ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Carta iyo Adis Ababa Waxdhaama ma lawaayay?

Posted to the Web   March 31,  2002

WQ.

Maxmuud Cali-Nuur aduunyo.. 

adunyo55@hotmail.com     


Cabdulaahi maqal , Jamac Cali Jamac maqal, reer puntland maqal anigoo ka dhiibanaya fegredayda cidii igu raacda iyo cidii igukhilaftaba waa waraqad furan cidii danaysa.
maraka waxaan leeyahay mudane kornayl cadulahi yususf axmed, mudane waxaan kuu aqoonsanahay geesiga horn or afica anagoo ogsoon halagankii aad soo gasahy  una gasahay umadda soomaliyeed adigoo uu ahaa mabda, aagu inaad ka qabato umala dooxii soomaliaya marka ka talinayey ee af weyne taasna waxa noo muuqatey inay ka ahayd inad diidantahay keligi taliya aan la tashan shacabka soomaliyeed  oo laga heli karey dad aad ugu xeel dheer siyaasada lagu maamulo umad, hada inkastoo aadan ku guuleysa inaad xukunka ka gacan marooriso hadana waad sii waday halgankii waana kii aad ku gaartey inaad isu keento reer puntlanad halkasna aad madaxweyne noogu noqoto si kastaba ha ahatee maanta xukunkii gacantaada waa ka baxay, waxaana reer puntlanad u muuqata inad ahayd keligi tashade oo waxyalihii aad aad duurka ugu jirtey 13 tobanka sano aanay kaa ahayn dimuqradinimo ee aad afweyne waxba nooga duwanayn, waxaan arintaada uga baxaayaa mudane anoo aad iga mudantahay ixtiraam iyo mudnaan adeer xabashi dhowr iyo labatan sano waxay kuu qanban weydey hadda kuu qaban mayso ee ka naso, reer puntlaand na waa dadkaagi ee dhibta ka daa, runtana waxay ku haboonayd wada shaqaysaan hadba kii reer puntlanad doorto sidii adigaba laguu doortay oo ay kuula shaqay-yeen  hadaba naso mudane.

 

JAAMAC MAQAL
jamac cali jaamacna wxaan leeyahay mudane sida noo muuqata waaxaad rabtaan adiga kornayl cabdulaahi yuusuf inaad puntlanad jaah wareerisaan hadaba hadii xaalkayagu yahay kud ka guur oo qanjo u guur, taa diidney puntlanad dhibi kuma yara diiftii afweyne weli ma aanu ilaawin waxaad tihiin ama la idiin aqoonsanayahay laba kornayl oo ruug caddaa ah laakiin waa mar loo noqay xaalkiinu ee haddaba sida wararku nagu soo gaarayaan puntland waxay leedahay lab madaxweyne, mid laga xukumo carta iyo mid laga xukumo adisababa marka taasi naba qabto ee waa inad xal u heshaan siyaasada puntlanad daacdna uga noqotaan ama u banay-ya hogaan wadi kara oo reer puntlanad raali ka wada yahay laakii waxa ku qurux badan tahay inaa ka nasataan cayaarta siyaasada oo duco la idiin ku daro iyo tix gelin mudan -----------------
 
REER PUNTLAND MAQLA
                
Reer puntlanad waxaan leeyahay, goormay puntlanad noqotay sidaan ay maanta ku jirto?
waxaa lagu yiqiin xikmad iyo cadaalad magac dheer, hogaan magac dheer, ilbaxnimo iyo deganaansho iyo xaq soor wcan oo mudan. puntlanad xagay ka dheceen ragaagii? xagay mareen geesiyaashii markay arini murugto loo tegi jirey? maanta ma lab nin oo aan danteena wadin baynu u kala safanay? ma carta iyo adisababa ayaa inaa kala jiidatey oo labaduba cadowgeena kowaad ah? taasi mid na maraysa maaha ee did ha la isgu noqdo waana in la helaa hogaan sidii lagu yiqiin reer puntlanad oo la inoo ka baratay ee maaha inaan kala saari weyno laba mudane oo reer puntland ah oo kan qaldan aynu qaban weyno oo ay dhici weydey in lagula taliyo inay wada shaqay-yaan oo umadda iyo dalaka puntlanad ay si daacad ugu shaqay-yan hadii kale ay dhafaan, waxaa ii muuqata iyadoo raali la iag yahay dana gaar ah oo ay wataan ma dana dadkle leeyihiin ay u adeegayaan, taasina mid ina ku quman maaha waa inaan ka waansanaa oo la helaa xal la miisaan ah puntland iyo umadda ku nool oo walaalaha ah si ay aayahooda u gaaraan ama uga tashadaan, dhiig daata waa nagu batay aan inna wax sabab ah loo hayn, dhaqalihii ciriir buu ku jiraan, tacliintii waa sii il xuntahay caafmaadkii waa laga qaylinaayaa, reer kismaayo inagay ina sugaayaan iwm maxa inoo haray ? war hurdada ha la kaco oo dadka iyo dalaka ha daba qabto,xal ha helo,

wa dhamad ,,

Maxmuud Cali-Nuur aduunyo.. 

Kuwait

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.