Opinion / Fikradaha

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.
ss

DADAALKA NABADDA EE HAWEENKA PL HA GUULEYSTO

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

December 29, 2001

Posted to the Web  21:23 GMT December 29, 2001

Waxaa Qoray

Abdulrazak Osman Dirie" 

bakool55@hotmail.com

sss

Qof waliba wuxuu ogsoon yahay dhibkii ka dhacay Somaliya in ayan
wali dhammaan, dumarkuna ay ahaayeen kuwii ugu dhibka cuslaa.
Sidaas darteed, waxaan rajeeynayaa in dhammaan bulshoweynta reer
Puntland ay tixgeliyaan talooyinka ka soo baxa shirka nabadeynta
ee haweenka PL.

Waxaanse ogeeysiinayaa ka soo qeybgalayaasha sharafta leh in ay
maanka ku hayaan arrimaha soo socda :-

1- Nabadda, midnimada, horumarka iyo magaca wanaagsan ee la helay
    intii ka dambeysay dhismihii maamul goboleedka Puntland.
2- In reer PL iyo dad kaloo Somaliyeedba guryahoodii muddo gaareysa
    10 sanadood in wali xoog lagu heysto.
3- In degaano badan oo ay ka mid tahay Kismaayo ay qori caaridiis
    ay ku heystaan kuwa xaq-darada ka wada Somaliya.
4- In cadaaladdu ay tahay furaha nabadda iyo dib u soo noolaanshaha
    dawlad Somaliyeed ee loo dhan yahay.
5- In ay jiraan kuwo cadaw ku ah Puntland oo raba in reer PL ay
    qabiil ahaan u dagaalamaan iyagoo adegsanaya xoolahii magaca
    Somaliyeed lagu helay iyo daneystayaal reer PL ah oo horay uga
    qeyb galay shirkii lu'gooyo ee Carte.
6- In A/qasim uu rabo in degaanada reerkiisa ay sharci darada ku
    heystaan in aan waligood laga qaadin, taasna waxaa u daliil ah
    Kismayo wuxuu ka sameeyey.
7- In jahawreerka siyaasadda ee PL uu dhib weyn u geystay sharaftii
    ay laheyd iyo maamulkii ka jireyba, sidaas darteedna ay muhim
    tahay in la helo maamul mideysan sida ugu dhaqsaha badan.
8- In qadiyadda Kismayo aan la iibsan karin ayna tahay muqadis
    sida Puntland.

Ugu dambeyntii, waxaan mahadnaq iyo ammaan u soo jeedinaya haweenka
PL ee arrintaan isku xilsaartay sida Senterka Gaalkacyo ee Nabadda
& Horumarinta ee ay madaxda ka tahay Dr. Xaawo Adan, anigoo u
rajeeynaya  -   G U U L.

A.O.Dirie

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo inay tahay ama ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 
 

Bravenet.com