AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

BAAQ: WAA IN DAGAALKA DEGDEG LOO JOOJIYAA!... 

Posted to the Web   February 25, 2002

Waxaa Soo Saaray

Xiriiriyaha Jaaliyadda Muddullood ee Skandinaviya

M/d. Adan Mohamed Ibrahim ( Oor )

aaweys@hotmail.com   

Shir deg deg ah ay iskugu yimaadeen mar kale isla MARKAASNA aan hadda ku jirno xubnaha ururka USC/SSA Muddulood ee uu hoggaamiyo Al-Xaaji Muse Yalaxow oo lagu qabtay magaalada Gothenburg 16.02.2002 ayaa waxaa ka soo qayb galay taageerayaasha ururka, gaar ahaan Mudane Abdulkadir Abukar(Spinato) oo ah gudoomiyaha ururka ,Xoghayaha arimaha dibedda M/d. Abdulkadir Cismaan (Qulateen), xoghayaha dhaqaalaha M/d. Ismacil Aw-Cali Cabdulle, xoghaya arimaha gudaha M/d.Fuad Xaaji iyo xirriyaha Jaaliyadda Muddullood ee Skandinaviya M/d. Adan Mohamed ( Oor ) .

Shirka waxaa looga hadlay dagaalka maanta la sheegay in uu madiino ka dhacay ee uu u dhaxeeyo 2da walaalo Alxaaji Muuse Suudi iyo walaalkiis iyo midnima làanta haysata Mudduloodka deggan wadanka gudihiisa, taas oo sabab u ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odi daqameedyada Muddulood ee ku biiray kooxda CARTA, oo hoteello dejiyay dad aan tegi karin Gobolladooda oo misana ku shaqaysanaayo magac xildhibaanno iyo Wasiirro iyo dawlad aan Somaali wayn u dhamayn.

Waxaan ka xunnahay siyaasiyiinta Muddullood ee ka tirsan kooxda CARTA in ay raalli ka noqdeen in dagaal laga abuuro iyagoo xaadir ku ah dhulkooda hooyo isla markaasna ku faraxsan in ay is dilaan 2ba qolo oo walaalo ah iyo in ay ogolaadeen lacagta been abuurka ah oo lagu barakiciyay danyarta beelaha ay ka dhasheen Muddulood, iyo in ciidan Military ah loo adeegsado shacabka nabadda jecel ee weligiisa degganaa Gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa. Waxaan xusuusinaynaa siyaasiyiintaasi in taarikhda ay qori doonto qof kasta oo wanaag ama dhibaato u soo jiida bulshadiisa iyo Somaliwayn intaba.

Ugu dambayn wuxuu ururka ammaan iyo bogaadin u soo diraaya Guddomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe M/d.Maxamed Dheere iyo Dr. Hilowle Iimaan iyo Eng. Caddaw iyo M/d.Maxamad Sayid Cumar iyo Guddoomiyaha USC/SSA M/d. Al-Xaaji Muse Sudi Yalaxaw , Md Shiikha Muudeey Gacal iyo inta kale oo u taagan in helo is-maamul goboleed madaxbanaan oo caddaalad ku dhisan.

Xiriiriyaha Jaaliyadda Muddullood ee Skandinaviya

M/d. Adan Mohamed Ibrahim ( Oor )

Tel/fax 004631-154314 Gothenburg-Sweden

Email: muggastars@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited