ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

ss

 A/QASIM MIYAA XUKUMA BANDER QASIM?  

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

January 07, 2002

Posted to the Web   January 07, 2002

Waxaa Qoray

Abdulrazak Osman Dirie"

bakool55@hotmail.com  

BBC.MONITOR-05/01/02- Waxay qortay in nin u hadlay Carte uu sheegay  in dawladda KMG ah ay mucaaradka ka difaaci doonto in ay qabsadaan  Bosaso. Sidoo kale, ayaa Mudane Xasan Abshir waxaa isagana ka soo  yeeray in la rabo in Bosaso la qabsado si ay ugu gogol-xaarto in la  qabsado meelaha laga taageersan yahay Carte illaa iyo Xamar.

Marka waxaa isweeydiin mudan bal tolloow yaa A/qasim u difaacaya  Bander Qasim?

Waxaan u maleeynayaa in ay arrintaas aadka u culus ay isku dayi  doonaan daneystayaashii Carte ka qaybgalay sida :-

  1. J.A.Jaamac ee haatan xukumiba-la' Bosaso uuna Madaxweynaha uu u     yahay A/qasimka Kismayo iyo dhul kaleba xoogga ku heysta.

  2. Nin uu Siyad Bare u magacaabay Suldaanimo si reer Nugaal loo kala     qeybiyo xilligii SSDF, horayna u inkiray in reerka A/qasim ay     Kismayo heystaan. Ninkaas isaga ahna oo ayaamahanba u dallacay qabqable dagaal!

  3. Haraagii Itihaad ee PL  oo uu madax u yahay ninka A/qasim isxigaan     oo la yiraahdo Xasan Dahir Aweys oo hadda Wantedka u ah U.SA.

Waxaase hubaal ah in reer PL uusan xukumin A/qasimka xaq-darida wada,  reer Puntlandana ay soo dhoweyn doonaan wax kasta oo lagu xoreynayo  Kismayo iyo meelaha kale ee xoogga lagu heysto sida waxyaabaha hadda  ka socda Bosaso ay tilmaanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, reer Baydhabo ayaa waxay ku maahmaahaan,  " LAN KAAGOOW (Shimbir baqtiga cuna) HOR DAREERSHEY NOQODI BAKHTI  CUNAAW MA HURAAW ".

Sidaas darteedna waxaa hubaal ah A/qasim iyo kuwa uu hormoodka u  yahayba in aakhirataanka bakhtiga la cunsiin doono maxaa yeelay - 

Al-xaqu yaclaa walaa yuclaa caleehi.....

A.O.Dirie
 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com