| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

DOOLARKU WAA DILAAGA DAREENKA!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  29, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 29, 2001
.k

Waxaa Qoray

Abdulrazak Osman Dirie  bakool55@hotmail.com 

 

Suldaan Garaase ayaa wuxuu ka shaaciyey BBCda in shirkii canjeel talo
waa ee Garowe uu ahaa mid dadkoo idil ay ka wada qayb galeen isagoo
dhiilo dagaalna meesha ka muujiyey!
Somalidu waxay tiraahdaa,"Xal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho",
Jawaabtuna waa :- MAYA,...MAYA,...& MAYA.
Marka hore waxaan rabaa in in akhristayaasha u iftiimiyo taariikhda
soo jireenka ah ee Maxamud Saleebeen anigoo  raali-gelinaaya beelaha  kale ee aanan soo qaadin:- 

Nin Faransiis ah oo la oran jiray Julian ayaa boqasho ku yimid
cariga Somaliya intii ka horeysay xilligii gumeysiga, wuxuuna
wareystay Boqor Cisman.Boqor Cisman wuxuu ku cadeeyey buug uu ninkaas
qoray oo la yiraahdo Documents in Boqortooyadiisa ay soo taxneyd
muddo dhan 17 fac. Marka isaga lagu daro iyo Boqor Muse + Boqor
Maxamuudna tiraduudu waa 20.
Haddaan dib ugu noqono bilawgeediinii, Saleebaan Maxamed waxaa ugu
curadsanaa Cisman, sidaas ayuuna ku noqday kan  ka mudansan labada
kaale ee Cumar iyo Ciise, wuxuuna noqday Boqor. Cumarna wuxuu ka
curadsanaa Ciise laakin darajo dheeraad ah kuma helin ee labaduba
waxay heleen Islaannimo oo u dhiganta amiirnimo.
Boqortooyadan oo dadka wax qora ay ku tilmaameen in ay aheyd mid
awooddeedu ay xadidan tahay ( constitutional monarchy ), ayaa ka
garaneysa  boqorku in uusan laheeyn goáan balse uu leeyahay guddoon.
Intuu dhaqankaas soo socday, isbedello ku yimid ayaa jirtay sida
Keenadiid oo iskii saldanad uga sameystay Hobyo.
Waxaa kaloo isbedel ku yimid Islaannimada Cumar Maxamud oo iyaduna
u wareegtay Mahad farah maxaa yeelay Islaankii ka horeeyey oo
walaalkii ahaa ayaa dagaal badni awgeed islaannimadii looga
xayuubiyey.


Iskudaygii isbedelka isalaannimadana waxaa sameeyey Maxamed Siyaad
iagoo fulinaaya siyaasadiisii aheyd qeybi oo xukun, wuxuuna nin u     magacaabay islaannimada Cumar Maxamud, markay u soconweydana wuxuu
sheegtay Garaadnimo. Sidoo kale ayuuna Ciise Maxamudna  wuxuu
suldaan u magacaabay ninka la yiraahdo Saciid Garaase.
Dhacdooyinka maanta haddaan dib ugu laabto, waxaan  la soconaa in     shirkii ugu horeeyey ee Garoowe ay Issimadii badidoodii ay dawladda
kordhiskeedii ku waafaqeen iyadoo shir guddoomiye ka yahay Islan
Moxamed.

Talada Issimada tirada badan waxaa ku duceeyey Issimka ugu mudnaanta badan Daroodka oo ah Boqor Maxamud.Waxaana si bareer ah u taageeray Ciidamda iyo shaqaalahaba.   

Intaas waxaa ka dambeysay kuwii Carte oo tiro yar oo Dolar
badan wata oo cadawgeennu siiyey sida ku cadeed Baaaqii Cisman     Maxamud ayaa waxaa ay diideen goáankii loo dhamaa iyagoo adeegsanaya
Issimo soo jireen ah oo far ku tiris ah ! Si arrintaas aad u garatid
waxaa soo qaadataa baaqyada soo socda:-


1- Baaqii 19ka Issim oo Yusuf X. ku simaha ka dhigay waxaa ku jira
   kuwo waligood issim noqon iyo kuwo dhashay dagaalkii ka dib!-   2- Baaqi 12ka Issim ee Bari ay ku baaqeen dhaqso u  soo celinta
   maamulkii  jiray iyo issimado sheeegay in ayan siyaasiyiin aheyn.  3- Baaqi Issimada Sool, Sanaag, Bari iyo Muddug.


   Markaad intaas akhrisid, iska tuurtidna kuwa aabahood Issim ahaan
   jirin sida  , waxaad ugaaneysaa waxa uu ku hadlay ninkaas
   anoo ka xun in  ay yihiin been abuur sababtuna gadaal baad ka
   ogaan doontaan.Xataa haddaad 19 ka ay sheegteen aad u xisaabisid
   waxaa hubaal in ka badan labo jibaar badan in ay dawladdu
   taageertay.


Goortay ciidanku oo harayba dawladda u taageeray ay  fulinayeen
rabitaanka inta tirada badan, kana soo horjeeda kuwa la soo kireystay
oo horey u soo iibsaday qadiyadii Kismayo oo  walina raba in ay PL
ay hoos geeyaan kuwii hantideenii, degaankeeniiba heystay ayey
waxay bilaabeen dib u soo celintii kala dambeynta.
Waxaa jirta in reer PL ay isku arkaan dad Somalida  kale ka sareeya
fikriyan, laakin kuwa dareenkoodii dhalasho, dhaqan iyo cadaaladuba
dhinteen ayaa ka dambeeyey waxyaabaha xun ee dhacay sida  kuwa Carte  uga ol-oleenaya  PL ee magacyada kala duwan wata sida raggan :


1- Jaamac Cali Jaamac oo dadkii kaga yaabiyey isagoo mar walba
   sheegayey in uu taageersan yahay Carte isagoo jooga PL!


2- Cali khalif Galeyr oo ku faanayey intii aan la ceyrin in uu
   masúul ka yahay burburinta PL. Waxaana ogsoonahay in Garaad
   Abdiqani oo kuwii Carte tagey ah uu ku jiro kuwii wax burburiyey!


3- Xasan Abshir  ( akhri maqaal kan ka horeeyey )


4- Abdullahi B. Musse - Wuxuu ka soo jeedaa reerka mudnaanta badan
   ee aan horay u soo magacaabay . Haddii maahmaahda ah ,"SHIIKH,
   SHIIKH MA DHALANA" ay sax tahay -  bal Abdullahi B. Musse dhugo!
   Isagu waaba shakhsi kaba duwan Xasan maxaa yeelay ciidanka
   reekiisii ee Kismayo waa tuu ku tilmaamay amxaaro, haddana kuwii
   PL ayuu sidaas ku yiri.Intaas waxaa ka sii daran, nin cadowgoodii
   ciidankiisii leh anaa ku xumaa soo maaha nin taariikhda galay.        Marka haddaan ninkaan  ku tilmaamo nin tilmmaamo nin tolloobay
   miyaan qaldamay, jawaabtu xaggeyga waa - MAYA!                    

5- Suldaan Garaase - Waa issmada xaraaga ah ee Siyaad Bare sida aan
   horeyba idiinkugu soo sheegay. Taasna waxaa markhaati u ah
   isagoo reer Carte ah ayuu diideyna taladii nabadoonada Abukar
   Ciise. Hadda goortay ciidamada hawlghalkoodu bilaabeen ayaa Islaan
   Maxamed oo garowsaday wixii la soo maray ayaa reer Garoowe wuxuu
   kala hadlay barxadda ku taalla magaalada wuxuuna yir,'Dadka beenta
   iga fidiyow waa idin habaaray ma anaa dagal wada ee ciidankeennii
   baa ammaanka sugay'. Hadda ka hor ayaan waxaan la kulanay anagoo
   dad badan ah Ugaas Yasiin oo runtii ahaa Issim aad u xurmo iyo
   cilmi badan oo markaas joogay Yurub. Dadkiibaa Ugaasku waxay ku
   ammaaneen sida uu nabadda uga shaqeeyey, Ugaasku wuxuu nogu
   jawaabay,anagu ciidan ammar noo fuliya ma lihin ee maandhow waan
   kuu duceynayaa baan wax ku qabanaa'. Marka beenta  iyo dhiilada
   dagaalka ee aan jirin waa sababaha aad ku garaneyso in uusanba
   aheyn Issim soo jireen ah iyadoo waliba BBCda iyo warbaahinta
   Carte ee PL  iyo Somaliyaba ay noogu sheegaan in uu yahay Islaanka
   labaad ee ugu awoodda weyn Puntland! ( Akhri maqaal arrinakan
   ku saabsan ee uu qoray nin ka mid ah siyaasiyiinka reer Nugaal
   oo la yiraahdo A/rahman M. Faroole-28-11-2001 )
Gunaanad:- Nin la yiraahdo Laitin ayaa wuxuu wax ka qoray buug la
   yiraahdo , 'A nation in search of a state ' oo Somalia ku saabsan.
   Buuggaas oo la qoray xilligii SSDF ayaa wuxuu ku dhaleeceeyey
   maxamud Saleebaanku in ay rabaan in ay keligood Somalia xukumaan!
   Aniguna halkan waxaan ka leeyahay:-
   "Mr. Laiton,
   Sorry,
   Kuwaad wax ku tuhmeysay oo maantana meeshaad ku ogeyd ka awood
   badan, kana tirsan Puntland ayaa reer PL guryahoodii iyo    degaankoodiiba xoog lagu heystaa. Kuwii wax soo dhicin lahaana
   Illaheey wuxuu ku saladay kuwo dareenkoodii dhalasho, dhaqan,
   iyo cadaaladba uu DOOLARKU  uu dilay   oo ay  reer  Beledweyne
   yiraahdaan beesadii badaheysay!"

   A.O.Dirie




Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

 


 

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).