| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

BAAQII ISSIMADA BARI IYO BOSASO.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 09, 2001
Posted to the Web  December 10, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Abdulrazak Osman dirie

bakool55@hotmail.com 

Gobolka Bari iyo Sanaag waa  goobaha ugu taariikhda weyn dalka Somaliya, waxeyna lahaayeen magaalooyin boqolaal sano jira oo ay ka mid ahaayeen Qaw iyo kuwo kaleba. Qaarkoodna waxaa weeraray nin uu dhalay dhul-mareenkii Burtoqiiska ee Faasko Dagaama.
Sababta uu u weerarayna waxay aheyd iyadoo Hartgu uu ka mid ahaa ciidamadii u hiiliyey Axmed Gureey sida ku qoran buug la yiraahdo 'Futuux Al-xabash'oo af carabi lagu qoray wakhtigaas.
Futuux Al-Xabash wuxuu kaloo sheegayaa in Hartigu uu ciidan xooggan Axmed Gureey uga soo diray Xiis iyo Meedh oo hadda ka tirsan gobolka Sanaag.
Magaalada Bosasana waxay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee PL maxaa yeealay waa meel qabaaílka PL badankiis uu degan yahay mana aha sida Garoowe, Laascanood, Baran iyo Gaalkacyo.

Goortii Issimada tirada yareyd iyo kooxdii Carte soo dirsaday ay diideen goáankii Issimada tirada badan ayaa waxaa baaq soo saaray 12 Issim oo reer Bari ah oo soo jeediyey in deg deg maamulkii jiray loo soo celiyo.

Marka maanta kubaddu waxay taallaa dhanka Issimada reer Bari iyo wax-garadkooda sidii ay u soo dedejin lahaayeen dib u soo celinta Maamulka oo ay ka hartay oo keli ah Bosaso iyagoo eegaya arrimaha aan halkaan ka soo sheegi doono :-

1- Iyadoo talladoodii uu ciidnaka PL uu fuliyey.


2- Iyadoo Cadawga oo doonayey in dagaal qabiil uu dhex maro dadka    walaalaha ah ee PL oo aan dhicin.


3- Iyagoo xasuusan hantii shaqaalaha oo la dhacay iyo magac-xumadii    naga soo gaartay intuu burburku jiray.


4- Iyagoo muujinaaya in qadiyadda Kismayo aan la iibsan karin.


5- Iyagoo cadeynaya in PL la beecinn karin, A/qasimka guryaha iyo    degaanda Somaliyeed xoogga ku heystana la hoos keeni karin.


6- Iyagoo ogsoon cabsida soo wajahday kuwa xaqdarida ka wada             Kismayo iyo meelo kaleba , doonayana in loo hiiliyo kuwa dhulkooda    xoreeynaya.


7- Iyadoo xaalka Bosaso ay ku sugan tahay ay u sahleyso in si dhib   yar maamulka loogu  soo celin karo mar haddii iyadiiba leysku    heysto.

Ugu dambeyntii, iyagoo muujinaaya dareenkooda dhalashada, dhaqanka iyo cadaaladaba in aan la beecin karin iyo iyagoo ku xurmeenaya Allaha u naxariistee Ugaas Yaasin oo Carte intuu noolaaba diiday.


Waxaana hubaa in 12ka Issim ee reer Bari ay Baaqoodii si dhaqso ah uga fulin doonaan hoygooda mar haddi kuwii kale talladood ay raaceen!

Waxaa qoray :- A.O.Dirie

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com