ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

Baaq Nabadeed oo loo Jeedinayo Puntland.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 18, 2002

Posted to the Web   January 18, 2002

Waxaa AllPuntland Soogaarsiiyay

Yassin Ibrahim Essa

yessaus@hotmail.com

Bismillaahi El-raxmaan El-raxiim 

Baaq ku wajahan:

Isimmada, Siyaasiyiinta.

Aqoonyahannada

Saraakiisha ciidamada

Culimaa’uddiinka

Ganacsatada, Haweenka iyo

Dhallinyarada Puntland

---------------

Ka: Jaaliyadaha Beelaha Jubbaland, Soomali Galbeed, iyo tan Dawlad Goboleedka Puntland,  ee  W/Ameerika.

 

Waxay ku baaqayaan

  1. Puntland oo Mid ah, Nabad ah, Sugeysana Soomaalia oo Nabad ah.

  2.  Inuu yahay muqaddas jiritaanka Puntland.  Puntland waa astaan ay ku soo hirtaan dad badan oo wada dhashay.  Jiritaanka Puntlandna waa jiritaanka dadkaas.

  3.  In dadka Puntland  noqdaan kuwo ka xishooda cawaaqib xumada taariikhda, ayna dhaxalsiiyaan ubadkooda aayo gobannimo leh.

  4.  In beeshu dareento in jiritaanka Puntland uu isu dheellitirayo xoogagga siyasadeed ee Somalia,  uuna  sahlayo xallinta dhibaatada maanta taagan.

  5.  In colaadda sokeeye waa qaran jabe, aan loo horseedin burbur iyo kala jab ku dhaca dadka wada dhashay ee xilligan adag ay badbaado iyo aaya-ka-wada-tashigu is baday.

  6.  In uusan dagaal xal ahayn lagana faa’iideysto waaya aragnimada taariikhdii aan soo marnay 12 kii sano ee tegey, iyo tan adduun weynuhu soo marayba.

  7.  In danta guud ee dadka iyo dalku ay mudnaanta ka leedahay danta shakhsiga. 

  8.  In mas’uuliyiinta dhinacyada is hayaa hilmaamaan xurgufaha dhexdooda ah.

GUNAANAD 
  • Isimada beeshani rukun aasaasi ah ayey u ahaayeen abaabulka iyo dhismaha Puntland. Haddaba, waxaanu  ka codsanaynaa inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan, khilaafka jirana ay u helaan xal deg deg ah iyagoo u wada jira lana kaashanaya wax gararadka iyo inta nabadda jecel.  

  • Siyaasiyiinta waxaanu leenahay mudnaanta siiya danta guud ee dadka.   U jeexa shacbigiina khad ay horumar ku gaaraan, oo ka cirib tira jahliga, gaajada iyo cudurka. . 

  •  Wax garadka oo dhan, rag, haween, waayeel iyo dhallinyaro, ama guud ahaan shacbiga wada dhashay waxaanu leenahay ka digtoonaada dabinka laydiin dhigay. Iskana jira ciddii aan dantiina wadin.  Noqda kuwo iyagu aayahooda ka taliya oo aragti dheer.   

MAHAD CELIN GAAR AH;

 

WAXAANU SI GAAR AH UGU MAHAD CELINEYNAA GABDHAHA GARASHADA DHEER EE IYAGU ISU XILSAARAY XAALLINTA KHILAAFKA MAANTA INA DHAXALSIIYEY WALWELKA IYO WALAACA. 

 

Alle ha inagu anfaco aayadahan Quraanka ah ee macnahoodu yahay:

“Qolana Alle ma dulleeyo inay iyagu is dulleeyaan mooyee”

Wuxuu kaloo eebe yiri:

“Haddii aad galladda ALLE uga mahad celisaan, waan idiin kordhinayaa, haddaad ku kufridaanse ciqaabkaygu waa mid daran”,  taasoo uu RABBI ka digayo ciqaab labada daarood ah. 

 

GUUL AYAANU IDIIN RAJAYNAYNAA. 

Wixii su’aal, faallo ama talo soo jeedin ah, fadlan kala soo xiriira

Assad Suldaan Mohamoud Suldaan Haybe

amhaybe@yahoo.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com