ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Guusha Reer Puntland Iyo Dawladooda.

Posted to the Web   May 08, 2002

WQ

 Adam Dirie

dirieadam@hotmail.com  

Bismillaahi-Raxmaani-Raxiimi, 08/05/02

Maanta oo ay taariikhdu tahay 8/05/02, waa maalin xasuus iyo qadarin badan u leh ummadda reer puntland,dalka gudihiisa, iyo dibada meelkasta  ha joogeene.Waxaan internetka allpuntland iyo mudugonline, mahadi ha ka gaartee noo soo baahiyeen Mudane Cabdullaahi Yusuf iyo dawladiisii inay dalkii ka saareen nimankii umadda is horkeenay ee caada qaatayaasha ahaa una shaqaynayey Kooxda Burcadda ah ee Carta iyo Dawlado ku sheegga Jabuuti, Eeritereeya, Liibiya, iyo Masar, oo intuba liddi ku ah jiritaanka Reer Puntland. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in puntland dawladeedii mar labaad xasillooni ku soo noqotay, taas oo ah khibrad weyn ee lagu baraarugay wixii dhibaatooyin lala damacsanaa oo Illaahood Ummaddii ka badbaadiyey markay aamineen Madaxweynahooda Cabdulaahi Yuusuf ee asagu xornimada dadkiisa u soo halgamahayey laga soo bilaabo 1978kii illaa maanta oo uu u soo hooyey guushii ugu weynayd ee ah mid la taaban karo, oo mustaqbilkoodana u wacan, isla markaasna ah midda kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo loo siman yahay, xoriyad , madax bannaani ay aayahooda uga tashadaan inta burcaddu Xamar qasayso. Anigu indhaweydba waxaan aad uga murugaysnaa sidii Kooxdii Carta iyo kaba sidayaasheedu ay u dageen dawladii Cabdullaahi Yusuf oo asagu ah halgamaa muddo dheer halgan ugu soo jirey sidii uu Ummadda uga badbaadin lahaa kibirka iyo aabiga shisheeyaha, caadaqaatayaasha iyo digtatoorrada Soomaaliya qarribay.


Arrintaas waxaan kaga hadlay oo taariikh ah maansooyinkayga aan ummada ugu kaydiyey mudugonline qaybta gabayada xulka ah. Waxaa ugu damabeeyey gabayga magaciisu yahay Sugaal, ee soo baxay 7dii April,2002kii kaasoo reer Puntland aan ku tusaaleeyey dhitaada Muqdisho taalla oo aan waligeed ka dhammaanaynin iyo in punland looga dhawaaqo dawlad iskeeda u tashata ee aan Burcaddu meelo kale xukumin sababtoo ah haddii daacad la doonahayo puntland baa maanta madaxnimada Soomaaliya leh haddii la diidana waa xaqiraad cad ee la garan karo, marka miyay qumman tahay inay burcadda iyo gumeystaha Xamar iyo Hargeysa usu dhibaan sidii daa'imo, Maya!
Haddaba Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Wixii rag u kaco, Rabbina aqbalo waa rumoobaan. Taas waxaan ka tixraaci karaa halgan xaqa ah ee ay xukuumada Cabdullaahi Yusuf u gashay badbaadinta reer puntland.


Haddii sidaas  Alle mahadiisa lagu guulaystay oo laga gacan sarreeyey Kooxihii Diinteenna sida beenta ah ugu ugaarsaday ee ahaa Al-Itaxaadka iwm, Reer Puntland waxaa la gudboon hadda kadib:Anoo xasuusinaya :- Many cooks spoil the soup.(cunto kariyayaal badani maraqa ayey xumeeyaan):Sidaas awgeed wax wanaagsan mar dambe inaan lagu khaldamin arrimaha soo socda wax wanaagsan la moodin  sidii xag-jirradu ay ugu khaldameen markay dawladii puntland maja xaabiyeen kadib markii loo soo kiraystay sidaan weeyaan qodobada muhiimka ah:

1.In mar dambe aysan dadku  isku dayin inay dumiyaan dawladdooda oo ay dadkoodana shisheeye ka iibsadaan.
2.In Isimadu aysan  mar dambe madaxweyne dooran waayo waxaa doorta shacabka oo dhan( General election)>
3.In basaasiinta shisheeyuhu aysan waddaniga wanaagsan ku dhex dhuuman mar dambe haddii ay dhacdana aysan ku baxsan  qabiil magaciisa.
4.  Inuusan madaxweyne isu sharrixin nin aan ahayn halgamaa khibrad wata, ee dadlka iyo dadkaba daacad u ah.
5.In aan caado qaate waa dambe puntland isugu sharrixin  madaxweyne, asagoo la ogyahay wuxuu yahay.

6.  Inta dawlada puntaland ay ka kobcayso tobaneeyo sano inaan  lagu deg degin doorasho madaxwene, waayo wali waa dalandel, dhaqaaluhuna wali waa  bis.

7. Cabdulaahi in la siiyo wakhti ku filan ee uu dawladda ku hoggaamiyo taariikhdana dhan ugu jaheeyo, taasoo ay aniga ila tahay ugu yaraan toban san iyo dheeri, maxaa yeelay wali soo ma bixin nin u dhigma.
8. In marka hore reer  puntland waxbarto, dhaqaalaha dhiso, dalkana  aamino iyo Diintooda, Xamar iyo Hargeysana la iska illoobo illaa ay daacadnimo ku raadiyaan midowga Soomaalida, Maxaa yeelay labadaas beelood waxay maanta la tahay inay reer puntland qabyaalada ku xukumi karaan, marka sow habboona in laga tashado?

Sidaasiyo Akhris wacan.

Aaden Dirie Ali

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.