| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Warqad Furan oo ku Socota Dhamaan Waxgaradka Somaliyed.

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  19, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 19, 2001
.k

Waxaa Qoray

Mohamed Ali Gaal

infarmations@hotmail.com 

SU’AAL    FURAN  (Waxgaradka)

RAMMADAAN   WANAAGSAN

To:        Wax garadka Soomaaliyeed

From:    Ardayda Soomaaliyeed ee dibadda ku nool (Mugga Star)

CC:     Gaar ahaan ahlidiinka Soomaaliyeed                                            

Date:     November 01

Re:        DHUL BALLAARSIGA MAXAAD KU DOORATEEN?

         Assalaamu Alaykum warahmatullaahi wabarakaatuhu

Mugga Star: ka dib markii aam xurnimada qaadanay 1960 waxaa Soomaaliya ka dhalatay dowlad Soomaaliyeed oo markaas loo wada dhamaa sida ay inta badan qabto, waxaaha Madaxweyne u ahaa o Mudane Aadan c/lle Cusmaan (Aaden Cadde).

Waxaa misene ku xigey  Mudane C/rashii Ali Sharmarake oo muddo kabacdi la dilay isagoo safar ku jiro(gudaha).

Waxaa isla markiiba xukunka ku booday Milliteriga oo xoog ku qabsaday 1969 21 oktober waana wada ognahay sidii ay wax u dhaceen iyo doorkii ay Ardayda Soomaaliyeed ka qaadatayiyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan waana ka tuurnay xukunkii waayo wax kasto oo xoog lagu maquuniyo  amma la cadaadiyo waxey dhallaan firxad iyo kala daadasho u baahan in laysku keen keeno si mar kale aysan udhicin.

Waxey Soomali mar 2aad is la garatay in Djapuuti  8 urur oo soomaliyeed ey ku soo doorteen Mudane Madaxweyne Cali Mahdi Moxamed oo markaas ka ahaa raggii ugu firfircoonaa ee reer Muqdisho ka dibna Isbaaradii cirka maxasuusataan xaajo wey xummaatay oo waxaa si rasmi ah loo sheegay in dhulballaarsi hadda kow lasameeyo  waayo ma maqli karo waxa hadda yeerahayo sidaas waxaa godka ku kalay caaqilkii xanuunsanaa ee reer Soomaaliyeed..

Timirity hereby dab loo was 11sano oo xabad iyo tuugsi gaalo ah ayey hadana wexy inoo keeneen wax markii hore loo heystey wax fiican oo meesheedii hore kadaran ku soo noqotay oo waxaaba bilowday dhulballaarsi aan cidna loogu aabe yeeleyn oo wexy is weydiyeen xaggee geela loo raraa oo cidlo ah aan cidna geel iyo lo midna aysan daaqsan??

Mugga Star: Suaal: Beeraha Mooska yaa isk aleh? Cidna, kismaayo yaa iskaleh? Cidnah,  Marka caddeey yaa iskaleh? Cidnah, OO  hadaba  xamar iyo Gooffafka ma cidbaa lahaan kartah? yaa iskaleh ceel cifiid…Balcad, Ceel macaan ,Cisilleey , ceel cadde? I

Jawaab :No man land Intaas oo dhan dad maleh oo waa loo daaq tegi karaa waana la degi karaa wax kuu diidi karo majiraan dhulkaan waa dhul ilaah meeshii aad doonto ayaad qabsan kartaa ciddii de diidanah qorigaa yaqaanah waayo shirirkii hadda ugu dambeeyey een qabanay waxuu ahaa kii aan qabanay annaga iyo reer dhagaxyo ma cune oo iyaguna mar hore usii guuray dhula aan cidna lahayn ee koonfur soomaaliya ku yaalo Qaarbaaba waxey muudaan in aan beeraha iyo dhulalka aan qabsanay kabexyno laakin arrinku sidaas maha ee waa kii aan markii uu wadaadkii xanuunsanaa intii uu fiicannaa aan ku tashanay balanteenu waa in qof weliba ay Qori loo iibiyaa ama loo soo dilaa… tan kale oo intaas inoo sii dheer waxay tahay in aan soo sameysanaa Beeso warqado joornaal ah oo aan uga bedelenaa lacagtooda saxda ah oo ay haystaan ka dibna iyagaaba iska tegeyee haddii laga wada bedesho guryahana waa in aan ka wada iibsanaa

 laakiin marka hore waa in lala saaxibaa oo dhulka laysku dhigaa loona tusiyaa in aan walaalo nahay kadibna wey ku farxaan dhegta wax ugu sheega oo ku dhaha walaaloow Caruurtiibaa meel cidlo ah iga taalee wax  guri iska iibinahayo ma ogtahay?sidaas arrinku ha ahaado marna qosol marna qiiro libaaxnimo muujiya waayo ma sahlano in aan ka wada wareejinnoh mar qurah dukumentiga dhulka waayo qaar wax gartaa ku jirah laakin kuwaas sow annagii marka horeba saaxiib la noqonay maaha?

 Waxaad kale oo aad ogtihiin reer dhagaxyo ma cune  iyo annagaba heshiis ma noqoneyno waayo waad ogtihiin wixii dhacay kal hore wexyna arrintu ku soo biyo shubatay Ninkii maska faaska usoo qaatay kadib markii ay ka cuntay wiilkiisii uu jeclaa markaase ayey damceen in ay heshiis isla galaan laakiin jawaabtii maska ayaa noqotay Inta uu wiilkii kuumuuqdo anna ay misaartii ii muuqato heshiis majiro e aan qolooyinka kale ee hurda aan u ugaar tagno waexyna hadda ku socotaa sidaas  Dowladda ha la difaaco, Soomaaliya ha noo laato dhulbeereedka yaan la sii deynin waayo reer dhagax macune  lama aamini karo….

Dhul ballaarsiga waxaan u dooranay yaan la iddin kaaga hor marin reer dhagax macune in kasoo ay qeyb muhiim ah hadda haystaan dhegta ayaan wax ugu sheegeynaa xubin rageedna waan siineeynaa marka beryahaan iyagu hadal badan ma hayaan waa sacab kaliya iyo qosol…

Oo reer Cirfiidneh? Kuwaas iyagu meeshii wax lagu qeybsanaayeba wey ka maqnaayeen kii joogaa wax loo laayahaye ma mid maqnaabaa wax innaga nagu leh…

Oo reer Hotella weyne neh? Hee.. Baal weyntii miyaa dhammaatay iyagu dhinac dhinac ayeyba u jiifaan jeebka uun baa u daran dantooda waa baal weyn dowlad iyo dhulbeereed iyo magaalo la qabsado waxaas iyagu shaqadooda ma ahan waana ku ammaananyihiin  waayoo berigii shaariba weyne waa kii sacab ku yimid illeen iyagu wey qeebsanaayeen oo islama aysan socon marka haaddii aan hotellada ka degnay oo aan baalweyntana siinay sow dhinac umma aysan dhicin…

Oo qori weyne neh? Xaalkiisu ma fiicna fikirkiisu sidaan u hesanay waa ka duwan yahay waayo dareenkiisu waa ka  fogyahay baalweynta waayo wuxuu rabaa mansabka aan annaga hadda joogno oo aan ka qaadanay reer dhagaxmacune.. si  la yeelaba isaga waa nin daran oo rag ad addagna haysto oo degaanka wax kaleh…..  lasoco qeybta 2aad:

 

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).