ntlaILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Ambassador Cabdulqaadir Amiin maxaa lagu haystaa?

Posted to the Web   March 31, 2002

WQ.

Abuukar Xaaji

abukarxaaji@hotmail.com     

 

Waxaan beryahanba ka aqrisanayey shabakadda internetka qoraalo ay soo qoreen dad isku sheegaya inay wakiilo ka yihiin jaaliyadda somaliyeed ee Kuweit iyo kuwo yiri waxaan nahay jaaliyadda London, dadkaasooo xitaa awoodi waayey inay muujiyaan magacyadooda saxda ah, iyagoo ku soo koobay magacyada magacyo gaagaaban sida: lab suulle, madaxey, saddex gacmood, indho buur, dhega bacool, iwm.

 

Haddaba aniga rayi ahaan waxaan qabaa in liisaskaas ay yihiin mid uu iska soo qorayo nin garaadkiisu yar yahay kaasoo ku riyoonayaa maaddaama dalkii uu madax ka yahay nin aad tolnimo wadaagtaan oo uu nooleeyay ilma adeertii degganeyd dalka gudihiisa, adigana maaddama aad muruqmaal ka tahay Kuweit oo xabbdda rooti ay ciriiri ku jirto bal hel mid kaloo ina adeer ah oo safiir loogu soo magacaabo Kuweit si bal ugu yaraan adiguna aad xogheyn ugu noqoto ama aad u noqoto dallaal ama muqalis hadba sida loo yaqaan oo dadka ka qaata lacag si uu ugu dhameeyo wixii ay uga baahdaan safaaradda. 

 

Arrimaha aan aad ula yaabay waxaa ka mid ah: 

 

1- markii nin aan magaciisa hadda xusuusan karin inta la soo dhoodhoobay oo sharaxaad fiican laga bixiyay la yiri waa nin danteyna ka shaqeynaya ee bal noogu soo magacaaba public relation.waxqabadyadii laga sheegay ninkaas waxaa ka mid ah in uu gacan siiyay somalida u tahriibeysa yurub iyo mareykanka oo ka caawiyay dhanka viisooyinka. bal haddaba aan isweydiine u fududeynta uu dadkaas u fududeeyay visoyinka ma bilaash baa mise lacag buu ka qatay? hadii jawaabtu tahay wax xoogaa qidmad ah buu qaadanayay haddaba maxaan ku tilmaami karnaa qofkaas sow ma ahan Muqalis(dullaal). 

 

2-waxaa la yiri gabar uur leh ayaa nin kale loo qariyay haddii ay taasi dhacdayna maxaa ka galay danjire Cabdulqaadir,illeyn isagu ma dhalin gabadha mana haynin wakaaladdeeda markii la meherinayay, goob joogna kama ahayn halkii ay ku uurowday. Waxa keliya ee uu sameeyay mud cabdulqaadir waa isagoo markii laga codsaday xafiiskiisa warqadda caddeynta inuu u sameeyay isagoo ka shidaal qaadanayaa warqaddii nikaaxa ee qaaliga iyo marqaatiyadiisa. Waana waajib saaran safaaradda ianay bixiso waraaqaddaas haddii ay laga codsado. haddaba waa maxay qaladka uu idinka galay safiirku? 

 

3-Soo saaraha warqadaas dacwadda wuxuu yiri Mud,cabdulqaadir isagoo ah reer baraawe misana lafta Banafunzi ayuu u kala eexday majeerteen iyo gidibuursi. Haddaba waxaan oran lahaa banafunzi waa famil magacood ee ma ahan qabiil.Mud Cabdulqaadirna waa nin ku abtirsada Digil gaar ahaan reer baraawe. ereyada aan aad ula xanuusaday waa markii uu qoraagu ka dhigay reer baraawe wax ka liita qabaailada kale ee somalia. Horey ayey carabi u tiri Nimaan ku aqoon kuma qiimeeyo ee bal ninka warqadda soo qorayow ma taqaan reer baraawe qiimaha iyo taariikhda ay ku leeyohiin somalia. haddii aadan wax ka ogeyn waxaan tusaale ahaan kuu siinayaa Cabdulqaadir Sakhaawaddiin iyo Maxamed Cismaan Baarbe oo labaduba ahaa aasaasayaashii S.Y.L isla markaana naftooda iyo maalkoodaba u huray xorriyadii ay somaalida kale burburiyee 12 sano ka hor. 

 

4-Waxaa la yiri mud cabdulqaadir wuxuu beddeli waayey calankii googoay ee safaaradda war hadii calanka aad sidaas ugu danqaneysaan maad idinkuba u suu iibisaan maro yar oo hal mitir ah oo aan ka badneyn 1 diinaar. 

 

Waxaan goobjoog ka ahaa markii xukuumaddaii hore ay dhacday ayaa dhalinyaro hubeysan waxay xoog ku galeen xarunta degmada baraawe mid ka mid ah mooryaanta ayaa intuu fuulay saqafka sare ee xafiiska ayaa wuxuu ka sooo dejiyay laba calan oo midkood uu ahaa kii maamulka degmada kan kale na uu ahaa calankayaga cawaale (buluugga uu eebbe quruxda iyo haybadaba u yeelay) labadii calan ayaa intuu la soo degay oo dhulka ku tuuray intuu ku istaagay misana ku dul kaadiyay, taasana la iigama sheekey ee goobjoog baan u ahaa. 

 

Waxaa lagu doodayaa waddamada kale oo dhan in loo magacaabay safiiro ma ii sheegi kartaan meesha keliya ee maanta leh safaarad somaliyeed oo la aqoonsan yahay. Arrinta loo daba taagan yahay mud cabdulqaadir inay salka ku hayso lacag iyo hunguri waxaay ku caddahay qoraalkiina dacwadda ka dib markii aad ku xusteen in kuweit tahay meelaha keliya ee leh ilo dhaqaale oo laga faaideysan karo. haddaba waxaan oran lahaa arrinku ma ahan waddaninimo iyo somali jaceyl ee waa hunguri jaceyl. 

 

 Ugu dambeyn jaaliydda isku sheegtay London waxaa iga suaal ah magaceed jaaliyaddiinu illeyn London sida magaalooyinka kale ee yrub waxaa ka furan boqolaal jaaliyadood oo mid walba ay metesho reer gaar ah. 

 

Abukar Xaaji 

Xiriiriyaha Jaaliyadaha Digil iyo Mirifle ee Scandinavia

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.