ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Baaq oo uu  soo saaray  URURKA SOMALIDA PUNTLAND EE GERMALKA „USPG“ e.V.

Posted to the Web   May 03, 2002

Kala Xiriir Qoraalkaan

 Hussein Mussa" 

humussa@compuserve.de 

  Ku:  Isimada iyo Qolada  Isku-haysata Xukunka

  Ku: Dadka Reer Puntland Gudaha Iyo Dibaddaba

 

Qof kastow is weydii "maxaa dan u ah

Puntland?"

   

Marka ugu horeysa walaalayaal, meel kasta aad joogtaanba.  waad salaaman-tihiin. Annaga hadii aan nahay URURKA SOMALIDA PUNTLAND EE GERMALKA „USPG“ e.V.   waxay nagu

reebta cabsi iyo walaac iska hor imaadyadda ka jira Puntland. Taas oo aan uga baqeyno in ay keento cawaaqi xumo iyo dagaal. Dad baa yiraahda „ Dagaal waa mid aad huri karto & mid aadan huri karin „. Annaga waxaan qabnaa, dagaal waa mid la huri karo, khaas ahaan midka sokeeye. Dagaal wiligii dhibaato laguma xalin, hadii uu fa’ido leeyahayna 11kii sano uu wadanka qalalaasaha iyo dilka ka socday ayaan mirihiisa guran lahayn.

 

Annaga waxaan ognahay in aay Ummadda Puntland ku nool  tahay Ummad lagu yaqaano in ay xaliyaan dhibaata nooc kasta ah. Taas oo marqaati u ah in aay Putland ka mid ahayd degmooyinka  ilaa hadda nabadda  ku waara.

 

Sida aay wararka nagu soo gaarayaan iyo sida aan arrimaha ka taaganay Puntland u garanay waxaan iswaydiinay maxaa  qasbay in aay Isimadda kala go’aan?   Aaway dhaqankii iyo dastuurkii wax walba laga hormarin jiray? Maxaa dhaliyay shakiga ah in Isimadda aad moodid dad danahood u shaqeystayaal ah?

 

Waxaan dhamaan Isimada ka codsaneynaa:

  • In aad wanaagii iyo sharaftii la idinku yaqaanay ku soo laabataan  amaba si wadaan.

  • In aad qaadaan tilaabooyin oo hannanka nabadda looga hirgalinayo Puntland iyo wixii la dan ah.

  • In aad furtaan wadahadalo „Lillaahi“ ah, kuna saabsan sidii wax looga qaban lahaa xaajada  murugsan ee siyaasadeed ee soo foodsaartay gebi ahaan Puntland

  • In aad ka baxdaan fakrad „Reered“. Middaa waa midda dib noogu dhigtay.

  • In aad dhaqankaa iyo dastuurkaa wax walba ka hormarisaan. Taas oo kaliya ayaa nadab iyo horumar waara keeni kara. Ninkii labadaa qodob ka tilaabsada, danihii waddankana sidaa ku baabiya taariqda iloobi mayso.

Waxaan kaloo dhamaan  Waxgaradka, Culimadda, Hooyooyinka iyo Dhallinyaradda idinka codsaneynaa:

 

  • In aad Danaha Soomaaliya iyo tan Puntland, idinka oo Ilaah la kaashanaya, si haboon u tixgelisaan.

  • In aad Midnimada Puntland iyo tan Soomaaliya wiligiin ilaalisaan

  • In aad horumarka Dhaqaalaha, Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Bulshada ku dadaashaan

  • In aad Qalinka ka hormarisaan Khoriga oo aad wiligiin Dagaal iska hor istaagtaan.

  • In aadan  Noqon dad lagu adeegsado

Waad mahadsantihiin kuligiin

URURKA SOMALIDA PUNTLAND EE GERMALKA „USPG“ e.V.

uspgpuntland@hotmail.com

Wa billahi Tawfiiq

Nabadee


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.