AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

CATAAWGA IGA DAAYA (MUDDULLOOD) COLAADI HADDEEY HOR LEEDAHAYE

Posted to the Web   February 17, 2002

Waxaa Qoray

Abdulqaadir Aweys"  aaweys@hotmail.com 

Dad badani waxay isha ku hayaan beryahaan iyo dagaalada ka soo cusboonaagay
ee Baardheere iyo Jubbooyinka oo aan la garaneynin kuwa ku dagaalamaayo iyo
waxa ay u dagaalamayaan toona, sababtoo ah
Dadka qaar kale ayaa iyaguna waxy qabaan sidaas iyo si gedisan oo sababta
dagaalkaan in uu yahay mid xaq ah oo meeshii lga rabay ka yimid doonaayaana
in ay tirtiraan jirittaanka Dooxada jubba iyo kuwa ay hoosta ka taageera  oo
ay dadka qaar u yaqaaniin Kooxda Carte..

Aragti kale oo kuwaas ka gedisanna waxaa iyaguna qabaan in  kooxda carte
lafteeda oo ah in waddanka ay dowlad ka jirto loona hoggaansamo sharciga
carte oo ah dhul ballaarsi, wixii taasi diidane lagu maquuniyo qoriga
caaradiisa iyagoo markaas ilowsan meeshii uu maray xukunkii Maxmed Siyaad
Barre oo caburinta iyo maquuninta ku dhisnaa.

Qoraalkeygu inta uusan meel kale ila aadin ama aan mowduuca kabixin aan u
soo noqdo Mowduuca maqaalka ee kor aan ku soo xusay ee ahaa Taaha inaga
daaya dagaal maanta ayuu bilow yahee! oo aan ula jeedo qolooyinkaan aan
iyagu cidna dagaal kuqaadin dhul dadkalena aanan qabsan isla markaasna
aanan ogeyn in iyagaba la haysto oo ay dagaal kaliya umaleeyeen in wax lagu
qabsado  ayaan waxaan leeyahay waa la idiin haystaa soomaaliyana maanta
meesha kaliya ee lahaysto waa Magaalada Muqdisho iyo sida uu cadowga u
qeybiyey oo aan waxba laqaban karin oraah ayaa waxay leedahay "Meeyd maxaa u
dambeeyey? Markaasuu yiri midka saakay lasii sido" taas oo mecnaheeda ah
wixii aan 11 sano aan ku dulmaneyn oo aan dhibta ugu jirnay oo illaa iyo
hadda aan weli wax xal ah loo helin ayuu wuxuu cadowga markale ku guuleystay
in uu xooggii soo jireenka ahaa si sahlan ku kala qeyshay isaga oo
isticmaalayo dhowr weji tusaale ahaan waxuu iska soo dhigaa marba qofta uu
maanta lajoogo.
Waxaad horay u soo aragteen isaga oo iska soo dhigay 1.Gen.Caydiidkii
dhintay 2.Markii xigtay wuxuu iska dhigay C/Qaasim Salaad  oo isagu cidiyaha
ku dagaalamaayo 3. waxuu kale uu iska soo dhigay Mr. Qanyare oo ah
milkiilaha airpoorka dayniile iska soo wada duuduube waxaa jilibka u laabay
Xoggagga Mahigaanka ah ee Muddullood iyagoo markaas isku maleeyey in ay
sidaas guul ku joogaan, hase ahaatee waxaa kamaqan in uu weli noolyahay
Gumeystihii gaalkacyo kasoo cararay ee Cusmaan Caato oo ugu dambeystii ku
guuleystay in uu kala qaybiyo Xoggaggii Mahigaanka ahaa ee Muddullood!

War badan haan ma buuxsho haddii aad tihiin dadka aan kor kusoo sheegay ee
xitaa garan la' in ay wada hadlaan illeen bani'aadanku wuxuu isku afgartaa
waa wada hadalkee in ay wada hadlaan haddana doonaayo in ay Soomaali wax
kanoqdaan taasi waa madhacdee Cattaawga iska daaya dagaal hadduu bilow idiin
yahee! Gacmo wada jir ayey wax ku gooyaan adinkana waa la'idiin kala
qeybshay marka ma waxaad u malayneysiin in aad cod weyn leedihiin sida
Soomaalida kale ee wada socota? Tusaale qanyare amma caato ama C/Qaasin
iyagoo kala socda ayey doonaayaan in ay idiin xakummaan adinkiina waad kala
socotaan Maxaa idiin diiday in aad wada socotaan oo mid noqotaan kadibna aad
cadawga iska kaashattaan waa tan hadeertoo Cumar finish oo u dambeeyey
la'idiika watay miyeysan ahaynin in rabo C/qaasin in uu Ariporka ka
khudbeeyo taasi hadday dhacdo waa dhibaatee wax wada qabsada..

Aweys xaaji
aaweys@hotmail.com

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited