| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  Masiibada Diinta Ku Gabata.

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 09, 2001
Posted to the Web  18: 20 GMT December 10, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Abdullahi Mohamud 

allaam@hotmail.com 

Maalmahan dambe ayaa dad faro badani waxey hadal hayaan in laga yaabo in dagaal lagu qaado Soomalia kaasoo lagaga hortagayao argagaxisada lagu tilmaamo iney ka jiraan soomaaliya. Waxaa wax badan ka qoray jaraaidyada caalmaka, wararkaas oo ilaa iyo hada aan ka soo yeerin Dowladaha lagu tuhunsan yahey iney ku lug lahaan doonaan.

Hadaba waxa igu dhaliyey inaan in yar ka iraahdo arinkaa ayaa waxey aheyd in  websiteka layiraahdo deyniile oo ey qoraan Xassan Bariise iyo Diinaari oo labudaba ah afhayeenada Abdi qaasim eey si gabasho la'aana isgu dayaan iney u raadiyaan dareen wadadaninimo dadka dambiyada aan la xisaabin karin kagaley dalka oo maanta mar kale duul ilaah usoo direy iney ka badbaadiyaan dhibaatada eey ku hayaan dan yarta umada Soomaaliyeed. Waxaan rajeyndoonaa haddii eey noqotoba wax cad oo ciidamo shisheeye dalka yimaadan in dadka masaakiinta ah ee dhiban eey gacantooda isaga qaban doonaan kuwa dulumka wada.

Soomaaliya waa ka jiraan ururo argagaxiso ah, ma jecli inaan ku tilmaamo wax diina ah, balse waxey su'aashu tahey magacyada raga liiska Mareykanka ugu jiro ma yihiin kuwa Soomaalinimada ka go'an mise waa Mooryaan? Jawaabta waa Mooryaan. 

Haddii aan ka hadalno qaar kamida iyadoo aan la soo koobi karin
lagana yaabo iney noqdaan qabiil kaamila ah ayaanse qaar ka xusayaa.

Sheydaan xassan daahir aweys, oo ku diley dad ilaa iyo kor u dhaafayo labo kun gobolada bari ee Soomaliya, sodomeyo kun Muqdisho, kumanaan kale Marka, Gedona uu ku soo hogaanshey ciidamada Dowlada Itoobiya mayahey nin muwaadina. 

Marka ayuu waxuu kasameeyey maxkamda islaami ah oo gumaado
masaakiinta laga tiro badan yahey, waxaa maxkamada wax garsooraa mooryaanta beesha Ceyr, hadaba diinta ina daahir aweys matahey mid waafaqsan wadadi toosneed nabigeena(SCW) oo inasoo gaarsiiyey. Suaasha isweydiinta mudan waxey tahey maxa xasan daahir ku haya xamar, marka iwm oo aan wax diina isaga uga baahneeyn xaqiiqduse tahey in diinta loo sheego kuwa guryahoodii
eey kasoo hayaansheen balse waxaan rajeyn doonaa inuu ku uri doono xabsiyada Mareykanka ama maar eey haleeli doonto.

Albarakaat oo ah meesha lacagata leesugu dhiibo marka la doonayo in lakala iibsho qabaailkaa Soomaalida, waxaan marag ka ahey rag uu Ina Cali Jimcaale u balanqaadey iney wax ka noqon doonaan Dowlada Ceyr haddi fulaan la soo xero galsho taasoo u muuqato kala fogeeyn dad walaalo ah, waxaan araganaa lacagaha koobiga ah eey soo sameeso Albarkaat iyo kuwa lahalmaala iney dalka
ku hayaan dhib joogto ah.


Waxaan xasuusanaa inuu siiyey baarlamaanka Alitixaad ee school bolizio
mobilo free ah si looga gol gaaro arinkooda, loona dhageesto waxey
maxaabiista isweydaarsadaan.

Abdiqaasim, oo dabadhilif u ahaa Afweyne mudo ku dhow labaatan sano kana soo jeedo beesha ceyr oo tobanki sano ugu dambeesey masuul ka'ahaa dil, dhac, kufsi, dagis guryo islaameed miyaa Muslinimo dhaba eey matali karaan?.

Anigoo aanan hadalkeyga ku soo koobi karin qoraal kaliya ayaa hadana waxaa hubaala in maanta Soomalidu eey ogsoontahey waxa dalka kajira laguna marin habaabin karin iskaashiga warireyaasha ceyr Yuusuf Garad(BBCda), Ala Salad(Ina Booyaas walaalkkii(IRIN) iyo labadiisa afhayeen Xassan Barrise iyo Diinaari, marna ma badali karaan wajiga siyaasadeed ee maanta Soomalia ka jira. Waxaana quud dareyneyaa inaan lagu sii jiri doonin iskulaada, isbitaalda, isbartiibada, beeraha, jidadka lagana gudbi doono in containerda caruur lagu sii dhalo. 

Kuwa magaca Muslinka iney qaataan ku cayaarana aan
loo sii dulqaadan doonin haddii gaaladu timaadana gacn weyn baan siin doonaa si nabadgalyada dalka dib ugu soo noqoto.

Ilaah ayaase awood leh oo wax walbo eey kasuu roobaan, waxaana ilaah ka tuugeynaa in shacabka maskiinka ah aan gabood laga dhigan balse eey iska soo dhex saaraan xaaraanta ku dhex gabaneysa.

sallaam@hotmail.com
Dr Abdullahi Doolow

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com