ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Dib u sixid War murtiyeed.

Posted to the Web   May 13, 2002

WQ

Aden Ahmed Ali 

aden7@msn.com   

 

DIB U SIXID WAR MURTIYEEDKII BISHII APRIL 7, 2002 AAN KU QORNAY QEYBO KA MID AH SHEBAKADDA INTERNET-KA SIDA SOMALITALK OO CINWAANKIISU AHAA "WAR MURTIYEED AY SI WADA JIR AH USOO SAAREEN WAXGARADKA BEESHA MAREEXAAN EE REER GEDO EE KU DHAQAN WAQOOYIGA AMERICA"

ASALAAMU CALEYKUM,

Salaan kaddib, walaalaha yaga aan bayaankaas ugu tala galnay ee ah bahweynta Mareexaan ee Gobolka Gedo, waxaan idinla socodsiineynaa in kaddib markaan bayaankaas ku qornay Shebakadda Internet-ka aan qaar idinka mid ah ka helnay fariimo qoraal ah oo ay noogu soo gudbiyeen email ay noo soo direen, iyo kuwo afba isugu jiray, kuwaasoo aad noogu soo sheegteen sida aad u aragtaan qoraalkaas Internet-ka galay ee waliba ka hadlayay arrimo badan oo quseeya beesha aan ka dhalanay.  Dareenka iyo aragtida dadweynaha waa muhiim in la tixgeliyo, waxaana lagama maarmaan ah in aan idin soo siino jawaab celin ku saabsan su'aalo dhowr ah oo aad nasoo weydiiseen.  

Walaaleyaal,

Su'aalaha aad nasoo weydiiseen waxaa ugu muhiimsanaa 3-da qodob ee soo socda:

 1) Waa adinka u hanbalyeynayo Xasan Shaargaduud ee adinku ma Mareexaan baad tihiin mise Raxaweyn? (qodobkaan, ma quseyso mowduucaan DIB U SIXID WAR MURTIYEED, sidaas awgeed uma aragno in aan ka bixino jawaab-celin.)

 2) Ereyga aad adeegsateen ee ah Galti iyo Guri, ma fiicneyn in aad adeegsataan, sababtoo ah reer Gedaha naftiisa ayaa reer Guri iyo Galtiba leh, marka adinka si kastaba ula dan lahaadee, soo lagama fiicneyn in aad sidaas wax u kala qeybisaan oo ay arrintu u ekaato in aad u danleedihiin in aad kala qeybineysaan reer Gedaha naftooda? (fadlan, jawaabta qodobkaan hoos ka eeg.)

 3)  Dadka bayaankaan soo qorayow, sooma ogidiin in xubnaha isku haya loolanka hogaanka SNF aanay runtii matali karin danta ama maslaxada Mareexaan weyne oo ay yihiin niman dantooda gaarka ah ay uga horeyso tan guud ee Mareexaan.  Sidaas daraadeed, maxay idinla tahay haddii aan iska ilowno SRRC IYO TNG oo aan isugu imaano wax ka qabashada danta guud ee naga dhaxeysa? (horay baan uga soo jawaabnay qodobkaan, internet-ka ayaan soo gelinay waxa aan ka qabno aragtida noocaan ah, eeg qormadii horay SOMALITALK aan u gelinay ee cinwaankiisu ahaa GEDO IYO GEEDI SOCODKA NABADDA.)

Sadexdaas qodob ayaa ugu muhiimsanaa figradihiina markaan aruurinay, haddaba ayada oo figradihiina walaale-yaal ay wada fiican yihiin, ayaa waxaa hadda jira kuwo markaan dib u eegnay ay haboon tahay in aan raali gelin ka bixino iyo kuwo aanay aheyn.

Walaale-yaal,

Inta aanan u gelin dib u sixidda warmurtiyeedkaasi, waxaa nala haboon in aan marka hore carabka ku dhufano ujeedada warmurtiyeedkaasi aan ka laheyn.  Kaddib markii aan maqalnay in ciidamo Kismaayo ka yimid ay yimaadeen magaalada B/Dheere, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen ciidamo H/Gidir ah (Ceyr), ayaan aad uga caroonay, caradaasina waxay keentay in hadalka yagii aan bayaankaas ku qornay laga dareemi karay kuleyl iyo caro. Run ahaantii waan ognahay in xiligaan lagu jiro aanay fiicneyn in umadda Soomaaliyeed wax ay kusii kala fogaan karto la yiraahdo ama la qoro, taasna waxaan ula dan leenahay in xiligaan ay dunida oo dhan isu soo aruureyso sida EUROPE oo maanta hal wadan ah, in aanay habooneyn in lasii kala geybiyo umadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Balse, taas macnaheeda ma'ahan yaan la xisaabtamin oo aan la sheegin waxa mabda'iyan la aamin san yahay. 

Horumarka bani'aadamku marka aad u fiirsato waxyaabaha uu ku yimaado waxaa ugu horeeyo in la helo aragtiyo xor ah oo ka yimaada figrado xor ah, sidaas daraadeed ayaa waxaan qabnaa in intii wax lagu qeybsan lahaa QABIIL-QABIIL, in wax lalgu qeybsado GOBOL-GOBOL (taas waa aragtida aan qabno hadaan nahay xubnihii soo qoray warmurtiyeedka aan dib u sixidda ku sameyneyno). Tan nafteeda ulama jeedno in qof waqooyi ku dhashay ama Gobalada dhexe ka yimid uusan degi karin Gobalada Koofureed, sidoo kalena, dad ka tegay Koofur aanay degi karin Waqooyi ama Gobalada dhexe, balse waxaa haboon in ruux kasta oo Soomaali ah uu degi karo halkuu rabo, asaga oo xushmeynaya qaab isu maamulka Gobolkaas, iyo dhaqanka iyo caadada dadka walaalahiis ah ee uu gobolkaas ugu yimid.  Midda aan diidanahay oo aan meesha soo gali karin waxaa weeye, in ruux Gobolkiisii ka yimid uu isku dayo in uu Gobol kale qasab iyo qori caaradiis ku degenaado ama ku xukumo. Taas haddii aad u fiirsato waaba tii uu bur-burka Umadda Soomaaliyeed ka bilowday.  Waxaa kale oo aan aaminsanahay sida ay dad badan oo Soomaali ahba qabaan in mustaqbalka dalka Soomaaliyeed lagu dhaqo ama maamulo nidaamka DEMOQORAADIYADDA BARXAN (taas oo aan ula dan leenahay, in aan in yar ka qaadano nidaamka Demoqoraadiyadda WESTERN-KA, in badana ka qaadano DIINTA IYO DHAQANKA SUUBAN EE ISLAAMKA AMA SOOMAALIYEED) oo faraca nidaamka la'isku xukumayaana uu ku saleysnaado dowlad Federali ah ama (FEDERAL GOVERNMENT SYSTEM), taasoo dowladda dhexe marnaba aanay awood dheeri ah yeelan karin. 

Sidoo kale, Dowladda Federaaliga ah waxay qaadan kartaa in ay isku maamusho saddexaan nidaam-dowladeed midkood:

 1) Presidential system (oo ah kan dalka Mareykanka iyo dowlado kale oo badan ay maanta dalkooda ku maamulaan.)

 2) Parliamentary system (oo ah kan dalka Ingiriiska iyo dowlado kale oo badan ay ku dhaqmaan), iyo

 3) Presidential and Parliamentary system (oo ah nidaam isku dhaf ah, ahna kan Soomaaliya ay ku dhaqmi jirtay ama dowlado kale oo dhowr ahba ay maanta isku maamulaan.)

Nidaamyo kale oo la'isku maamulo ayaa ayagana jira, balse kii la doonaba hala qaatee, waxaan aaminsanahay in uu ugu fiican yahay laguna kala bad-baadi karo, in Gobol waliba uu helo madaxbanaanidiisa ilaa xad, kaasoo faragelinta ay dowladda dhexe ku yeelan karto gobol kasta ay aad u yartahay.  Sidoo kalena, waa in la heli karo saxaafad xor ah oo ka madax banaan faragelin iyo cabsi kaga imaan karta dhinacyada QUWADAHA BOOB KU NOOLKA AH (ANARCHISTS), kuwaasoo iyagu aan jecleyn in uu sharcigu si quman u shaqeeyo. Haddaba nidaamyadaas iyo kuwo kale oo badan oo lagama maarmaan u ah horumarka aadanaha markii la helo, waxaa sahlanaan doonta in uu sharcigu shaqeeyo, kala danbeyn la helo, wada shaqeynta Gobolada iyo Dowladda Federaaliga ah, iyo xiriirka ka dhexeeyo Gobolada naftoodana uu sahlanaado, sidaasna lagu gaaro horumar waara.

Waan ognahay waxa aan ka hadleyno in aanay dad badan hadda u bisleyn, doonayaana in aan kusii socono qaabkii ama nidaamkii aan horay ugu soo soconay mudada dheer.  Ulama jeedno in umadda Soomaaliyeed ay hal habeyn isku bedesho oo ay la talaaba qaado dunida horumartay, balse figradaha suuban isdhaafsigooda waa in aan hadda sii bilowno, si markaasi ay dhegaha dadka u sii bartaan in uu horumarka aadanuhu ku imaan karo is maqal iyo istixgelin, ee uusan ku imaan karin qori caaradiis in la adeegsado sida maantaba ka taagan meelo badan ee aduunkaan aan ku nool nahay ka atirsan.  Sidaan ka wada warqabnaba, aadanaha waxaa ka dhaca qaldaad meel uu joogaba, balse waxaa qeyb xadaarada ka mid ah in qofkii ku gafo dadka hortiisa ama mid qoraal ama saxaafadeed, in uu markaasi ka bixiyo qaladkaasi raali galin ama APOLOGIZE.  Waxaana xadaarad xumo ah in qof gafay uu gefkiisa sii wato, diidana in uu ka raali geliyo xubnaha ama dadka uu ugu gafay af ama qoraal kii la doonaba.  Sidaas daraadeed, waxaa xaq ah in anagoo dhamaantayaba ka faa'iideysaneyna adeegsiga qalabka isgaarsiinta ee casriga ah sida: Teleefanada, Internetka, Email-ka, Raadiyaha,  Fax-yada, iyo adeesiga cinwaanada kale ee caalamiga ahba, in aan sii barno maqalka dhegaha umadda yada in qalad la'isku sii dhejiyaa aanay horumar ka imaan karin, tahayna fal danbiyeed iyo mid lug ku leh xadaarad xumo ama badowtinimo (UNCIVILIZED AND BARBARIC ACTIONS), sidaas awgeedna ay ruux kasta waajib ku tahay in uu u dhego nuglaado umadda uu ka dhashay oo haddii uu ku qaldamo uu qaladkiisaasi raaciyo raali gareyn ama APOLOGIZE, sidaas markuu qof waliba oo qalad galay sameeyana, waxaa yaraaneysa iska horimaadka, denbiyada la galayo, iyo is afgarasho waaga.  

 DIB U SIXID WAR MURTIYEED.

Haddaba kaddib markii aan si qoto dheer u eegnay maqaalka ujeedada ku qoran ee aan horay internet-ka u gelinay, iyo su'aalihii ay walaalaha yaga nagu soo weydiiyeen email-ka iyo qaar af ahba, waxaa inoo muuqatay in ay xaq tahay in aan raali gelin ka bixino halka aan isleenahay waad ku qaldanteen.  Dad badan oo aan wada degno Gobolka Gedo oo walaalaha yaga ah ayaa waxay u fahmeen in eraygii maqaalkaas ku qornaa ee ahaa GALTI ay u qaateen in ayaga loola jeeday, taasoo xubno iyagu qaswade yaal ah ee aan u dhalan Gobolka gedo ay erygaasi si ba'an u buun-buuniyeen oo ay macno kale u sameeyeen. Anagau hadaba, hadaan nahay dadkii qoraalkaasi qoray waxaan rumeysanahay in reer Gedo ay yihiin dad dhiig, dhaqan iyo deegaanba wadaaga, sidaas daraadeedna xubin kasta oo reer Gedo ah waxaan u aragnaa in ay tahay REER GURI, waxayna xaq u leedahay in ay ka qeyb qaadato aayaha iyo horumarka Gobolka aan ku dhalanay.  Sababtu si kastaba ha ahaatee, haddii ay (WALAALAHA YAGA REER GEDO) qaar ka mid ah qoraalka yaga qalad ka fahmeen, waxay xaq noogu leeyihiin in aan niraahno "WALAAE YAAL RAALI KA NOQDA WIXII ISAFGARANWAA AH EE KA YIMID QORAALKA-YAGAAS", erayga Galti waxaan ula dan laheyn hadaad dib u eegto WAR MURTIYEEDKAAS aan kor kusoo sheegnay, dadka dhawaan soo galeenka ah ee ku cusub Koofurta Soomaaliya.  Waxaan nafta yada iyo tan dadkaas GALTIDA ahba kula dar-daarmeynaa in aan mabda'ayaga ku saleeyno NABAD, IYO ISTIX-GELIN, taas ayaa dhamaanba umadda Soomaaliyeed dan ugu jirtaa, aana ka wada waantowno figradaha guracan ee khatarta ah ee aan wax aan bur-bur iyo is naceyb aheyn noo horseedi karin sida kuwa maskaxdooda u sheega ...TO CHOSE MY PRINCIPAL CORE OF IDEOLOGY, WHICH IS BASED ON HOPELESS , TOTAL DISTRUCTION, A BLODY PATH OF WAY, AND TO HATE A PERMENENT PEACE IN OUR PEOPLE, I HAVE TO SAY "LET US BE   ALL YOU CAN BE, BE AN ARROGANT PEOPLE, AND  EAGER TO SEE  A TYRANT  LEADER, WHO MIGHT HAVE COME SAME REGION WITH US...!!!"

Mar kale waxaan ku celineynaa, in aanan anagu cidna necbeyn oo aan jecelnahay dhamaanba horumarka umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba.  Waxaan rabnaa in wixii horay u dhacay aan dib u eegno, umadda Soomaaliyeedna ay is dhexmarto, isla degto, isla markaana ay isku xushmeyso deegaanada ay kala degan yihiin.  Taas waxaan ula jeednaa, suurta gal ma'ahan in uu ruux ka tago gobolkiisa oo uu gobol kale handadaad iyo cagajugleyn ku sameeyo.  Soomaalida nabad iyo isafgarad baa deeqda meel kasta oo ay joogto, taas baana horumar lagu gaari karaa, balse handadaad, cagajugleyn, iyo qori caaradiis waxaan bur-bur iyo dib u dhac aheyn ma keenaan.  Sidaas daraadeed, baa waxaan qoraalka yagaan kusoo gaba-gabeyneynaa umad waliba ha'u noqoto halkii ama gobolkii ay ka timid, hana isku daydo in ay isaga horumariso.  Ciddii rabta in ay umad kale ee Soomaaliyeed la noolaatana, way u furan tahay oo waa xaq, balse hakula noolaadaan umaddaas ay u yimaadeen si ay walaaltinimo, xushmo, istix-gelin, iyo dabacsanaan ku jirto. 

Contact person at aden7@msn.com

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.