ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

MAQAALKAAN WAXA UU KU SOCDAA SOMALI EMBASY XAQIIQDA WAAD KA FOGAATEYN

Posted to the Web   April 10, 2002

WQ

Ahmed Dahir 

a_dahir2005@hotmail.com   

 

KA DIB MARKII AAN ARKEY MAQAALKII UU SOO QOREY CABDIQANI MAXAMED WARSAME WAXAAN HALKAAN UGU SOO BANDHIGAYAA ARRIMAHA SOO SOCDA 

 

1- IN CABDIQANI UU YAHAY QOF AAN OGEYN WAXA XAQIIQDA AH EE MEESHA KA DHACAY ISAGANA UU SANNADKII LA SOO DHAAFEY BISHII DECEMBER UUU YIMID WADANKA KUWAID ISLA MAR AHAANTAAS UUSAN KA WARHEYN WAXA KA DHACAY KUWEED LANA YIRI ADIGOO AFKEYGA KU HADLAYA QORAAL U QOR WARGEYSKA ALLPUNTLAND TAAS OO UU MEEL KAGA DHACAY WARGEYSKA SHARAFTA LEH AHANA WARGEYS SOO TABIYA AFKAARTA IYO RAYIGA DADWEYNAHA 

 

2-IN ANIGA OO HADDA JOOGO WADANKA NORWAY AAN WADANKA KA SOO TAGEY BISHII JANAAYO 2002 MUDDO DHAN SIDEED IYO TOBAN SANNO JOOGEY WADANKAAS OGNA XAALADAA DADKA AY KU SUGNAAYEEN QAARKOODNA AY ISKAGA TAGEEN WADANKA MARKII AY WAX KA DHAMMAAN WAAYEEN SAFIIRKA AADEYNA WADANKII IYO WADAMO KALE OO KALE DUWAN 3-INTII SAFIIRO MEESHA ISKU BEDESHAY WAAN NAQAAN OO DADKA SHACABKA AH SIDA UU KAN ULA DHAQMO ULAMA AYSAN DHAQMI JIRIN, WAAYO WAXAY AHAAYEEN DAD MUTAFAAHIM AH 

 

4-WAXUUSAN UU WAR U HEYNIN AMA UUSAN OGEYN XAQIIQDA AYUU FARAHA LA GALEY MR ABDIQANI WAXAANA KULA TALIN LAHEYN IN UU FARAHA KALA BAXO WAA ARRIN ASAGA KA WEYN SABABTA OO AH XAQIIQDA LOOMA SHEEGAYO 

 

5-JAALIYADDA HADDII UU DHEX GELI LAHAA WAXAA U MUUQAN LAHEYD DHALIILAHA MEESHA YAALO OO HADDA MA AYSAN BILAABANIN ASHTAKADAAN WAA WAX SOO JIREY MUDO HORE 6-DADKA UU LEEYAHAY WAA LAISKA SOO QOREY QOFNA QOF UUSAN AQOON AMA ARIN UUSAN RAALI KA AHEYN MAGACIISA LAGUAMA SOO QORO , WAXAAN WAA WAX AY JAALIYADDA OO DHAN KA SIMAN TAHAY.

 

7-MAXAAD KA OGEYD ARRINTII DHEXMARTEY SAFIIRKA IYO SHEEKH OMAR MADAXA JAALIYADDA KUWEYD? MAXAAD KA OGEYD ARRINTII DHEXMARTEY RAGII DIPLOMASIYIINTA AHAA DR HASSAN IYO MR ABDULLAHI EE KA SHAQEYNAYAY ARAB ORG EE AHAA DAD MADAX AH OO MEEL SARE KA HAYAY HAYADAHAAS? MAXAAD KA OGEYD MARKII UU XIREY ILMAHA AGOONTA AH EE AAN WAXBA HEYSAN WAXANA AAN GALABSAN? 

 

8-WAXAA WAAYE ANIGU KUMA DHAHAYO ADIGAA QALDAN BALSE WAXA XAQIIQDA AH LAGAMA FOGAADO WAXAADAN OGEYNA LAGAMA HADLO.

 

WAXAAN HADDALKEYGU KU SOO KOOBAYAA INTAADAN WAX FALIN KA FIIRSO

 

 AHMED DAHIR

 A_DAHIR2005@HOTMAIL.COM 04-09-2002

 

Qoraalada La xiriira Qormadaan:

 

Been sheege waa balo abuure Yaan loo kabo galinin.!!! Cabdiqani Maxamad Wacays La-taliyaha Kowaad ee Safaaradda April 09, 2002

Ambassador Cabdulqaadir Amiin maxaa lagu haystaa? | Abuukar Xaaji | March 31, 2002

Hambalyo Waxqabadka Sheek Cumar Madaxa Jaaliyada Somaliyed ee Kuwait...| Dhalinyarada Somalida ee Kuwait|March 18, 2002

Waa waraaq cusub oo ka soo baxday jaaliyadda Somaliyeed ee Kuweyt... |Jaaliyada Som. Kuwait | March 11, 2002

DACWAD FURAN OO KU SOCOTO DOWLADDA SOMALIEED KANA TIMID JAALIYADD SOMALIDA EE KUWAYT KU NOOL...  | Kala Xiriir: Abdow Abdi  |  March 03, 2002

U bandhigid Ra'yi Dawlada Cabdiqasim iyo Wasiiraddiisa ku shaqada Leh arinta Jaalityada Somalida ee Kuwait... | Cadaalad Qaran | March 23, 2002


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.