ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

"Muwaadinka Soomaaliyeed Qarankiisu tarxiil uguma banaana."

Posted to the Web  June 16, 2002

WQ.

Hussein Abucar Nur" 

abhuss@tin.it 

                         
Walaalayaal waa wada salaamantihiin, anoo salaantaasi sii raacinahayo amaan iyo boogaadin oo aan u soo jeedinahayo warbaahinta xorta ahi oo sida sharafta leh u soo gudbiso aragtida iyo fikradaha kala duwan.

 

Intaa ka dib, waxaad mooda in qoraalkeygu FIDNADA, DULMIGA IYO GARDARRADA LALA DULJOOGO BEESHA MUDDULOOD ay aragti kala duwan ka soo baxayn, haseyeeshee waxaa muuqato in gebi ahaantood ay hal meel isugu biya shubanayaan.

 

Walaalayaal, anigu guud ahaan ayaan u hadlay, anoo run ahaantii isku dayay in qoraalkeygu uu noqdaa mid tiigsanahayo taariikhda, dhaqanka iyo siyaasada, balse waxaan aragnaa in qaar ka tirsan akhristayaasha sharafta leh, aysan marnaba ogoleen in beesha Muddullod iyo beelaha kale ay deeganka wadaagaan u doodaan xaqooda iyo xuquuqdooda.
 

Walaalayaal, taarikhdu waa mid aan la dafirin karin, dhaqanku waa mid inaga wada dhexeeya, siyaasaduna waa mid aan ku kala duwanaan karno.

Cidaha Soomaaliyeed guud ahaan, waan wada salaameynaa,sharf bay inaga mudanyihiin,haqdhowr bay inaga mudanyihiin,qaddirin bay inaga mudanyihiin,midda aynu leenahay waxaa weeye walaalayaal, nabadda iyo ammanka, isqadarinta iyo ismaqalka aynu ka wada shaqeyno, aynu raadino sida aan kusoo celin laheyn sharaftii, karaamadii iyo haybadii uu Qaranku lahaa. 
Waxaanu aaminsanahay sida ay badi soomaalida inala qabto in qaabka maanta ugu wanaagsan oo aanu Dowlad Qaran ku dhisan karno uu yahay in marka hore la soo habeeyo maamulada Tuulooyinka, Degmooyinka, Gobollada taasi ay u xil saarantahay dadka Soomaaliyeed ee deeganaka u dhashay, ka dib aynu isugu nimaadno midda Qaranka.
Walaalayaal, maamulka Banaadir maaha in uu tirakoob ku sameynahayo dadka ku nool magaalada Muqdisha, uu oranayo war adigu halkaan baad ku dhalatayee joog ee xukun, adiguna halkaan kuma aad dhalaninee isaga tag ama halaguugu xukumo, arintu saa maaha, Maamulka Banaadir kuma ay jirto, kama suurtowdo siyaasadiisuna mahaa noqona meyso in uu ficillo raqiis ahi uu adeegsado, Maamulka cid uu ugu heybeysanahayo majirto in uu Caasimada sharci iyo nidaam quman uu ku hogaamiyo, in uu dhowro lana dhowro xaqqa iyo xuquuqda uu muwaadinka Soomaaliyeed leeyahay ee ku nool Caasimada, in shaqsi kastoo Soomaaliyeed, haddaba waa balan, oo ka qaxay Caasimada dagaalada sokeeye awgeed uu helaa hantidii maguurtada ahayd(waa guryihii, waa beerahii, waa dhulkii, iwm.) uu xaqqa u lahaa.
Walaalayaal salaan wacan. 
 
ILLAAHAY Towfiiqda ha ina waafijiyo.
Dott. Abuukar Nuur Xuseyn.

 


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.