ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

Baaq Nabadeed oo ku socda Puntland.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 18, 2002

Posted to the Web   January 18, 2002

Waxaa AllPuntland Soogaarsiiyay

Drs. Sureer Abshir Muuse Mataan

Somalcentre@aol.com

lKu: Dhamaan hoggaanka dhaqanka  Puntland ( Issimada)
Dhamaan madaxda siyaasadda  Puntland
Dhamaan Ururada Bulshada rayidkaah ee Puntland
Dhamaan indheer-garadka iyoshacabka Puntland
Dhamaan Culimaa'u diinka  Puntland


Annagoo ka mid ah wax-garadka jaaliyadda Puntland ee dibadda ku nool oo ay saamaysay kalana qaybisay xaaladda murugsan ee Puntland ka taagan, annagoo aad uga tiiraanyeysan kana calool xun iska-hor-imaadkii hubaysnaa ee dhawaan ka dhacay magaala madaxda Puntland ee Garoowe, kasoo sababay dhimasho iyo dhaawac, annagoo ka wal-walsan dadka hubka ku raran ee iska soo horjeeda, ayaan waxaan soo saarnay baaqaan nabadeed ee soosocda.

Waxaan ugu horreyntii u tacsiyeynaynaa eheladii iyo qaraabadii dadkii walaalaha ahaa ee labada dhinac isaga geeriyooday taasoo aan u aragno, kugu dhimay  kaana dhimay.

Waxaan codkayaga ku xoojinaynaa baaqii ay America kasoo saareen odayaasha xushmadda leh ee kala ah Mudane Haji Mohammed AbshirMuuse, Mudane Abdirizak Haji Hussein iyo Mudane Abdullaahi Hoolif.

In la dhowro aragtida iyo sumcadda wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed iyo adduun weynuhuba ka haystaan guud ahaan Puntland gaar  ahaanna magaalo madaxda Garoowe taasoo ahayd meel ku caan baxday nabad ku wada noolaansho  bacdamaa ay tahay caasumad dadku u siman yahay meel walbana looga wada yimaadaan.

Si loo helo qaddarintii aan hadalka lagu celin jirin, ducadooduna kicijirtay, waa in hoggaanka dhaqanka soo jireenka ah ay la soo noqdaan haybaaddoodii ay ab-ka-ab ka dhaxleen wixii farqi ah ee sookala dhex-galayna ay deg-deg u dhameeyaan.

Waxaan ku baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan ay caasumadda Garoowe kulan isugu yimaadaan dhamaan hoggaanka dhaqanka Puntland, si ay go'aan loo dhanyahay u qaataan loona af-jaro khilaafkii jiray.          

Waxaan si xushmad leh uga codsanaynaa dhamaan culimaaa'u diinka sumcadda wanaagsan leh kuwa dariiqada iyo kuwa kaleba, ururada haweenka, dhalinyarada iyo kuwa xirfadleyda ah iyo dhamaan shacabka nabadda jecel ee Puntland dibad iyo gudahaba iney hor-joog sadaan dadka doonaya in maatada Puntland dib loogu celiyo marxalaadii ay ka soo kabteen ee 1991-dii markii ay meelo badan isaga soo qaxeen si ay naftooda iyo caruurtooda dhulkooda hooyo ugu badbaadiyaan.

Ugu dambayntii waxaan Eebbe uga baryeynaa dadka dhibbanaha ah ee reer Puntland iyo reer Jubaland gar ahaan iyo guud ahaan dadka Somaliya oo dhan in Allaah awoodda leh u soo cesho karaamadii, ciskii, midnimadii iyo sharaftii lagu yaqaanay.

Amiin yaa Allaah
Waxaa saxiixay baaqaan:

  1. Hirsi Haji Jama

  2. Abshir Muuse Siciid

  3. General Abdullahi Ali Cumar

  4. Nabadoon Haashi Qalyar

  5. Abdisamad Ali Haashi Gheelle

  6. Abdulqanni Diiriye Muuse Mataan (Nayreere)

  7. Adam H Hussein Ahmed

  8. Engineer Mohamed Salaad Saacadaale

  9. Adam Warsame Buryar

  10. Drs.   Sureer Abshir Muuse Mataan

  11. Sucaad Bashiir Nuur Geeddi

  12. Maryan Mohamed Xoog-weyne Ali

  13. Barni Hayir

  14. Cadar Hussein

  15. Hawa Ugaas Geelle Mohamed Kaneec

Waxaa AllPuntland Soogaarsiiyay

Drs. Sureer Abshir Muuse Mataan

Somalcentre@aol.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com