ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Afrika waxaa lagu boqraa kuwa iimaanka la’ 

Posted to the Web   April 07, 2002

WQ.

Abdulqadir Jama Baruur

Baruur@hotmail.com 

Qaybtii Koowaad:

 

Aduunyadaan aan ku noolnahay ayaa soo martay heerar kala duwan oo maalin walba iyo habeen walba waxay la imaanayeen shani gooda, haddii ay ahaan lahayd shar iyo khayrba, bal aan yare fiirino waqtiga aan hada joogno halka uu aduunku marayo, marka aan indhaheena si toos ah ugu eegno ayaan waxaan arkeynaa oo uu qof walbana ka dheregsan yahay in uu jiro ismaandhaaf iyo isqab qabsi siyaasadeed ama diimeed kaasoo inta badan huwan ujeedooyin aad iyo aad u kala duwan oo waxa keliya ee ka dhexeeya ay tahay sida loo wajahayo  arinta amaba wax looga qabanayo taasoo badanaaba laysku raaco in lagu xaliyo dagaal waxa laga faa’iidaana noqoto dhimasho, dhaawac,dhac,qax. iwm.

Masiibooyinkaan ayaa waxay ka dhacaan dunida oo dhan hase yeeshee meesha aan anigu is leeyahay haddii bilad sharaf lagu bixinayo dilka iyo ku xadgudubka aadanaha wey qaadi lahayd waa qaarada aan aniga kasoo jeedo ee afrika waa qaarad aad looga jecel yahay qoriga noocyadiisa kala duwan iyo wax walba oo dagaal sahla ama fududeeya sidii naf loogooyn lahaa.

Waa qaarad dakeedu  aayan karaahsanindhimashada micno la’aanta ah.

Waa qaarad ku faraxsan gaajada, dagaalada, qaxa iyo duliga ay iyagu gacmahooda ku abuurteen.

Waa qaarad wax labur buriyo ee aan wax la dhisin.

Waa qaarad siday xumaanta  u garanayso aan u garanayn wanaaga.

Waa qaarad mutacalimkeeda iyo jaahilkeeda aadan kala garan karin.

Waa qaarad eexda , laaluushka iyo beenta dadkeeda rabaan in ay weligood ku noolaadaan.

Waa qaarad shacabkeeda iyo madaxdeeda ay ku qanacsan yihiin baryada iyo gacan hoorsiga Rabaana in ay horumar ku gaaraan.       

 

Waa qaarad dadkeedu ku mashquul san yihiin badankiis siday ku heli lahaayeen xoolo xaaraana.

Qaaradani waxay naaxisaa oo ay hoy u tahay, ma naxariistaha, ma xishoodaha, ma dhergaha Iwm.

Qaaradu waxay sharaysataa wanaaga iyo wax walboo kheyr ah qofkii soo jeediyana waxay ku Ceebaysaa doqon,fuley, karti laawe. Iwm.

Qaaradani waxay ku faantaa beenta, qabyaalada, eexda, dhaca, dilka, khayaamada,  laaluushka.

 

Kufsiga iyo sharci darada guud.iwm.

Qaarada waxay ku xajiimootaa runta, shaqada, daacada iyo nabada.

Xaqiiqo ahaan qaaradu waa qaarad barwaaqo ah waxaana lagu naa naysaa afrika qaaradii cagaarneyd, in loo bixiyo magacaana waxaa ugu wacan webiyada faraha badan iyo dhulbeereedka aadka iyo aadka u baaxada weyn oo ay leedahay, taasoo u sahlaysa qaarada haddii alle tuso in ay si habsami ah dadkeedu ugu faa’ideystaan dhanka wax soo saarka beeraha si ciriiriga iyo culeyska gaajadu saartay qaarada u caraabo intaa kuma eka nimcooyinka qaarada hase yeeshee waxaa kaloo ay leedahay afrika ugaarta, xoolaha ladhaqdo ama laquuto oo jaadad kala duwan leh iyo weliba shidaal la soo saaray iyo mid dihan, dahabka iyo dheemanka iyo dhagxaanta qaaliga ayaa ka buuxa qaarada, kaluunka oo boqolaal cayn ah ayay qaaradu ku tahay hodan.

Hadaba qayraadkaan aan soo sheegnay iyo kuwo kaloo ka sii badan iyadoo leh qaaradu hadana dadkeedu waa dadka ugu saboolsan dunida.

Haddii ayan is lahayn barwaaqada afrika taal iyo dadkeeda oo gaajo u baqtinaya, waxaa inoo soo baxaysa in ay tahay arimihii aan kor ku soo sheegnay oo ay wehliyaan iyadoo lagu boqro kuwa iimaanka la’ laakiin waxay su’aashu tahay intee in la’eg ayay soconayaan arimahaan ma saacadaa ma maalmaa, ma bilaa mise sanado. Jawaabta oo waafiya hada lama bixin karo laakiinse waxaan u deyneynaa waqtiga.

Ugu danbeyntii waxaan oran lahaa afrikaay asaagaa ka hartaye aadanaha sidiisii u dhaqan.

 

W:Q: Abdulqadir Jama Baruur

          Baruur@hotmail.com.


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.