ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Nin burcad ah oo lagu dilay Baraawe oo magtiisa loo haysto qof aan waxba galabsa.

Posted to the Web   April 12, 2002

WQ

Abukar Xaaji

abukarxaaji@hotmail.com   



GARDARRO GARAB Heli OG.burcadda hubeysan marka layska qabto ayay dad yeeshaan 

 

Yuu ahaa ninkii la oran jiray ASKARI JINNI oo Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku dileen Degmadada Baraawe, ka dib markii uu ku qaaday Guriga Taliyaha Booliiska ee Degmadda Baraawe , isagoo ujeedadiisu ahaa inuu dilo Taliyaha Booliiska Dhamme Qaasim Sheekhuna Maye? 

 

Dadweynaha degan gobolka Sh/Hoose aqoon ayay u lahaayeen Askar Jinni oo u dhashay Beesha Habar Gidir-Saruur, reer Jimcaale Cumar, waayo wuxuu ku caanbaxay falal burcadnimo, dil.kufsasho iyo afduub dadka dhaqaalaha leh ee ka soo jeeda bulshada ku dhaqan G/SH/hoose. 

 

Askari jinni wuxuu dhbaato aan la soo koobi Karin u geystay maatada reer digil & mirifle dhibaatooyinkaas oo isugu jira dil iyo dhacba,isagoo taageero hiil iyo hooba ka helaayay Qaraabadiisa,taas waxaa markhaati ka ah inuu marar badan looga dacwooday odayaasha beeshiisa hasee yeeshee aysan waxba ka qabanin dhibaatadii uu dadweynaha ku hayay.

 

Muddooyinkaaan dambe Askari Jinni wuxuu awood ku maroogsaday awoodda Maamulka degmadda Baraawe isla markaana wuxuu ka horyimid hawlgalladii ciidanka X.D.S. ee loo geeyay Baraawe si ay u sugaan Nabadgeliyada iyo xasiloonida Degaanka iyo nawaaxigiisa. 

 

Haddaba waxaa dhacday in mid ka mid ah mooriyaanka Askar Jinni uu si bareer ah u dilay nin kale oo ay isku beel yihiin (Tunni) kadibna odeyaasha dhaqanka ay amar ku bixiyeen in gacan ku dhiiglaha la xiro lana horgeeyo maxkamadda horteeda,sidaa darteed Askar Jinni asagoo awood sheeganayo,wuxuu amar ku siiyay Taliyaha Saldhiga Booliiska Deg. Baraawer Dhamme Qaasim inuu sii daayo gacan ku dhiiglaha isla markaana ku handaday inuu tallaabo adag ka qaadi doono haddii uuusan amarkiisa fulin,hasee yeeshe Sarkaalka dheg uma dhigin amarka iyo handadaadda Askari Jinni. 

 

Taariikhdu markay ahayd 03/04/02,saacadduna ahayd 19.00 fiidnimo Askar Jinni wuxuu weerar ku qaaday guriga Taliyaha Sldhiga,hasee yeeshee waqtigaas Sarkaalku waa uu ka maqnaa,wuxuu Cabsi iyo argagax ku dhigay haweenka iyo caruurta guriga joogay,ka dib markuu rasaas guriga dhexdiisa ku furay,waxaa u soo gurmaday Ciidanka Xoogga ee saldhigga joogay, hasee yeeshe Askari Jinni wuxuu diiday inuu hubka dhigo uuna is dhiibo markii rasaas la isweydaarsadayna ayuu Asakar Jinni xabbad ku dhacday oo goobta ku geeriyooday. 

 

Odeyaasha Habargidir-Saruur oo uu ka tirsana Askari Jinni waxay si caddaalad darro ah u doonayaan in la siiyo magtii Askar Jinni oo aan xaq loogu lahayn Sarkaalka waayo ninkaasi waxaa dilay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waajibaadkooda gudanaayay, ciidankaasi oo loo xilsaaray nabadgeliyada gobolka badankoodana waxay ka soo jeedaan Beesha Habargidir-Cayr.

 

Haddaba waxaa isweydiin leh sideebaa mag lagu weydiin karaa qof aan waxba galabsanin, balse la damacsanaa in la dilo oo gurigiisa iyo qoyskiisaba la weeraray. Taasi marka waxay na tuseysaa sharci darada ka jirta Soomaaliya iyo ku xadgudubka xuquuqda dadka maatada ah ee deegaanadooda xoog lagu haysto.

 

Mar hore Soomaalidu waxay ku maahmaahdeen “GARDARRO GARAB OG” taas oo noo muujinaysa in Askari Jinni oo ahaa nin caan ah oo loo taag waayay,maanta uu noqday nin mujaahid ah oo aan laga sabri Karin.


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.