ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

CARTE OO NAIROBI KU SHEEGAN DOONTA IN AY PUNTLAND AY XUKUNTO!

Posted to the Web  June 26, 2002

WQ

Abdulrazak Osman dirie" 

bakool55@hotmail.com  

Dadka daawaday cajaladaha shirkii lugooyo ee carte waxay aad ula yaabeen xishood laáanta qaban-qaabiyaasha shirkaas oo goob joogayaasha si xamaasad aan qalbiga jirin ugu sheegaya in shirka ay soo galayaan raggii ka soo lugeeyay Puntland! Raggaasna waxay ahaayeen Gen. Abshir, King Kong, Jaamac Cali Jaamac iyo kuwo kale oo muddo fog dibad joog ku ahaa wadamo kala duwan iyagoo qaxooti ah!! 

Intii uu shirkaas socday ayaa waxaa is qabtay King Kong iyo Jaamac sabatoo ah King Kong oo isku heysta in Jaamac uusan ka daba hadli karin mar hadduu la dhashay Boqor Moxamuud.

Arrintaas iyada ahna waxay keentay in Jaamac uu shirkaas ka soo caroodo, Londona uu dadka uu ugu wada sheegay in Carte dan ugu jirta reer Puntland ayan jirin intaasna raaciyey in Cabdullahi wax noo dhaamana ayan jirin. 

Marka iyadoo mowqifkaas reer London ay ku barteen ayaa hal mar hadana waxay maqleen ninkii oo leh hadana waxaan isku taagayaa doorashada madaxweynenimada PL.

Dadkiina waxaaba ka sii yaabiyey isagoo Cartadii uu dadka horay ugu digay leh waan taageersanahay maxaa yeelay sida ku cad xisaab xirkii Cali Khaliif Galeyr oo meel walba laga heli karo ayaa waxaa ku qoran in tikidka uu Jaamac ku soo dhoofay ay bixisay Carte!!!

Haddaba, baaqa iyo heshiiska Jaamac wuxuu dadka reer PL si tiiraanyo iyo ciilba leh u soo xusuusin doonaa dhibkii iyo dibin-daabyadii horay u dhacay sida:- 

1- In burburinta PL lala soo beegsaday xilligii ciidamada degaankooda Kismayo laga soo saaray ay rabeen in ay dib ugu noqdaan. 

2- In la rabay in walaalaha ku bahoobay PL ay Carte dartiis ay isku dilaan iyagoo ku shaqeysanaya calooshood u shaqeystayaal reer PL. 

3- In hantidii dhexyaalka aheyd ee la dhacay in qaarkeedna la siiyey nin tamashle ku tegay Bosaso oo la yiraahdo Dr.Bood iyo iyadoo intii kalena lagu camiray dukaankiisa Wembley ee London.

4- Magac-xumadii soo gaartay intii jahawareerku jiray. 

5- A/qasim oo ka yiri bosaso waxaa ii jooga Jaamac. 

6- Intii uu isku dhaca laga baqayey ayaa A/qasim waxaa la weeydiiyey waxa uu qabtay , wuxuuna ku jawaabay 'Puntland ayaan burburiyey'.

 7- Heshiiska riyada ah ee Jaamac iyo A/qasim oo noqonaya aaskii rajada danystayaasha PL ee mustaqbalka. 

Si kastaba ha ahaatee ninka horay damiirkiisa u iibsaday danna ka laheyn Kismayo iyo degaanada kale ee xoogga lagu heysto oo intaba cadaaladda, wadaninimada iyo muslinnimadaba ka fog waxaa hubaal ah in isaga iyo kuwa soo dirsadayba ay ka geli doonaan baal madoow taariikhda,heshiiskoodana uu yahay bar kuma taal. 

Waxaa qoray:- 

A.O.Dirie


 

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.