan kala Xiriir:

Abdulrazak Osman dirie" 

< bakool55@hotmail.com >

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

 

Related News:

Waraysi Madaxa Sharikada Al-Barakaad xafiiskeeda Muqdisho Cabaas... dad badan oo Soomaali ah ayaa jecel in nin shaqeysanaya hadey arkaan in ay ka maseyraan in Illaahay dabada u rogo jecel sida aan Dowladda dabada ugu rogeyno, sida aanan rabin in aan dowlad u helno... Akhri halkan  Posted to the AllPuntland November 12, 2001

Al-Qaida/Al-Barakaat connection... Posted to the AllPuntland November 12, 2001

Somalis protest U.S. raid, store's closure...| Seattle Post-Intelligencer | Saturday, November 10, 2001

Maamulaha Barakaat oo beeniyey in shirkaddiisu xiriir la leedahay Bin Laadin... Posted to the AllPuntland November 09, 2001

Al-Barakaat oo lacageheedii la Xayiray... Posted to the AllPuntland November 08, 2001

A list of the 62 individuals and organizations covered in Wednesday's action ... Posted to the AllPuntland November 08, 2001

EXECUTIVE ORDER 13224 - BLOCKING PROPERTY AND PROHIBITING TRANSACTIONS WITH PERSONS WHO COMMIT, THREATEN TO COMMIT, OR SUPPORT TERRORISM... |Treasury Department Web site | Posted to the AllPuntland November 08, 2001

Jawaabta Isay Ma tahay Mid Sax ah. Jawaab celin Maqaalkii Axmed M.Max'ud (ISAY) ee ahaa Al-Barakad Waa Soomaali Samatabixiso ee isna daba socday maqaaladii ASSIYAASA . Saddexda xaraf ee magacaasi ka koobnaa waxay noqdeen kuwo caan ka noqday Muqdisho iyo meelo badan oo Somaliya ka mid ah waxayna Somalida oo markaas ay dulsaarnayd dhaqaale xumo ku macneeyeen saddexdii xaraf  ee NBC ereyadaan Nacaskii Bankiga Cunay...Akhri Maqaalka oo dhan|Axmad Jimcaale Cawooleey| Posted to the AllPuntland Seb. 11, 2001

Al-Barakad Waa Soomaali Samatabixiso. Jawaab Celin Maqaalkii Assiiyasa Ee ka Hadlayay Sharikada AL-Barakaat. .|AXMED MAXAMED MAXAMUUD(ISAY)| Posted to the AllPuntland.com Seb. 10, 2001

Assiyaasa.ILEYN (AL-BARAKAAT) FALLAARI GILGILASHO KAAGAMA HARTO Posted to the AllPuntland Seb. 12, 2001

Wargayska ASSIYAASA. Maxay shirkadda Al-barakaat uga qeyb gashay qabsashadii hoggaamiye kooxeedka beesha Ceyr ee Kismayo 7/8/2001 Posted to the AllPuntland Seb. 09, 2001


 

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).