ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Maxay tahay Somaliland ?

Posted to the Web   March 26, 2002

WQ

A H H Warsame 

farey82@yahoo.com     

 

Salaantaa qiimaha badan ka dib waxaan idinka codsanyaa inaad gaadhsiisaan maqaalkayga dadka akhrisata Webka Allpuntland  idinkoo ku mahadsan sida habsamida ah ee aad u hufteen ra'yiga akhristayaasha webkan.

 
Waa marka horee waxaan jecalaan lahaa inaan wax yar ka idhaahdo taariikhda dhulkii loogu yeedhi jerey somaliland mustacmaradii ingriiska. 
  • Waa marka hore magacan aan in la maqlo ku wanaagsanayni waxaa  loo bixiyey in lagu kala qaybiyo dhul weynaha somalia kaasoo ay kala gumaysanayeen dawlado dano gaar ah ka leh kuwaasoo kala ah United Kingdom, Italy. France, iyo cadawga taagan ilaa hadda Ee Ethiopia.
  • Waa ta labaade waxaa halkaa uu ka helay Gumaysigu dad u jajaban wax kasta oo kasoo fula mustacmaradda waayo waxaysan fahansanayn macnaha ay leedahay wadinayaddu, ka dib markii laga xoog roonaaday oo la jabiyey Mustacmaradii ingiriiska oo ay jabiyeen xoogagii Daraawiishta iyo xoogag kale oo jecel waddankooda iyo dadkoodaba ayaa dib loo uruuriyey Jamhuuriyad Xoog badan oo ka dhalatay Daadasho dhiig fara badan taasoo meesha ka saartay wax kasta oo horey uga jirey waddanka somalia Min Raas-Kambooni ilaa Raas-Casayr.
Sidaa daraadeed waxaan jeclaan lahaa inaan wax u sheego kuwa wali u haysta in la gumaysanayo in ay xor yihiin kuna naalloon karaa barwaaqo iyagoon nina wadankooda uga dambayn ama aan ka qoqobin maadaama aysan jirin wax cillad ah oo ku kala dhex jira dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed.
 
Waxaan kaloo u sheegayaa dadka soomaaliyeed in dadka hadda isku sheega inay madax u yihiin heblaayo land inay la shaqayn jireen dadkii horay u gumaystay dadkeenna iyo dalkeenna kuwaasoo aan habeen ka sokayn Gumaysigii aynu la dagaallanay Soamliduna waxay ku maahmaahdaa ( waraabaha kiisa ciya iyo ka aamusa kee la qaatay? waxa la qaatay kiisa qayliya) taasoo loola jeedo ka ciyaa inuu ka dhiganyahay ingriis gumaysan jiray dhulkeenna kiisa aamusaana uu yahay kuwa aaminsan inay la shaqaynayaan gumaysigii walina ka qaadanayaan mushaar dadkana ku celinaya waxay soo dhaafeen sida kuwa maanta u adeegaya dawladaha shisheeye ee danta gaarka ah ka leh Somalia.
 
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka uu khuseeyo maqaalkani inay ka waantoobaan waxa ay ku kaceen,
waxaan kaloo u sheegayaa inay iyaga gumaystuhu isku kiis yihiin maadaama ay yihiin (qaade iyo qarshe) aanaan una dul qaadan doonin dhibaato iyo gumaysi lagu sii hayo dadka Somaliyeed.
 
Waad ku mahadsantihiin akhriskiinna iyo fikradiinaba.
 
By A. H Warsame

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.