| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

Maxaa haysta shacabka Puntland ?

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 21, 2001
Posted to the Web  18:16 GMT December 21, 2001
Boosaaso

Somali Progressive Party

Ururka Horumarinta Soomaaliyeed

s_progressiveparty@hotmail.com 

Maxaa haysta shacabka Puntland ?

 London, UK. 20/12/2001

Ugu horrayntii waxaan halkan ka salaamaynaa dhamaan shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, anagoo leh CIID WANAAGSAN IYO SANAD WANAAGSAN intaba.

Urukan oo ah dallad ay ku kulmeen mutacalimiin iyo saraakiil soomaaliyeed, waxay la noqotay inuu afkaartiisa ka dhiibto marxaladda adag ee maanta ay marayaan gobolada W/Bari. 

Marka hore Waxaan jecel nahay inaan halkan ka caddayno in urukani uusan ahayn mid siyaasadaysan, qabiilna ku dhisan; marka haddii afkaartayadu idin qancin waydo hays oranina uruku dhinac ayuu u xaglinayaa, maadaama lagu maahmaahay GARI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO.

Marka hore sidaan kawada warqabno gobolada W/Bari waxay ku heshiiyeen inay samaystaan maamul, si’ay uga baxaan nidaam darrada uu leeyahay maamul la’aanta, Waxaan laysku wada raacay inuu maamulkaas jiro muddo 3 sano ah kaddibna laqabto doorashooyin, nasiib darro taasu madhicin iyadoo qolo waliba ay qiil raadsanayso, taasina waxay keentay in goboladan oo lagu yiqiin nabad, walaaltinimo, iyo isxushmayn, maanta gebi ahaan ay harqiyaan colaado keenay ina dad badani naftoodii iyo maalkoodiiba waayaan, sida dagaaladii ka dhacay Boosaaso iyo Garoowe, kuwaasoo ahaa fool xumo aan marnaba lafilanaynin, loogana baran dadka deegaankan u dhashay.

Anagu eedda masaarayno siyaasiyiinta oo kaliya maadaama lawada ogyahay in siyaasigu siduu wax ku xukumi lahaa uu u bareerayo wax kasta; waxaan si gaar ah u eedaynaynaa Isimada gobolka, waayo waxay gabeen xilkii saarnaa ee ahaa in iyagoo midaysan ay qaataan go’aan, halka taasu ayan dhicin, maadaama dhinacyada is haya ay sheeganayaan in qolo waliba Isimo raali kayihiin.

Waxaan ugu baaqaynaa Isimada inay dhameeyaan kala qaybsanaanta dhexdooda ka jirta, waayo waxaa dhici karta in lagaaro meel aan hadhow waxba laga qaban karin, sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa isimada in iyagoo lakaashanaya waxgaradka gobolka ay qaataan go’aan loo midaysan yahay, maadaama ay taasu meesha kasaarayso kala qaybsanaanta, iyo sheegashada ay qolo waliba sheeganayso inay raali ka yihiin Isimo, sidoo kale waxaa xusid mudan in gobolada W/Bari aysan weligeed ka dhicin laba arrimood: a] In laga horyimaado go’aanada madax dhaqameedyada, b] In Isimo ay gooni ukala shiraan, gaaraana go’aano ay dhexdooda isku khilaafsan yihiin. 

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa dhamaan Isimada, indheer-garadka, culumaa’udiinta, haweenka, iyo dhamaan shacabka PL inay meel ugasoo wada jeestaan khilaafka jira oo ah mid aan maanta la sahlan karin, sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada isku haysta maamulka inay ogaadaan in dadka ay dhibaatooyinka gaarayaan yihiin danyarta, anagoo ilaah idiinka baryeyna inuu idin waafajiyo jidka toosan, sidoo waxaa haboon in la’ogaado in maanta qof xukun u dagaalamaya uu yahay mid aan wax dan ah kalahayn shacabkiisa. 

Talo soojeedintan waxaa ka qayb qaatay waxgarad soomaaliyeed oo aad u farabadan, kala joogana dalal kala duwan, waxaana kamida:  

1) Prof.Maxamed Yuusuf Axmed,  (UK)

2) Eng.C/casiis Sheekh Cali (DHEGASEYN), (ITALY)

3) Dr. Col. Dirir Cabdi Cali,  (UK)

4) Dr.Yaasiin Xasan Axmed, (UK)

5) Dr.C/llaahi Axmed Dayib, (GERMANY)

6) Dr.Xasan Cabdi Muuse,  (UK)

7) Dr.C/weli Cali FARTAAG,  (UK)

8) Dr.Jaamac Maxamed Cali, (FINLAND)

9) Dr. C/risaaq Faarax Cali,  (SOMALIA)

10)Eng.Samatar Xuseen Xasan,  (SOMALIA)

11)Eng.Axmed Maxamed Maxamuud, (UK)

12)D.ssa Amaal Yaasiin Muuse, (USA)

13)Eng.Diiriye Cabdi Cali (BIDAAR),(SOMALIA)

14)G/sare C/wahaab Cali Warsame, (UK)

15)G/dhexe Maxamed Siciid Samatar (UK)

16)Maxamed Aadan Dalmar, (SWIZZERLAND)

17)Sharmaarke Cabdi C/llaahi, (SWIZZERLAND)

18)C/llaahi Nuur Jaamac, (UK)

19)Maxamuud Maxamed Jaamac (MMJ), (UK)

20)Liibaan Diiriye Cabdi, (UK) 

Waxaa allPuntland Soo gaarsiiyay oo lagala xiriirayaa Eng. M. A. Ali s_progressiveparty@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com